Tababar Aqoon-kororsi ah oo lagu soo gabagabeeyay Galmudug

Samareeb- Maamulka Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Magaalada Samareeb ku soo gabagabeysay tababar aqoon kororsi ah oo loo qabtay dhowr iyo toban ka mid ah maamulayaasha, macalimiinta iyo gudiyadda Waxbarashada ee Gobolka Mudug.

Tababarkaan oo socday 8-maalmood , waxaa lagu baranaayey duruus  la xiriirtay kala Doorashada hababka  maareynta fasalka iyo qorsheynta casharada.

Isku-duwaha Xafiiska Samareeb ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamuud Axmed cali ayaa faah faahiyay   qorshaha xilligaan u degsan Wasaaradda Waxbarashada iyo sida  kor loogu  qaadayo xirfadda maamulayaasha iyo macalimiinta .

Qaar ka mid ah ka qayb galayaasha tababarkaan iyo macalimiinta bixisey duruusta ayaa dhamaantood muujiyey muhiimadda uu u lahaa bahda Waxbarashada Samareeb.