MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN AFUR AH LA QAATAY GANACSATADA SOOMAALIYEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan afur ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay doorka ay ka qaateen horumarinta dhaqaalaha dalka, xoojinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladdu ay ka miro-dhalisay qorshaha lagu yareynayey musuqmaasuqa hantida dadweynaha iyo eexda dhanka shaqada, taas oo xoojisay kalsoonida ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan hannaanka Maaliyadeed ee dalka, horseedna u noqotay in la joogteeyo mushaharaadka shaqaalaha iyo ciidammada.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxa ay garab xooggan ugu yihiin Dowladda fidinta adeegyada aas-aasiga ah, joogteynta xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, Barnaamijkii Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo xarumihii danta guud iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyaga oo wakhtiyada adagna safka hore kaga jira gurmadka iyo samatabixinta dalkeenna. Dareenkiinna waddaniyadeed iyo doorkiina samafal waa mid ay idiin ogyihiiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Dhankooda, Ganacsatada ayaa u faahfaahiyey Madaxweynaha saamaynta xanuunka Safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, mudnaanta ay siinayaan nabadda oo aas-aas u ah kobaca ganacsiga iyo sida ay uga go’an tahay in la sii amba-qaado qorsheyaasha miro-dhalka ah ee dib u dhiska dalka, loona xaqiijiyo dal iyo dowlad ay ku soo hirtaan maalgashadeyaashu.

Kulankan waxaa goobjoog ku ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiiru-dowlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Madaxda Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Agaasime ku Xigeenka Guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

DHAMMAAD

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga Wadajir Party

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Hijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday guddomiyaha Xisbiga Wadajir Party Abdirahman Abdishakur Warsame.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa bilaabay Todobaadkii dhamaaday inuu kulamo la qaato siyaasiyiinta mucaaridka, Kulamadaas oo xooga lagu saarayo sidii amniga looga wada shaqeyn lahaa .

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sh. Shariif

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Generaal Hijaar oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee Dalka Mudane Sharif Sh. Ahmed.

Kulankan waxaa lagaga wada hadlay qorshaha sugidda amniga Musharaxiinta ee xilliga doorashooyinka.

Wasaaradda Arimaha Gudaha oo qabatay Kulan lagu dhameystirayo la tashiga Siyaasadda Diiwaangelinta Madaniga.

SONNA- Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa qabatay Kulan lagu dhameystirayo la tashiga Siyaasadda Diiwaangelinta Madaniga.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wakiillo ka socda Wasaaradaha Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedyada, Gobolka Benaadir, Hay’adda Istaatiskada Qaranka, Hoggaanka Socdaalka & Jinsiyadaha iyo Wasaaradaha ku lammaanan howshan oo kala ah; Wasaaradda Waxbarashada H&T Sare, Wasaaradda Diinta & Awqaafta, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha -Mwhrd , Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada..

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS Md. Siciid C/laahi Calasow oo daahfuray kulanka ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay Siyaasadda Diiwaangalinta Madaniga.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay goobaha uu fatahaadda ka sameeyay webige Shabeelle ee Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Qaar ka mid ah Wasiiradiisa ayaa ugu  horeyn kormeer u kuur gelid ah ku tegay qeybo ka mid ah goobaha uu ku fatahay Wabiga, isagoo ku baaqay inay soo dhoweynayaan cid walba oo gacan ka geysan karta xeritaanka goobaha uu ka fatahay wabiga Shabeelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhanka kale baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya duleedka magaalada Beledweyne isagoo ku baaqay inay nabadda qaataan oo ay wax waliba ku dhameeyaan miiska wada hadalka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay howlihii shaqo ee uu u joogay magaalada Muqdisho iyo dadaaladii nabadeed ee la gaaray.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan la qaatay Madaxda Waaxyaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan la qaatay Madaxda Waaxyaha Dakhliyada Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray dardar-gelinta dakhliyada, si kor loogu qaado adeegyada loo hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa kula dar daarmay Madaxda iyo Howlwadeenada Waaxyaha Dakhliyada inay labo jibaaraan howsha loo igmaday.

Shaaqalaha Wasaaradda Waxbarashada oo tababar loo soo xiray

Agaasimaha Shaqada, Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarshadda, Hiidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Muuse Xoosh ayaa tababar u soo xiray shaqaale ka tirsan Wasaaradda Waxbarshada

Xafladda soo xiritaanka tababarka ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimyasha qorsheynta, Waxbarshadda dadban iyo Manhajka.

Tababarkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa waxaa lagu baranayay xoojinta xirfadda shaqaalaha, taasi oo gacan ka geysaneysa kor u qaadista tayada shaqaalaha Wasaaradda Waxbarshada.

Qaar ka mid ah shaqaalihi tababarka loo soo xiray kana tirsinaa waaxyaha kale duwan ee Wasaaradda ayaa sheegay in ay wax badan ku barteen muddadii uu tababrka u socday, sidoo kale ay jeclaan lahaayeen in la badiyo tababarada noocaan oo kale ah.

Madaxweynaha dawlad goboleedka Galmudug oo kulan la qaatay qaar ka mida saaxiibada beesha caalamka

Madaxweynah dowladda gobolkeedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta ka qeybgalay shir ay ku casuumeen qaar ka mid ah saaxiibada Beesha caalamka Soomaliya oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD.

Madaxweynaha iyo danjirayaasha ayaa ka wada hadlay xaaladda doorashooyinka iyo qabsoomidda Shirka wadatashiga qaran ee lagu balansanyahay Muqdisho 20-ka May 2021.

QM oo soo dhoweeysay soo celinta Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Antonio Guterres, UN High Commissioner for Refugees UNHCR at a Press Conference after 66th session of Excom. 9 October 2015. UN Photo / Jean-Marc Ferré

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey Doorka Dowladda Qatar ay ka qaadatay soo-celinta Xiriirka Diplomaasiyadeed ee u dhexeeyey Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

War qoraal oo uu soo saaray Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujrik, ayaa waxa uu ku sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu muujiyay Rajadiisa ku aadan Baaqyadii ka soo kala baxay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ee ku saabsan Soo-celinta Xiriirkooda Diplomasiyadeed ee labada dal.

Qoralka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu muujiyey inay Tallaabadaasi horseedi doonto inay labada dal ay si buuxda u soo ceshan doonan Xiriirkooda, oo lama huraan u ah Degananaashaha iyo Iskaashiga Mandiqadda gobalka gaar ahaan Geeska Afrika.

Marxuum Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil oo maanta lagu aasay Muqdisho

Alle u naxariistee meydka Marxuum Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa salaadda Janaasada lagula oogay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka,waxaana ka qeyb galay Ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad Mudane Cabdiwali Sheikh Ibraahim Muudeey,Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, ku-simaha Ra’iisal wasaaraha dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Ehalada Marxuumka, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Marxuum Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa lagu aasay Isbitaalka Xoogga dalka.

Ehalada Marxuumka ayaa beeniyay inuu u geeriyooday Cudurka Corono Virus,dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay aaska meydka Alle ha u naxariistii Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuumka.