Ra’iisul Wasaare Rooble oo Cambaareeyey Qaraxii Argagixiso ee ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo Cambaareyey Qaraxii Argagixiso ee caawa fiidkii ka dhacay Muqdisho.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkii argagixisadu ku qaadeen saldhigga degmada Waaberi.Waxaan qoysaskoodii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa saraakiishii iyo shacabkii ku naf waayay falkaas argagixiso.

Inta dhimatay Allaha u naxariisto dhaawacyadana Allaha bogsiiyo.

Falkani waxa uu tusaale cad u yahay sida aysan argagixisadu xurmo ugu hayn dhiigga Shacabka xilligan oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argagixisada noo diiddan in dadkeennu ay nabad ku naalloodaan.

Faah-faahin Dheeraad ah oo ka soo baxay qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho

Qof naftii halige ah oo xiran Jaakadda walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Banaanka Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay dhimashada 6 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Saraakiil Sarsare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Kooxda dembibaarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID iyo Saraakiil kale ayaa gaaray goobta iyagoo billaabay baaritaano ku aaddan qaraxa.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo aad loo adkeeyay sugidda amniga Magaalada Muqdisho, waxaana gudaha Magaalada laga sameeyay baro koontarool oo dheeri ah si loo ilaaliyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed oo waqtigaan ku howlan cibaado iyo Alla bari maadaama lagu gudajiro dhammaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Faah-faahin ka soo baxday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid Maxamud Cageey oo kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Kooxda Xagjirka Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka argagixiso ee caawa lagu qaaday Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi.

Weerar Argagixiso oo lagu qaday Saldhigga booliska degmada waaberi.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayay kooxaha Argagixisadu ku dhufteen Afaafka hore ee Saldhiga booliska degmada waaberi oo ku yaala Isgayska Dabka Qarax ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh

Taliyihii Saldhiga Waaberi Axmed baashane ( Colaalay) iyo Gaashaanle dhexe Cabdi Baasid oo ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.ayaa ku geeriyooday ilaa hada inta la ogyahay.

Wixii faahfaahin ah Halkan ayaan iidiinka la soo wadaagi doonaa.

Ciidanka Xooga oo hawlgalo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay Tuulada Quulaale ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan  ayaa halkaas ku dilay maleeshiyo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab xili halkaas ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgal-kaasi  ayaa u sheegay Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida in ay ka war heleen in maleeshiyo  Al-Shabaab ka tirsan ay Tuulada Quulaale ku abaabulayeen weerraro ay kusoo qaadaan degaano hoostaga degmada Maxaas sidaasina ay Ciidamada howlgalka ugu qaadeen.

Howl-galka inta uu socday ayay sarakiisha waxa ay sheegeen in howlgalkaas ay Al-Shabaab looga  dilay 7 kamida Maleeshiyaadkooda halka dhaawaca uu gaarayo 17 ruux, waxaa sidoo Ciidamdu ay ka gubeen Gaari dagaal oo Biijii ah kaas oo ay uga qeyb qaadan jireen dagaalada iyo weerarada ka dhaca Gobolka Hiiraan

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad kornail Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada wali ay kaga  dhuumaaleysanayaan Gobolka Hiiraan.

Wasiirka Warfaafinta JFS oo beeniyay Wararka sheegaya in Doxa ay ku kulmayaan MD Farmaajo iyo Uhuru Kenyata

Wasiirka Warfaafinta JFS mudane Cismaan Abokor Dubbe oo qoraal ka soo saaray warar been abuur ah oo sheegayay in Doxa ay ku kulmi doonaan Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata si loo dhamaystiro soo celinta xiriirka labada dal iyo in laga wada hadlo Dacwadda Badda ee go’aankeeda ICJ laga sugayo.

Wasiir Dubbe ayaa yiri “Cilaaqaadka labada waddan ee Soomaaliya iyo Kenya oo hore u xumaaday waxa hadda laga shaqaynayaa sidii loo wanaajin lahaa, waan u mahad-celinaynaa wadamada ka sheqeeyey isu soo dhowaan tan, laakiin xilligan waxba kama jiraan wararka la faafinayo ee sheegaya in labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay hadda kulmayaan kuna kulmayaan Doha/Qatar. Arrinka Badda Soomaaliyana wuxu ku jiraa gacanta Maxkamadda Caddaalada Adduunka ee ICJ, waxaana la wada sugayaa go’aanka Maxkamadda.”

Hadalka Wasiirka ayaa yimid xili Baraha Bulshada ay qabsadeen warar sheegayay kulan ay yeelan doonaan labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya si ay uga wada hadlaan Dacwadda badda, taa oo Soomaaliya ay marar badan caddeysay in aysan wada xaajood ka gali doonin.

 

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii Afaraad ciidsiiyay Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday

SONNA- Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta u qeybiyay lacago ay uga qeyb galaan farxadda maalmaha Ciidul fidriga caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Suxufiyiintii soomaaliyeed ee Muqdisho ku geeriyooday laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, taasi oo noqoneysa sanadkii Afaraad oo si xiriir ah xafiisku u ciidsiinayo caruurta Agoonta ah.

Agaasimaha xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black, oo guddi matalayay Warbaahinta gaarka loo leeyahay ku wareejiyay lacagaha sanadkan loogu talo galay in Agoonta lagu ciideysiiyo ayaa tilmaamay in ka xafiiska ahaan ay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka qaataan daryeelka iyo ka warqabka agoonta Wariyeyaasha soomaaliyeed ee geeriyooday iyaga oo gudanaya waajibkooda shaqo.

Dhinaca kale guddi ka kooban Agaasimayaal iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay taakulada xafiiska Warfaafinta madaxtooyada JFS la garab taaganyahay caruurta agoonta Wariyeyaashii soomaaliyeed.

Qorshahan Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka oo sanadkii Afaraad ciidsiinaya Agoonta Wariyeyaashii ee Muqdisho ku geeriyooday ayaa ujeedkiisu yahay in garab istaag loogu muujiyo Agoonta ay ka geeriyoodeen Wariyeyaasha soomaaliyeed oo iyagu u adeega bulshadooda naftooda ku wayay, islamarkaan ay isku xir u noqoto guud ahaan bahda Warbaahinta

Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay magacaabidda Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista John Dramani oo loo dhiibay xilka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraalkaan oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Xoghayaha Guud Stéphane Dujarric, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu muujiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ay u heyso howlaha baaxadda leh ee ay hayaan Midowga Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  wuxuu ugu baaqay dhammaan jilayaasha inay la shaqeeyaan Wakiilka Sare ee Midowga Afrika oo ay dib u bilaabaan wadahadallada ku saabsanaa hirgelinta Heshiiskii Doorashooyinka 17-kii Sebtember ,kaas oo la xiriiray qabashada doorashooyin waqtigooda ku dhaca oo loo dhan yahay.

Wararka Gudaha Hey’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO oo ka digtay halista daadad kusoo wajahan Soomaliya

Hey’adda Cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan,digniintan ayaa la xiriirta roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyaan webiyadda Soomaaliya.

FAO ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii ma’hiigaanka ahaa ee ka da’ay todobaadkii la soo dhaafay.

FAO Waxay sidoo kale xustay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saamayn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Heya’adda ayaa waxa kale oo xustay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha Webiga Jubba, iyada oo sheegtay in khatarta fatahaadda ay ku jirto degmooyin ay ka mid tahay Dooloow.

Heya’adda ayaa digniinteeda ku dartay in durba biyo xidheenadda iyo qararka Webiga oo daciif ah ay fatahad ku bilaabeen Jawhar iyo deegaamadda ku hareeraysan Webiga Shabeeelle, dhinaca kale heya’adda ayaa Dadweynaha ku nool deegamadda Webiga ku dhow ugu baaqday inay taxadar dheeri ah muujiyaan.

Warar cusub oo ka soo baxaya Gantaalkii Shiinaha

Gantaalkii Dalka Shiinaha ee dunida cabsi geliyey ayaa kusoo dhacay badweynta hindiya goob ka tirsan biyaha jasiiradda Maldives, warbahahinta Shiinaha oo soo xiganaysa xafiiska hawada sare u qaabilsan Shiinaha  ayaa xaqiijisay warkan.

Gantaalka ayaan wax khasaare ah oo uu geystay weli la sheegin iyadoo hore looga  cabsi qabay inuu waxyeelo u geysto goobaha la filayey inuu kusoo dhici doono,gantaalkan oo magaciisu ahaa march 5B Rocket ayaa toddobaadkii hore dawladda Shiinaha ku dhawaaqday inuu gacanteeda ka baxay.

La wadaag cid kale