Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay magacaabidda Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista John Dramani oo loo dhiibay xilka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Qoraalkaan oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka Xoghayaha Guud Stéphane Dujarric, ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu muujiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ay u heyso howlaha baaxadda leh ee ay hayaan Midowga Afrika.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  wuxuu ugu baaqay dhammaan jilayaasha inay la shaqeeyaan Wakiilka Sare ee Midowga Afrika oo ay dib u bilaabaan wadahadallada ku saabsanaa hirgelinta Heshiiskii Doorashooyinka 17-kii Sebtember ,kaas oo la xiriiray qabashada doorashooyin waqtigooda ku dhaca oo loo dhan yahay.