Faah-faahin ka soo baxday qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid Maxamud Cageey oo kamid ahaa saraakiishii ku dhaawacmay Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxaasi.

Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid ayaa ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir.

Kooxda Xagjirka Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka argagixiso ee caawa lagu qaaday Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi.