Wararka Gudaha Hey’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee FAO oo ka digtay halista daadad kusoo wajahan Soomaliya

Hey’adda Cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay halista daadad xoog leh oo Soomaliya ku soo wajahan,digniintan ayaa la xiriirta roobab xoog leh oo laga cabsi qabo inay buux-dhaafiyaan webiyadda Soomaaliya.

FAO ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu buux-dhaafay kaddib roobabkii ma’hiigaanka ahaa ee ka da’ay todobaadkii la soo dhaafay.

FAO Waxay sidoo kale xustay in roobabkii ka da’ay dhulka buuraaleyda ah ee Ethiopia ay daadadkoodu ku soo qul-qulayaan Soomaaliya, kuwaas oo saamayn doona magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha hoose.

Heya’adda ayaa waxa kale oo xustay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay kordheen biyaha Webiga Jubba, iyada oo sheegtay in khatarta fatahaadda ay ku jirto degmooyin ay ka mid tahay Dooloow.

Heya’adda ayaa digniinteeda ku dartay in durba biyo xidheenadda iyo qararka Webiga oo daciif ah ay fatahad ku bilaabeen Jawhar iyo deegaamadda ku hareeraysan Webiga Shabeeelle, dhinaca kale heya’adda ayaa Dadweynaha ku nool deegamadda Webiga ku dhow ugu baaqday inay taxadar dheeri ah muujiyaan.