Faah-faahin Dheeraad ah oo ka soo baxay qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho

Qof naftii halige ah oo xiran Jaakadda walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Banaanka Saldhigga Booliska Dagmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay dhimashada 6 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen Saraakiil Sarsare oo katirsan Booliska Soomaaliya, halka 4-takalana ay ahaayeen dad shacab ah oo wadada marayay.

Kooxda dembibaarista Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee CID iyo Saraakiil kale ayaa gaaray goobta iyagoo billaabay baaritaano ku aaddan qaraxa.

Weerarkan ayaa dhacay iyadoo aad loo adkeeyay sugidda amniga Magaalada Muqdisho, waxaana gudaha Magaalada laga sameeyay baro koontarool oo dheeri ah si loo ilaaliyo amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed oo waqtigaan ku howlan cibaado iyo Alla bari maadaama lagu gudajiro dhammaadka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.