Ciidanka Xooga oo hawlgalo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka fuliyay Tuulada Quulaale ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo saacadihii la soo dhaafay howlgallo lagu burburinayo Argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay Tuulada Quulaale oo u dhexeyasa Deegaanka Cali Ganeey iyo Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan  ayaa halkaas ku dilay maleeshiyo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab xili halkaas ay ku dhuumaaleysanayeen.

Saraakiisha hogaaminaysay howlgal-kaasi  ayaa u sheegay Warbaahinta Codka Ciidamada Qalabka Sida in ay ka war heleen in maleeshiyo  Al-Shabaab ka tirsan ay Tuulada Quulaale ku abaabulayeen weerraro ay kusoo qaadaan degaano hoostaga degmada Maxaas sidaasina ay Ciidamada howlgalka ugu qaadeen.

Howl-galka inta uu socday ayay sarakiisha waxa ay sheegeen in howlgalkaas ay Al-Shabaab looga  dilay 7 kamida Maleeshiyaadkooda halka dhaawaca uu gaarayo 17 ruux, waxaa sidoo Ciidamdu ay ka gubeen Gaari dagaal oo Biijii ah kaas oo ay uga qeyb qaadan jireen dagaalada iyo weerarada ka dhaca Gobolka Hiiraan

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad kornail Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay sii socon doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada wali ay kaga  dhuumaaleysanayaan Gobolka Hiiraan.