Warar cusub oo ka soo baxaya Gantaalkii Shiinaha

Gantaalkii Dalka Shiinaha ee dunida cabsi geliyey ayaa kusoo dhacay badweynta hindiya goob ka tirsan biyaha jasiiradda Maldives, warbahahinta Shiinaha oo soo xiganaysa xafiiska hawada sare u qaabilsan Shiinaha  ayaa xaqiijisay warkan.

Gantaalka ayaan wax khasaare ah oo uu geystay weli la sheegin iyadoo hore looga  cabsi qabay inuu waxyeelo u geysto goobaha la filayey inuu kusoo dhici doono,gantaalkan oo magaciisu ahaa march 5B Rocket ayaa toddobaadkii hore dawladda Shiinaha ku dhawaaqday inuu gacanteeda ka baxay.

La wadaag cid kale