Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyda Soomaaliya oo sanadkii Afaraad ciidsiiyay Agoonta Wariyeyaashii Muqdisho ku geeriyooday

SONNA- Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta u qeybiyay lacago ay uga qeyb galaan farxadda maalmaha Ciidul fidriga caruurta Agoonta ah ee ay ka tageen Suxufiyiintii soomaaliyeed ee Muqdisho ku geeriyooday laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, taasi oo noqoneysa sanadkii Afaraad oo si xiriir ah xafiisku u ciidsiinayo caruurta Agoonta ah.

Agaasimaha xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka mudane Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black, oo guddi matalayay Warbaahinta gaarka loo leeyahay ku wareejiyay lacagaha sanadkan loogu talo galay in Agoonta lagu ciideysiiyo ayaa tilmaamay in ka xafiiska ahaan ay diyaar u yihiin in ay kaalin muuqata ka qaataan daryeelka iyo ka warqabka agoonta Wariyeyaasha soomaaliyeed ee geeriyooday iyaga oo gudanaya waajibkooda shaqo.

Dhinaca kale guddi ka kooban Agaasimayaal iyo Wariyeyaal ka howlgala warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Muqdisho ayaa soo dhaweeyay taakulada xafiiska Warfaafinta madaxtooyada JFS la garab taaganyahay caruurta agoonta Wariyeyaashii soomaaliyeed.

Qorshahan Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka Warbaahinta madaxtooyada Qaranka oo sanadkii Afaraad ciidsiinaya Agoonta Wariyeyaashii ee Muqdisho ku geeriyooday ayaa ujeedkiisu yahay in garab istaag loogu muujiyo Agoonta ay ka geeriyoodeen Wariyeyaasha soomaaliyeed oo iyagu u adeega bulshadooda naftooda ku wayay, islamarkaan ay isku xir u noqoto guud ahaan bahda Warbaahinta