Madaxweynaha Koonfur galbeed oo cafis u fidiyay 10 maxbuus

Baydhabo- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta wareegto Madaxweyne cafis ugu fidiyay illaa 10 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo.

Maxaabiistaan ayaa u xirnaa dembiyo fud fudud, kuwaasi oo aad ugu farxay cafiska loo fidiyay. waana sanadkii labaad ee uu  Madaxweynaha Koonfur Galbeed sidaan sameeyo tan iyo inta uu yimid xafiiska fadliga Munaasbadda Ciidul fidriga Awgeed.

Wasaaradda Waxbarashadda XFS oo daah furtay Buugaagta farta Bareelka ee Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Nuuriyo  Aadan Ciise ayaa daah furtay buugagta farta Bareelka ee  Manhajka Dugsiyada Hoose iyo Dhexe  oo ay wax ku bartaan dadka araga la’a  ee loo yaqaan  bareelka (braille).

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Marwo Nuuriya Aadan Ciise oo ka hadashay Munaasabadda daah furka ayaa sheegtay in Wasaaradda Waxbarashada ay ka go’an tahay in ay xaqijiso Waxbarasho loo dhan yahay, taasi oo micnaheedu tahay in canug kasta oo Soomaaliyeed uu helo Waxbarasho marxalad kasta oo uu ku sugan yahay.

Bugagtaan maanta  la daah furay ayaa waxa ay ka kooban yahiin Fasalka 1-aad illaa Fasalka 8-aad ee Dugsiga Hoose iyo Dhexe looguna tala galay in ay daboolaan baahida 651 arday oo araga naaafa ka,  waxaana tiradoodu  dhan tahay  8618 buug,  sidoo kale waxaa madasha lagu soo bandhigay qalab loogu tala galay caruurta qabta baahiyaha gaarka ah.

Munaasabada lagu soo bandhigayay buugagta farta bareelka  Waxaa ka soo qayb galay agaasimayaasha, waaxda hormarinta adeegyada waxbarashada, waaxda hormarinta manaahijta, waaxda qorsheynta iyo agaasimaha waaxda waxbarashada dadban (Tvet & NFE), Munaasabada waxaa dhanka fogaan araga uga qayb galay hay’adaha taageero waxbarashada.

Saraakiishii xalay ku geeriyootay Qaraxa oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Allah u naaxariistee  waxa maanta Cisbitaalka Xoogga Dalka ee Muqdisho aas Qaran loogu Sameeyey Taliyihii Booliska Saldhiga Degmadda Waaberi,Taliye Ku-xigeenkii Ciidanka Booliska qaybta Waaliyow Cadde iyo Sarkaal kale oo ka mida Saraakiisha ku Geeriyootay Qarax Xalay Argagixisaddu la eegatay Saldhiga Degmadda Waaberi.

Axmed Cabdulahi Baashane Taliyihii Saldhiga Degmadda Waaberi iyo  Cabdi Baasid Maxamuud Cageey Taliye ku-xigeenkii Qaybta waaliyow Cadde ayey Shacabka Soomaaliyeed aad uga murugoodeen Geeridooda,Labadda sarkaal ayaa lagu Xasuusan doonaa sidii naf hurnimadda lahayd ee ay Shacabka ugu adeegi jireen,

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha gudaha soomaaliya Janeraal Muqtaar Xuseen Afrax, Saraakiil Ciidan, qaar kamid ah ehellada iyo saaxiibada saraakiisha qaraxa lagu dilay.iyagoo ilahay uga baryay  in uu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa kulan la qaadatay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian.

Wasiirka iyo Danjire Qin Jian ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan isku xirka Haweenka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, kulanka waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka Mudane Isaaq Xaashi Jimcaale iyo qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Ururka Jaamacadda Carabta oo kulan ka yeelanaya dadkii lagu wax yeeleeyey Masjid Al-aqsa

Kulanka Wakiillada Joogtada ah ee Golaha Ururka Jaamacada Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka dhaco Xarunta ururka Jaamacada Carabta Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Shirkaan oo la filayo in looga hadlo arrimaha dalka Falastiin iyo tacdiyada ka dhanka ah Falastiniiyiinta ee ay waddo Israa’iil ayaa waxaa shir gudoomin doona Dowladda Qadar.

Shirkan deg deg ah ee looga hadlayo Tacadiyada iyo weerarada Askarta Yahuuda u geystaan dad ku cibaadeysanayo Masjidka Al-aqsa ayaa codsigiisu ka yimid Dowladda Falastiin waxaana ku dhawaaqay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee ururka Jaamacadda Carabta

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku baaqay in loo midoobo la dagaallanka Argagixisada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa aad u cambaareeyay Weerarkii Argagixasada ay ku qaadeen Saldhiga Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cumar ayaa Tacsi u diray Qoysaska, Taliska Booliska iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ka baxeen Saraakiishii ku Shahiiday Weerarkaasi iyagoo gudanaya waajibaadkooda Qaran.

Waxaa uuna sidoo kale Eebe ugu baryay Saraakiisha, Askarta iyo Shacabkii ku dhaawacmay weerarkaasi in uu Caafimaad deg-deg ah siiyo.

Duqa Muqdisho ayaa falkaan ku tilmaamay mid muujinaya heerka caqiido la’aan ee kooxda Argagixisada, iyadoo lagu jiro bil barakeysan ee Ramadaan in ay daadinayaan dhiiga Muslimiinta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho ayaa markale ugu baaqay Shacabka in ay ka feejignaadaan qatarta Argagixisada,isagoo sheegay in sida kaliya ee looga guuleysan karo ay tahay in loo midoobo la dagaallanka Argagixisada, Shacabkana ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.

Ciidamada Xoogga dalka oo fuliyay howlgal jab xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab

Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga dalka ayaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxay ka gaareen guulo wax ku ool ah.

Howlgalka oo si gaarka ah kaga dhacay deegaanka Sulaay ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayay ciidamada Xoogga waxay ku baacsadeen maleeshiyada Al-Shabaab oo halkaas dadka marasta ah ku dhibaateynayay.

Taliyaha Guutada 5-aad Qeybta 27-aad Kornel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay oo hoggaaminayay howlgalkan ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in ay jab xooggan ku gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay Wadada Xiriirisa deegaanka Coomaad iyo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada Qalabka sida ayaa wada howlgalo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab oo caadeystay in ay daadiyaan dhiiga Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Jen. Mukhtaar Hussein Afrax ayaa tacsi udiray Ehelkii dadkii ku dhintay Qaraxa

Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u-heshiisinta Jen. Mukhtaar Hussein Afrax ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada, Taliksa Ciidanka Booliska iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay Degmada waabari Ee magaalada Muqdisho.

Inta dhimatay allaha u naxariisto inta dhawacana allaha bogsiiyo. cadowga argagixisada ah waa in aan si wadajir ah ula dagaalnaa shacab iyo Dowladba. Ayuu yiri Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u-heshiisinta Jen. Mukhtaar Hussein Afrax.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY SARAAKIISHII KU SHAHIIDAY QARAXII MAGAALADA MUQDISHO.

Muqdisho, May 10, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan bahalnimada ah in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY SARAAKIISHII KU SHAHIIDAY QARAXII MAGAALADA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanya leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen saraakiishii, saraakiil xigeenkii, askartii iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni iyo wadajir, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Taliyihii Booliiska Degmada Waaberi Gaashaanle Axmed Sheekh Cabdullaahi Baashane, Saraakiisha iyo Askarta kale ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u shahiiday iyagoo ka shaqeynaya Amniga dalkooda iyo dadkooda. Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Amniga waxaan ugu baaqayaa in si wadajir ah ay isaga kaashadaan ka hortagga dhagarta arxan-darrada ah ee argagixisada.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey -iyada oo lagu jiro habeen khayar badan oo ka mid ah tobankii danbe ee bisha barakaysan ee Ramadaan- saraakiishii, askartii iyo shacabkii Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxan bahalnimada ah in uu hooygooda ka yeello Jannatul Firdowsa, Saraakiisha kale iyo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartayna Eebbe u booga dhayo.