Madaxweynaha Koonfur galbeed oo cafis u fidiyay 10 maxbuus

Baydhabo- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta wareegto Madaxweyne cafis ugu fidiyay illaa 10 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo.

Maxaabiistaan ayaa u xirnaa dembiyo fud fudud, kuwaasi oo aad ugu farxay cafiska loo fidiyay. waana sanadkii labaad ee uu  Madaxweynaha Koonfur Galbeed sidaan sameeyo tan iyo inta uu yimid xafiiska fadliga Munaasbadda Ciidul fidriga Awgeed.