Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda oo shir aaladda fogaan araga kaga qeybgalay Golaha Jaamacadda Carabta.

Muqdisho, May 11, 2021 – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balaal Maxamed Cusman, ayaa maanta oo Talaado ah ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer wasiir ee aan caadiga ahayn.

Fadhigan oo looga hadlaayay gardarada Israel ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheikh Jarrah

Mudane Balaal Cusman oo matalayey Dalkeen ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxa ay aheyd sida tan:-

Mudane Sheikh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Raiisel wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada ee dawlada aan walaalaha nahay ee Qatar, Gudoomiyaha kalfadhiga hada socda
Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.
Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeena deg-deg ah ee heer wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowlada walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin. Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo talaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hoggaansanaanta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israel inay joojiso dhammaan Weerarada isdaba jooga ah ee Israel ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimada ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeena, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee umadeena carabta ah la soo dersaya.
Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Wasalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuh

Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri la kaamilayo 30 ka bisha Ramadan

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in caawa ay Wasaaradda iyo culimada Soomaaliyeed sameeyeen xiriiro kala duwan oo ku aadan baadi goobka bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo shaaciyay in dalka Soomaaliya aysan barri ciid u aheyn, isla markaana la kaamilo 30-ka bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Wasiirka oo ay wehliyaan Culumaa’udiin Soomaaliyeed ayaa illaa afurkii caawa ku sugnaa xarunta Wasaaradda Warfaafinta si ay u xaqiijiyaan bilashada bisha Shawaal (Soon Fur).

Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili inta badan Dowladaha Islaamka ku dhawaaqeen in berri aysan ciid aheyn.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY DHIGGIISA DALKA UGANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay madaxdu isku raaceen adkeynta xiriirka qotada dheer ee ku dhisan iskaashi iyo wax wadaqabsi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Yoweri Museveni guusha uu ka gaaray doorashooyinkii ka dhacay dalkan, isaga oo u rajeeyey horumar iyo barwaaqo Shacabka iyo dawladda Uganda.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Caasimadda dalka Uganda ee Kambala

Kampala- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ka mid ah Madaxda lagu marti qaaday Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni.

Wafdiga Madaxweynaha saakay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa qeyb ah mas’uuliyin katirsan dowladda Soomaaliya oo ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka ee madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo dib loo doortay.

Ra’iisul wasaare Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu so laabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka Aadan cadde ku soo dhaweeyey wasiirka Cadaaladda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo xog-hayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda la socotay ayaa dalka Sacuudigau tagay inay soo cumreystaan.

Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay in 134 qof oo cusub ay ka bogsoodeen Feyruska Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 134 qof oo cusub 48-dii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,325.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale xaqiijisay in la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (37) Puntland (20) gobalka Banaadir (7) Hirshabeelle (5), Jubbaland (1) iyo Koonfur Galbeed (1) taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,486.

Bukaannada cusub 46 ka mid ah waa rag 25-na waa dumar, 48-kii saac ee ugu dambeeyay 6 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 753 qof.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Madaxweyne Lafta-green oo qaabilay wafdi ka socday xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Aqalka Madaxtooyadda ku qaabilay Wafdi ay hogaaminaysay Ku-xigeenka Koowaad wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey U qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Waxaana qayb ka ahaa Wakiiladda midowga yurub, midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale.

kulankan ayaa waxa lagaga hadlay Xoojinta,joogteynta xiriirka Wadashaqayneed ee koonfur Galbeed iyo Xafiisyadda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, sidoo kale sidii loo Xaqiijinta lahaa shirka loogu balansanyahay 20 bishan in uu ka dhaco Caasimada Dalka ee Mogadisho.

Dowladda Soomaaliya Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaantay Go’aankii Kenya Ee Hakinta Duulimaadyada

Duraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda  federalka soomaaliya  ayaa sheegay in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah oo ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, balse kaliya ay arkeen qoraalka kasoo baxay  Maanta lagu baahiyay warbaaahinta Dalka Kenya.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay warka kasoo baxay dowladda Kenya maadaama Saddex Cisho ka hor dowladda Soomaaliya shaacisay in la soo celiyay xiriirkii Kenya si labada dal ee deriska ah nolosha isu socodka dadweynuhu caadi ugu soo noqoto.

Wasiirka waxaa uu intaa hadalkiisa ku  daray in dowladda Soomaaliya ay wado wadatashiyo kala duwan, isla markaana ay soo saari doonto go’aan arintaa ku aadan.

Goobo loogu talagalay damaashaadka maalmaha Ciidda iyo Agabka ilmuhu ay ku ciyaraan oo markii ugu horreysay laga hirgaliyay magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Waxaa si habsami leh looga dareemayaa u diyaar garowga maalmaha ciida ee saacado uun ay naga xigaan iyadoo sanadkan ay uga duwan tahay sanadihii hore dhan walba , Magaalada waxaa markii ugu horeysay laga hir galiyay agabka ilmuhu ay ku cayaraan oo noocyo kala duwan isugu jira goobo ay waqti ku qaataan dadka iyo sido kale qoysaska wada socda.

Diiriye Hall oo ah xarun ganacsi oo ka kooban maqaaxi iyo hoolka shirarka iyo aroosyada ayaa sanadkan markii ugu horeysay suura galiyay in ilmuhu helaan meelo ey ku qaatan farxada maalmahooda ciida.

Xaruntan ayaa lagu diyaariyay dhaman agabka ilmahu kucayaaran oo ah kuwa aan ilmaha waxba garsineyn sida wiifowyada, baraagaha biyaha iyo qalab kale oo ilmuhu waqtigooda ciida kuqataan.

Salaad axmed diiriye waa maamulaha Diiriye Hall ayaa sheegay in xaruntaan ay ugu talageen in bulshada reer Cadaado ay waqti farxadleh ku qaataan magaaladooda.

Waa markii ugu horeysay ee Magaalada laga hirgaliyo agabkan ilmu kucayaraan waxaan ka faa’ideysan doona maalmaha ciida dadka ku dhaqan magaalada Cadaado iyo deegaanada ku xeeran.

Danyarta ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo oo la gaarsiiyey Deeq raashin ah.

Deeqdan oo aheyd zakaatul fidriya ay iskasoo ururiyeen dad Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka dibadiisa ayaa waxaa ururka Xanaano oo ah urur ka shaqeeya waxbarida iyo daryeelka agoonta ayaa waxaa maanta ay gaarsiiyeen boqolaal ruux kuwaas oo isugu jiray agoon, dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo danyarta ku nool magaalada Gaalkacyo.

Xabiibo Maxamuud Cabdi Koofuroow oo ah wakiilka ururka Xanaano ee gobalka Mudug ayaa sheegtay in deeqdaan loogu talagalay sidii dadkan masaakiinta ah ee Soomaaliyeed loogu farxin lahaa maalmahan fadliga badan ee ay Ciiduna ay soo galeyso si ay ugu ciidaan si farxad leh.
qaar ka mida agoontii iyo danyartii ka faa’ideeystay deeqdaan zakaatul fidriga ayaa ka mahad celiyay deeqda iyo sidoo kale garab istaaga dhanka waxbarida agoonta oo ay markasta ka helaan Xaanaano.

Gudoomiye ku xigeenka dagmada Galkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa isna dhankiisa bogaadiyay kaalinta ururka Xanaano ee ku aadan wax barida iyo garab istaaga agoonta.