Goobo loogu talagalay damaashaadka maalmaha Ciidda iyo Agabka ilmuhu ay ku ciyaraan oo markii ugu horreysay laga hirgaliyay magaalada Cadaado.

Magaalada Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Waxaa si habsami leh looga dareemayaa u diyaar garowga maalmaha ciida ee saacado uun ay naga xigaan iyadoo sanadkan ay uga duwan tahay sanadihii hore dhan walba , Magaalada waxaa markii ugu horeysay laga hir galiyay agabka ilmuhu ay ku cayaraan oo noocyo kala duwan isugu jira goobo ay waqti ku qaataan dadka iyo sido kale qoysaska wada socda.

Diiriye Hall oo ah xarun ganacsi oo ka kooban maqaaxi iyo hoolka shirarka iyo aroosyada ayaa sanadkan markii ugu horeysay suura galiyay in ilmuhu helaan meelo ey ku qaatan farxada maalmahooda ciida.

Xaruntan ayaa lagu diyaariyay dhaman agabka ilmahu kucayaaran oo ah kuwa aan ilmaha waxba garsineyn sida wiifowyada, baraagaha biyaha iyo qalab kale oo ilmuhu waqtigooda ciida kuqataan.

Salaad axmed diiriye waa maamulaha Diiriye Hall ayaa sheegay in xaruntaan ay ugu talageen in bulshada reer Cadaado ay waqti farxadleh ku qaataan magaaladooda.

Waa markii ugu horeysay ee Magaalada laga hirgaliyo agabkan ilmu kucayaraan waxaan ka faa’ideysan doona maalmaha ciida dadka ku dhaqan magaalada Cadaado iyo deegaanada ku xeeran.