Danyarta ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo oo la gaarsiiyey Deeq raashin ah.

Deeqdan oo aheyd zakaatul fidriya ay iskasoo ururiyeen dad Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka dibadiisa ayaa waxaa ururka Xanaano oo ah urur ka shaqeeya waxbarida iyo daryeelka agoonta ayaa waxaa maanta ay gaarsiiyeen boqolaal ruux kuwaas oo isugu jiray agoon, dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo danyarta ku nool magaalada Gaalkacyo.

Xabiibo Maxamuud Cabdi Koofuroow oo ah wakiilka ururka Xanaano ee gobalka Mudug ayaa sheegtay in deeqdaan loogu talagalay sidii dadkan masaakiinta ah ee Soomaaliyeed loogu farxin lahaa maalmahan fadliga badan ee ay Ciiduna ay soo galeyso si ay ugu ciidaan si farxad leh.
qaar ka mida agoontii iyo danyartii ka faa’ideeystay deeqdaan zakaatul fidriga ayaa ka mahad celiyay deeqda iyo sidoo kale garab istaaga dhanka waxbarida agoonta oo ay markasta ka helaan Xaanaano.

Gudoomiye ku xigeenka dagmada Galkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi ayaa isna dhankiisa bogaadiyay kaalinta ururka Xanaano ee ku aadan wax barida iyo garab istaaga agoonta.