Madaxweyne Lafta-green oo qaabilay wafdi ka socday xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta Aqalka Madaxtooyadda ku qaabilay Wafdi ay hogaaminaysay Ku-xigeenka Koowaad wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey U qaabilsan Arimaha Soomaaliya.

Waxaana qayb ka ahaa Wakiiladda midowga yurub, midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale.

kulankan ayaa waxa lagaga hadlay Xoojinta,joogteynta xiriirka Wadashaqayneed ee koonfur Galbeed iyo Xafiisyadda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya, sidoo kale sidii loo Xaqiijinta lahaa shirka loogu balansanyahay 20 bishan in uu ka dhaco Caasimada Dalka ee Mogadisho.