Dowladda Soomaaliya Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaantay Go’aankii Kenya Ee Hakinta Duulimaadyada

Duraan Axmed Faarax Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda  federalka soomaaliya  ayaa sheegay in Kenya aysan jirin qoraal rasmi ah oo ay soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya, balse kaliya ay arkeen qoraalka kasoo baxay  Maanta lagu baahiyay warbaaahinta Dalka Kenya.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  waxaa uu sheegay in wax lala yaabo ay tahay warka kasoo baxay dowladda Kenya maadaama Saddex Cisho ka hor dowladda Soomaaliya shaacisay in la soo celiyay xiriirkii Kenya si labada dal ee deriska ah nolosha isu socodka dadweynuhu caadi ugu soo noqoto.

Wasiirka waxaa uu intaa hadalkiisa ku  daray in dowladda Soomaaliya ay wado wadatashiyo kala duwan, isla markaana ay soo saari doonto go’aan arintaa ku aadan.