Ra’iisul Wasaare Rooble oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada ciidda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidda Soonfur, ugna baaaqay inay is caawiyaan, nabaddana laga shaqeeyo.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambaleyeynayaa munaasabadda Ciidda Soonfur. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu nabad, caafimaad iyo horumar nagu gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa CIID WANAAGSAN. كل عام وأنتم بخير.”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ciidda awgeed cafis u fidiyay 179 maxbuus

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiga dhaxe iyo xabsiga MBC ee Ex-koontarool Afgooye ka sii daayay maanta 179 maxbuus oo ku xukunaa danbiyo, kuwaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u fidiyay cafis munaasabadda Ciidda Awgeed.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu ka yimid codsiga ah in maxabiista daruufaha fudud u xiran qiimeeyn gaar ah loo sameeyo, isla markaana munaasabadda ciidda awgeed laga cafiyo dambiyada yaryar oo ay ku jiraan xukunada.

Gaashaanle Sarre Cabdiqani Maxamed Qalaf Afhayeenka Ciidanka asluubta ayaa uga mahadaceliyay xafiiska xeer ilaalinta dadaalka ay ku bixiyeen siideynta maxaabiista daruufaha fudud u xiran.

Qaar ka mid ah maxaabiista cafiska Madaxweyne lagu siidaayay ayaa tilmaamay inay aad ugu farxeen inay dib u heleen xoriyaddooda ay la midoobayaan eheladooda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maxabiista kula dar daarmay in ay bulshada kula laabtaan macaamil wanaagsan, cafiska la siiyayna kaga faa’iideystaan in aysan dib ugu laaban waxkasta oo keeni kara xabsi.

Albaabada xabsiyada MBC iyo Xabsiga dhaxe ayey ka baxeen iyaga oo wajiyadooda ay farxad ka muuqato, waxaana farxada ciidda ay la qaadanayaan eheladooda, ayada oo laga cafiyay dambiyadii fududaa oo ay xabsiga ugu jireen.

 

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada ciiddul fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan bilashada bisha Soonfur iyo munaasabadda qiimaha badan ee Ciidul Fidriga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan dadkeenna danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciidda, taasoo qeyb ka ah acmaasha wanaagsan ee Alle ina faray.

“Maalmahan waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, waa maalmo ay muslimiintu dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, kaddib bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ku suntan cibaadada, is-cafinta, xoojinta walaalnimada, bixinta sadaqada, ka shaqeynta danta guud iyo maslaxadda ummadda.”

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidammada Qalabka Sida oo har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku bogaadiyey dadaalka muuqda ee ay geliyeen sugidda amniga intii lagu guda jiray bisha barakaysan. Waxa uuna bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud oo uu amnigu ugu horreeyo, midnimada iyo wadajirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle ka baryay in uu naga aqbalo acmaashii suubbaneyd ee aan gudannay bishii barakeysnayd ee Ramadaan, Ciiddan ciiddeedana nagu gaarsiiyo dalkeenna oo nabad iyo barwaaqo ah, kuna sii tallaabsaday horumar iyo xasillooni.

Madaxweyne Farmaajo oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Burundi

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Burundi Mudane Évariste Ndayishimiye oo kulan-doceed ku yeeshay caasimadda Kambaala ee dalka Uganda ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Kulanka ayaa ku soo idlaaday jawi is afgarasho ah.

Guddoomiyah gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin nadaafad-darada kajirta wadooyinka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer kadis ah ku tagay qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda si uu Nadaafada wadooyinkaasi ugala xisaabtamo maamulada degmooyinka.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aan la aqbali doonin nadaafaddarida kajirta qaar kamid ah wadooyinka Caasimadda islamarkaana maamul kaste lagula xisaabtamayo bilicda degmadiisa.

Inta uu kormeerkani islaxisaabtanka socday ayaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxa uu taalada Daljirka Dahsoon kula kulmay ciidanka Isxilqaan oo u istaagay qurxinta bilicda Caasimadda.

Ciidamada xoogga dalka oo hawlgallo ka fuliyay gobolka Hiiraan

Ciidanka DFS Guutada 5aad ee Hiiraan ayaa howlgallo maleeshiyada Al-shabaab looga saarayo deegaanada waqooyi ee gobolka Hiiraan ka wada.

Taliyaha Guutada Maxamuud Xasan Ibrahim oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in deeganada ay howlgalada ka socdaan ay ka tirsan yihiin degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Inta uu Howlgalka socday Ciidanka ayaa tagay degaano ay ka carareen Al-Shabaab markii ay maqleen dhaq dhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee kusoo wajahan,deegaanada ay ciidanka tageen ayaa waxaa ka mid ah Coomaad iyo Madhooy ee hoostago Degmada Matabaan iyo degeenno kale,sidoo kale ciidamada xoogga dalka ayaa howlgallo ka sameeyay dhulka buuraha ah ee u dhaxeeya Beledweyne ilaa Matabaan.

Howlgalada ciidanka gobolka Hiiraan ayaa imaanayso iyadoo mudooyinkan danbe ay Al- Shabaab ku howlanayeen in ay galaangal ku yeeshaan inta u dhaxayso Hiiraan iyo Galgaduud.

SAWIRRADA BEERTA NABADDA

Akhristayaasheena waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa sawirada Beerta Nabadda oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada X.F.S oo fasaxday Shaqaalaha

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha u shaqeeya hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yihiin fasax maalmaha Ciidul Fidriga.

Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayaa  lagu wargaliyay Dhammaan Hay’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo  hay’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax  yahaiin  maalinta Ciidul Fidriga oo ku aaddan maalinta Khamiista ah 13/05/2021.

Dhaqdhaqaaqa Ururka Xamaas oo sharuud ku xirtay cid kasta oo dooneysa in ay dhexdhaxadiso Iyag iyo Isra’iil.

jihaadiyiinta Xamaas ee reer Falastiin ayaa sheegay in cid kasta oo dooneysa in ay dhexdhaxadiso Falastiin iyo Isra’iil, ay marka hore tahay in ay xoogga saarto sidii Yuhuudda u joojin laheyd gardarrada ay ku hayso Ummadda reer Falastiin.

Casat Al-Rishqi, oo ah xubin ka tirsan xafiiska siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqa Xamaas, ayaa shaaca ka qaaday, in ay jiraan dhinacyo waddo dadaalo ay ku doonayaan sidii loo heli lahaa xasilooni u dhexeeysa Israa’iil iyo Falastiin, gaar ahaan xaalada ka taagan Marinka Qasa iyo Qudus, balse waxuu sheegay in dhankooda ay ku wargeliyeen in marka hore Yuhuudda ay joojiso weerarada gardarrada ah ee ay ku soo qaaday dhulka Falastiin..

Go’aankeenna waa in marka hore la joojiyo weerarada gardarrada ah ee ay wadaan xoogaga Sahyuuniyadda, sida duqeymaha bahalnimada ah ee lala beegsanayo dadka rayidka ah ee Marinka Qasa, ayuu yiri: Al Rishqi

“Waxaan uga dignay Ciidamada Yahuudda inay sii wadaan falalka gardarada ah ee ay ku ahayaan shacabkeena, haddii kale waxay naga filandoonaan jawaab ay ku tijaabin doonaan dulqaadka iyo naxdinta” sidaas waxaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay Xamaas.

Dadka Falastiiniyiin ayaa beryahii danbe la kulmayay weerarro joogtada ah oo u badan duqeymo, kuwaa oo intooda badan ka dhacay marinka Qasa iyo Qudus.

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysa weerarkii Isra’el ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balaal Maxamed Cusman, ayaa maanta oo Talaado ah ka qeyb galay shirkii Golaha Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir ee aan caadiga ahayn, kaasi oo uu kaga qeybgalay Aaladda fogaanarragga.

Fadhigan oo looga hadlayay gardarada Isra’iil ee ku wajahan magaalada Qudus oo ay ku jiro Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa iyo xaafadda Sheekh Jarrah

Mudane Balaal Cusman oo matalayey Dalkeenna ayaa khudbaddii uu ka jeediyey kulanka waxa ay aheyd sida tan:-

Mudane Sheekh Maxamed Bin Cabdulraxman Al Thani, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dawladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Guddoomiyaha kalfadhiga hadda socda Mudane Axmed Abu Al-Ghait – Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta. Iyo Dhamaan Mudanayaasha kale ee sharafta leh.

Asalaamu calaykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu (ASC)

Qabashada kulankeenna deg-deg ah ee heer Wasiir waxay ku timid kalfadhi aan caadi aheyn oo ay codsadeen Dowladda walaalaha ah ee Falastiin si looga hortago dambiyada arxan darada ah ee Israa’iil iyo weerarada lagu hayo nafta, karaamada iyo hantida dadka reer Falastiin.

Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin.

Waxaan ugu baaqeynaa bulshada caalamka inay qaataan mas’uuliyadahooda sharci iyo akhlaaqiyadeed, ayagoo mudnaan siinaya ilaalinta lagama maarmaanka u ah dadka Falastiiniyiinta ah ee Israa’iil dhibta ku hayso dhaqamadaan foosha xun, xadgudubyada joogtada ah iyo tallaabooyinka kor u qaadaya khatarta, waxaana ku baaqeynaa in lagu qasbo xoogagga ku soo duulay dhulka reer Falastiin inay u hoggaansamaan go’aannada sharci ee caalamiga ah iyo soo celinta xuquuqda dadka Falastiiniyiinta, oo ay kujirto xaqa ay u leedahay inay si xor ah ugu dhaqmaan cibaadooyinka diiniga ah.

Soomaaliya waxay xaqiijineysaa u hogaansananta Hindisaha Nabadda ee Carabta oo ah ikhtiyaar istiraatiijiyadeed oo lagu xallinayo qaddiyadda Falastiin, iyadoo la tixraacayo qaraarrada sharci ee caalamiga ah iyo qaraarada khuseeya ee Golaha Amniga ee arrintan la xiriira.

Soomaaliya waxay dalbaneysaa boobka iyo qalalaasaha in la joojiyo dhammaan tallaabooyinka caburinta ah ee lagu hayo dadka reer Falastin ee ku dhaqan magaalada Qudus, sidoo kale waxaan ugu baaqeynaa caalamka inay si deg deg ah u qaadato mas’uuliyadeeda si ay ugu cadaadiso Israa’iil inay joojiso dhammaan weerarada isdaba jooga ah ee Israa’iil ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin, iyagoo lagu heysto ku dhaqanka Diintooda iyo sameynta dowlad madaxbanaan, iyadoo caasimadda ay tahay Al-Quds Al-Sharif tahay.

Gabagabadii, waxaan cusbooneysiineynaa go’aankeena ah inaan sameyno dadaal kasta si aan ugu adeegno sababaha dalalkeenna, waxaana ilaah ka baryeynaa inuu naga caawiyo danta ugu fiican qarankeena iyo inuu nagu taageero dadaaladeena si aan uga gudubno xaaladaha gaarka ah ee ummaddeena Carabta ah la soo dersaya.Eebbe ayaa Kaalmo iyo Ilaalinba weydiisaneynaa

Wasalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuh