WAXBARASHADU WAXAY HORSEEDAA ISBEDDELKA AADANAHA

Hanti la sameysto waxaa ugu fiican waa in aad sameysato dad macnaha in aad tacaamul ama is dhexgal iyo saaxiibtinimo walaalnimo ku dhisan la sameysato dadka oo aad noqoto qof asxaab badan oo jecel isna uu jecel yahay leh.

Bulsho marka la dhisayo haddii aan qofka laga soo dhisin oo qofka aan la siin tarbiyad fiican la siin  bulshadana lama toosin karo oo bulsho aasaaskeed waa qofka .

Dhismaha qofka wuxuu ka soo bilowdaa qoyska oo aasaaskaa waxaa inta badan u ah hooyada oo carruurteeda haddii ay siiso tarbiyad , akhlaaq iyo aqoon fiican waxaa hubaal ah in bulshada ay wax badan qoyskaasi ku soo kordhinayaan.

Aadanaha waxaa isbedel loogu sameym karaa marka la siiyo waxbarasho taas oo keenta in qofku helo qaab , shuruuc iyo afkaar uu bulshada la dhex tagi karo kulana noolaan karo oo waxtarta mustqabalkiisa dambe.

Nin qoraal ah ayaa beri looga sheekeeyey sidii uu Fircoon u qaatay fekerka ah in uu laayo carruurta kuwii uu siyaasad ahaan ka baqayey in ay xukunka ka tuuri doonaan oo aheyd in uu dilo carruurta wiilasha ah ee u dhasha .

Qoraaga wuxuu sheegay in Fircoon ku qaldanaa fikirkaa ah in carruurta uu ka dilo qeybahaa uu siyaasad ahaan diidanaa wuxuuna sheegay in ay ku filneyd in uu wiilashooda u daayo balse uu waxbaro kana dhaadhiciyo fikirka uu aamnisanaa taas oo sababi laheyd in ay soo baxaan carruur wiilal ah oo reerkaas ah oo isaga ku feker ah.

Waxbarashada waxaa lagu sameyn karaa isbedel fikradeed halkii aad cadaadis adeegsan laheyd ama aad dil iyo wixii la mid ah isticmaali laheyd adeegso adeeg waxbarasho ayey leeyihiin culumada dhanka saykoljiga .

Qaabkan wax galinta (Insertion) oo ah qofka in lagu abuuro fikrad aad aaminsan tahay waxaa haatan inta badan adeegsada kooxo doonaya in ay awoodda waxbarashada u adeegsadaan ujeeddooyin kale oo ay ku fulinayaan ujeeddooyin gurracan halkii ay uga faa’ideysan lahaayeen fidinta afkaar waxtar leh.

Somaaliya xilligan waa xilli ay u baahan tahay in baahinta adeegga waxbarashada ay uga faa’ideysato horumarinta iyo nabadda waayo dalka waxaa si weyn ugu baahsan afkaaro aand dalkan u horseedi Karin nabad iyo horumar oo ay tahay in laga hortago.

Tusaale ahaan isbedel aan ka sameyno la dagaalanka qabyaaladda waxaan ku gaari karnaa marka aan carruurteenna u soo gudbino oo ay helaan waxbarasho lagu lifaaqay duruus ay ku jiraan waddaniyadda, dal jeceylka iyo faa’idada nabadda iyo horumarka .

Tani waxay dalka ka kaabi kartaa in ay yaraadaan ama ugu dambeynta si dhab ah looga suuliyo dalka afkaarta maanta dalku ka dhaqaaqi la’ yahay ee sababaya dib u dhaca iyo horumar la’aanta.

Haddii la helo afkaar tan maanta ka duwana waxay xaqiiqdu tahay in waqti dambe la siweydiin doono lagana shallayn doono waxa aan maanta ku jirto oo badankeenna aaney u arkin wax xun inkastoo ay yihiin wax aan la qaadan Karin.

W/Q: Mohamed Hassan

 

ASKARIGU WAA WALAALKA SHACABKA

Waa salad hore ah ayey ahyd markii aan arkay dareenka igu dhaliyay in aan sheekadan wax ka qoro qiyaas ahaan 6:00 subaxnimo waxaaan ka kacay hurdada ka dib dibadda ayaan u baxay si aan u cadaydow aamin subax hore ah

Goobtu waa Muqdisho gaar ahaan agagaarka isbitalka digfeer waxa marka hore si lama filaan ah albaabka gurigaan daganahay soo maray nin askari ah oo qaba dirayskiisii watana hubkiisii sida qori iyo dhawr qasnadood oo rasaas ah oo ugu jirtay.

Waxa uu u muuqday nin daalan oo waxaan filayaa in uu xalay oo dhan ku Jiray gaadh ama shaqo loo igmaday oo ah in uu u adeego Ummadda iyo dalka.

Haddaba arrinta saamaynta ku yeelatay qoraalkayga iyo dareenka ku yeelatay waxa ay ahayd marka uu cabaar yar uu socday askarigu waxa ku soo orday wiil yar oo aad mooddo in uu iminka uu socodka bartay, xaafadda waa xaafad masaakin u badan jiingado ama cariishyo ku yaalaan.

Ninkii askariga ahaa inta uu fadhiistay oo uu hab siiyay cunigiisa ayaa uu hore u qaatay ka dib ayaa uu galay gurigiisa ,

Runtii waxay ahayd dareen qiira leh oo la yaab igu reebtay, marka la eego waxa taasi ay tilmaamaysaa dhibka haysata askarta waddanka waayo habeenkii iyo maalintii uu waqti la qaadan lahaa caruurtiisa iyo qawskiisa ayaa uu heegan ugu jira ilaalinta waddanka.

Haddaba, si guud marka aan u eegno qoraalka waxa maqan doorka dhiiri galinta shacabku ay ku leeyihiin waddankooda sida in la dhiirigaliyo askarta oo la tuso in ay bulshada muhiim u yihiin.

Dhiirigalintu maaha oo kaliya in lacag la siiyo ee xataa waxaa muhiim ah in aadku tiraahdo Walaal Shaqo wacan ayaa qabateen Mahadsanidiin.

W/Q: Khadar Xasan.

SIDAAD MOODEYSO MAAHA

Noloshu sideedaba waa socdaal waana mid isbedel joogto ah mana aha mid taagan oo ku sugan halka aad ka fileyso waxaase ku badan lamo filaanka .

Qofba dhan u qaaday waxaase jira is moodsiin qofku si u doonayo in ay u ahaato waxaase jira caqabado noloshu wadato oo aan mararka qaar la dhaafi Karin oo ay kugu adkaaneyso.

Waxaad filataa wanaag oo weligaa xumaan ha rajeyn laakiin sida aad ku gaari karto ka feker oo is adkee hana niyad jabin taas oo kugu hoggaamin karta guul .

Dunida sidaad moodeyso maaha oo weligeed farxad keliya lagama fekeri karo oo waa in aad ku talogashaa guuldradana waayo waa labo arrimood oo nolosha isku barbar socda.

Ha is moodsiin in aad gaartay garaafka nolosha heerka ugu sarreeyey inkasta oo ay dhici karto in aad hanta badan yeelan karto waayo nimco kasta nusqaanteeda ayey leedahay oo adigoo wax walba heysta ayey dhici kartaa in aad weyso caafimaad aad ku cunto.

Is moodsiiska wuxuu keenaa in aad is gaarsiiso meel aadan tagin oo ay is moodsiiskaasi ku gaarsiiyo heer qar iska tuurnimo.

Haddii aad tahay siyaasi , aqoonyahan ama caaqil la yaqaan ha is moodsiin in aad tahay shaqsiga ugu heysta ama ugu wanaagsan taas haddii aad ku fekerto waxaad ku dhaceysaa dabin ah in aad isla weynaato oo qadka ka baxdo.

Qofka ku nool nolol caadi ah oo isweyneyn oo dadka la tashada wuxuu helaa taageeero iyo xushmad bulshadana wey soo dhaweysaa taas oo mansab dambe hadduu doono uu ku gaari karo.

Sida aad moodeysid maaha nolosha way kooban tahay weyna noocyo badan tahay ha ku fekerin in meesha aad joogto aadan ka dhaqaaqeyn oo isbedel kugu imaan Karin.

Dooro nolosha caadiga ah ee lagula wadaagi karo dadkana aad la qeybsan karto taas oo kuu horseedi karta isbedel iyo la saanqaadida nolosha dhabta .

W/Q: Mohamed Shiil

 

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY GUDDOONKA MIDOWGA ARDAYDA SOOMAALIYEED EE DALKA UGANDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda ayaa ku dhiirrigeliyey dadaalka ay ugu jiraan horumarinta naftooda iyo hamiga ay u hayaan dib u dhiska dalkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga warbixiyey Guddoonka Midowga Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda dadaallada ay dowladdu ku bixisay kor u qaadidda adeegyada waxbarashada dalkeenna, iyada oo la mideeyey manhajka Qaranka, dibna loo soo celiyey waxbarashadii aasaasiga ahayd.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka dhageystay Guddoonka Ardayda Soomaaliyeed ee Uganda warbixin ku saabsan fursadaha iyo tayada waxbarasho ee dalkaas, caqabadaha iyo talooyin ay qabaan guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Uganda.

Sidookale, Guddoomiyaha Midowga Ardayda Soomaliyeed ee Dalka Uganda Mudane Cabdimaajid jaabir Salaad ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida Dowladda ay uga go’an tahay baahinta adeegyada waxbarashada dalka, waxa ayna soo bandhigeen in ay ka go’an tahay horumarinta iyo dib u dhiska dalkeenna.

DHAMMAAD

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Fitriga.

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ahna Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Yusuf Cumar (Alcadaala) ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Fitriga.

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Waxaa uu Eebbe uga baryay in uu nabad, caafimaad iyo horumar inagu gaarsiiyo sanadkan sanadkiisa.

Wasiir Duraan Faarax oo guddiga Diyaaradaha kala hadlay xayiraadda duulimaad ee Kenya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta la kulmay guddiga shirkadaha Diyaaradaha Dalka, maalin kaddib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo inaysan saameyn ku yeelan Diyaaradaha xayiraadda Dawladda Kenya ku soo rogtay isu-socodka, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada Diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan.” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya  ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Dawladda Soomaaliya uga go’aantahay in la horumariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidda

ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Islaamka ugu hambaleyeynayaa munaasabadda Ciidda Soonfur, waxaan dadka wax heysta ka codsanayaa inay caawiyaan dadka walaalahood ah ee ay waxba heysan si ay ula qeyb sadan farxadda ciidda, waxaan Alle ka baryayaa in ciidaan teeda kale nagu gaarsiiyo Nabad iyo barwaaqo.” Ayuu yiri Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim.

Marwada Koowaad ee Dalka oo hambalyada Ciidda u dirtay Shacab-weynaha Soomaaliyeed

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha soonfur iyo ciiddul fidriga u dirtay shacab weynaha Soomaaliyeed.

Marwada ayaa ku boorrisay dadka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan carruurta agoonta iyo qoysaska danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciiddul fidriga.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa si gaar ugu hambalyeeysay hooyooyinka Soomaaliyeed, kuwaas oo markasta u heelan u adeegidda Qarankeenna iyo soo saaridda ubad tayo leh.

 

Maxkamadda Caalamiga ah ee denbiyada oo walaac ka muujisay isku dhacyada cusub ee Falastiin iyo Israa’iil

Dacwad oogaha Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyada, Fatou Bensouda, ayaa muujisay walaaca ay ka qabto dagaalka cusub ee ka dhax bilaawday Israa’iil iyo Falastiin.
Fatou Bensouda ayaa tilmaantay in dagaalkaan ay ka dhalan karaan xad gdubyo iyo xasuuq shacab.
Fatou Bensouda ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay dadaal ku bixiso si loo joojin lahaa daagaalkaan , waxeyna raacisay in xafiiskoodu la socodo waxa ka dhacaaya goobaha kala duwan ee Falsatiin.
Bensouda ayaa horay si rasmi ah uga codsatay maxkamadda in la furo gal baaritaan oo ku saabsan dambiyo dagaal oo la sheegay in Israa’iil ka geysatay dhulka Falastiin.

Dhanka kale wasiirka caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in tirade guud ee dhimashada tan iyo markii ay weeraradii ugu dambeeyay ay dhaceen in ay gaarayaan dadka ku dhintay  35 oo ay ku jiran 12 caruur ah in ka badan 233 kale ayaa  ku dhaawacmeen weereradada ka dhacay Daanta galbeed,Qaza iyo Qudus.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegaya in ku dhaw 1,500 oo Gantaal laga soo tuuray dhanka Qaza iyagoo meelo kale duwan uga dhacay Israa’iil iyadoo ay ciidamada ay xoojinayaan amniga dhanka xududa dhulka bariga ee ay haystan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim oo ka qeyb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni ayaa soo bandhigay doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadaneyso xoojinta nabadda iyo horumarinta shucuubta Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay dalalka Gobalku in ay xoojiyaan iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga, si loo mideeyo dadaallada lagu cirib tirayo saboolnimada iyo xagjirnimada, korna loogu qaadayo nolasha shucuubta dalalkan iyo guud ahaan horumarka Qaaradda Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo dowladda Uganda horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen intii uu hoggaaminayey Madaxweyne Yoweri Museveni, isaga oo u rajeeyay in ay sii ambo-qaadi doono qorsheyaasha horumarineed ee heer Qaran iyo heer Qaaradeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha iyo diblomaasiyiinta ka soo qeyb galay xafladda, waxa ayna kala hadleen danaha wadajirka ah ee ka dhaxeeyo dalkeenna iyo dalakla kale.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Yoweri Museveni waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud, Lataliyeyaasha Madaxweynaha iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.