Marwada Koowaad ee Dalka oo hambalyada Ciidda u dirtay Shacab-weynaha Soomaaliyeed

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha soonfur iyo ciiddul fidriga u dirtay shacab weynaha Soomaaliyeed.

Marwada ayaa ku boorrisay dadka Soomaaliyeed in ay istaakuleeyaan oo garab istaagaan carruurta agoonta iyo qoysaska danyarta ah, si dhammaanteen aynu u dareenno farxadda ciiddul fidriga.

Marwo Saynab Cabdi Macallim ayaa si gaar ugu hambalyeeysay hooyooyinka Soomaaliyeed, kuwaas oo markasta u heelan u adeegidda Qarankeenna iyo soo saaridda ubad tayo leh.