Ra’iisul wasaare Rooble oo farxadda iyo damashaadka Ciidda la qaatay kumannaan dadweyne ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta booqday Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu farxadda iyo damashaadka Ciidda kula qaatay kumannaan dadweyne ah oo u tamashle tagay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa bulshadii uu la kulmay u rajeeyey nabad iyo farxad waarta, isaggoo kula dardaarmay inay kaalin ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti la qaatay shacabka Soomaaliyeed ee farxadda Ciidda ku qaadanaya qaar ka mid ah goobaha lagu damaashaado ee caasimadda, Waxaan dalkeenna u rajeynayaa nabad iyo farxad waarta ciiddan iyo ciido badan oo xiga” ayuu yiri R/W Rooble

Ra’iisul-wasaare Rooble oo hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee JFS Mudane Xasan Shiikh Maxamuud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.

Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynihii hore ayaa sidoo kale ka wada hadlay amniga guud , xasilloonida caasimadda iyo Arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo dalka ku soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliso Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macallim  ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib  martiqaad uu kaga qayb galay Munaasabadda Caleemasaarka dhiggiisa dalka YUganda Mudane yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa intii uu Kambaala ku sugnaa waxa uu kulammo muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah madaxdii lagu casuumay Caleemasaarka.

Gobollada Dalka oo maanta si weyn looga dareemay dabbaal degga Ciidul-fitriga

Maamulada gobolada dalka iyo qeybaha ururada bulshada ayaa maanta u dareeray dabbaaldegga maalinta koowaad ee munaadabadda Ciidul-fitri oo guud ahaan si wadahir ah looga xusay caalamka oo dhan.

Dabbaaldegyadaan oo ka dhacay guud ahaan gobolada dalka waxaa dadku ay ku soo bandhigeen fantasiyo lagu weyneynayo qiimaha maalinta Ciidda.

waddooyinka waxa ka muuqdacaruur ku labisan dharka ciida oo raxan raxan ah,iyadoo qeybaha bulshada u dareereen suuqyada iyo xaafadaha si farxada ciidul fidriga ay ula wadaagaan ehladooda iyo asxaabtooda..

Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka waxaa laga dareemayaa mashquul ,iyadoo dadku  ay isu gudbinayaan hambalyo ku aadan Ciidda.

Dhinaca kale,maamulada gobolada ayaa saaka dadweynaha kala qeybgalay dukashada salaadda Ciidul-fitriga oo laga oogay inta badan deegaanada dalka.

Masuuliyiinta iyo culimaa’udiinka ka soo qeybgalay munaasabada salaada ciida ayaa hambalyo u direy umada islaamka gaar ahaan bulshada waxayna fareen in dadka masaakiinta ah laga farxiyo nabadana lagawada shaqeeyo.

R/Wasaare Rooble oo Salaadda Ciidul-fitriga la tukaday Shacab iyo Mas’uuliyiin kale

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble    ayaa saaka ka qeybgalay tukashada salaadda Ciidul-fitri oo lagu oogay masjidka Shuhadaa ee Magaalada Muqdisho.

Dukashada salaadda ciidda oo lagu oogay xarunta madaxtooyada dalka.waxaa sidoo kale ka qeybgalay boqollaal isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah,isagoo dhinaca kalena soo jeediyay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo amniga.

SOOMAALAAY: DAB XAL MA’AHEE DAMIIRKU HA SHAQEEYO

Sida runta ah, Dal dhisan dudumintiisa way sahalan tahay, laakiin dhisiddiisu way adag tahay, xagga ka duul xagga u duul horey noo soo daashadeen maxaa kaloo naloo hayaa.

Dagaal hadduu faa’iido iyo qasaare mid un leeyahay ninkii soo joogay baa ok , sooyaalka taariikheed ee dalka dib u raaca, waalida iyo weyraxa badan maahan wax wanaagsan wax waliba waxay ku habboon yihiin in lagu fadhiisiyo cilmi iyo aqoon iyadoo si weyn looga baaraan degay.

Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Muqdisho way heystaan waayo aragnimo ku filan xagga dagaallada oo way ogyihiin Meesha haatan loo jiidayo, hoogga iyo ba’ waxaan ahayn in aan laga soo dheefeynin.

Dadka qaarkiis miyaaney fikireynin 1991 iyo wixii qasaaro dhacay ee dad iyo duunyo ku hoobteen ama ku le’deen wixii dhacay burbur, baaba’ ka dibna aan waxba leyska weydiinin ayaa hortaba sabab u ah in maanta mar kale loo hanqal taago burburinta Caasimadda iyo shacabka ku dhex nool, taaina wax suuragal ah maahan, qajajac iyo fowdo iyo anaa kaa fuq weyn wax tarimeyso runta ayaa wax lagu dhistaa waxna lagu qabsadaa ee dalka sidaas haloo dhaamo.

Weligeedba soomaaliya way ka soo jireen mid wax dhisaya iyo mid wax duminay, mid aruurinaya mid firdhinaya, laakiin waxaa dalka joogay odayaal dalka iyo diinta daacad u ah, gartana ku gooya geedka hoostiisa dhigana gar waliba meeshii ay lahayd, maahan waxa hadda jooga oo kale, waxay ahaayeen kuwa qaata mas’uuliyad hoggaamineed oo dhab ah, waana kuwii gumeysiga meel adag ka istaagay markay taladu iyaga joogtay intii aysan dhuuni raacyada ku soo badan dalka

Reer Muqdisho maanta wax kale uma baahna aan ka ahayn walaaltinimo tiigsi horumar, tacab iyo tacliin uma baahna in la xasuusiyo ama dib loo jalleeco wixii la soo maray iyo 1991.

Siyaasiga marka uu shacabka dan ka leeyahay waxaa la arki jiray in uu wax badan u qabto sida la qeybsashada dhibaatooyinka, ceelal qodis, gargaar u fidin, dhismooyin jidad iwm, laakiin hadda waxaa soo baxay siyaasi markuu shacabka wax ka rabo in uu si xun wax u tuso shacabka ka dibna ku adeegto qaab qabyaaladeysan si uu u gaaro mansab uu isaga doonayo.

Mansabka, Darajada iyo Maalka Allaah Swt ayaa bixiya qokii uu doono ayuu siiya, hab dhaqanka socdaana maahan wax wanaagsan.

Shacabka Soomaaliyeed, way yaaban yihiin waxaa leys weydiinayaa maxaa dhacay? Maxaa soo kordhay? Maxaa is beddelay? Shacabku waxay dhex dabaalanayeen mowjadaha nabadda waxayna heysteen waxa loo yaqaanno miinimo ama jawi deggan.

Haatan waxaa ku soo kordhay wal wal iyo walaac, hurdo la’aan, waxa yeeraya oo ay maqlayaan dhawaaqyo dhiillo wata iyo anaa reer fulaan fulaan ah.

Waaya joogga iyo waaya araggu waxay durbadiiba addoroseen waxa ka dhallan kara faaq faaqda socota iyo wararka aan loo meel dayeynin, waxay saadaaliyeen sida ay wax u dhici karaan haddii laga dhabeeyo waxa yeeraya.

Dhammaan Shacabka iyo wax garadka Soomaaliyeed, Waxay arkaan oo hortooda ka muuqanaya falalkii foosha xumaa ee mooriyaanta sameyn jireen marka ay maqlaan dhawaaqyada noocan ah, si lamid ah is dilkii, qax iyo barakac, burbur iyo baryo aadane, abaar, xoolaha oo dhammaata, gaajo, cudur, biyo la’aan salkooda dambana uu yahay dadkoo qalfoof isu beddela, dhimasho, diif iyo macluul daba dheeraata.

waxaan soo xasuustaa heestii ahayd Dayaay Afrikaay dayaay. Dayaay Afrikaay maatida dayacan, Dayaay qaxootiga dayacan, wada daya soomaaliya dayacan dayaa.

qofka doonaya in loo noqdo 1991 marka ugu horreysa soo fiiri youtubyada wixii horay usoo dhacay ka dibna hadduu fiican yahay dagaal sukeeye uuraaco hadduusan fiicneynna ka haro, laakiin go’aan laguma degdego iyadoo aanad ogeyn waxa ku qabsan kara.

waxaa kula talin marka ugu horreysa inuu arko ama galo youtubyada isagaa arki doonee dagaal sukeeye wuxuu yahay iyo wuxuu macaan iyo qaraar leeyahay, si gaar ah ruuxa doonay inuu qanco waa inuu fiirsadaa documenterica laga soo duubay dagaalladii xamar ka socday guud ahaantood waxay qasaaro ah ee dhacay wax la sheegi karo maahan wuxuu dalkaan soo maray .

haddaba, erayada xanafta leh ee dhegaha shacabka soo gaaraya maahan wax wanaagsan, Muqdisho ma muteysan inay ahaato qarax u joog, dadkan way daalan yihiin, marka siyaasiyoow waxan aad la ordeyso oo aad u hanjabeyso waa hooygaaga oo keliya meel kale ha ka fiirin, waayo Muqdisho waa halka aad u nasab sheeganeyso iyadaana lagaa celcelinayaa oo walaalow hadumin lagu leeyahay, xanuunka xamar soo gaara waa hubaal inay ku saameyn doonaan, wayna habboon tahay in laga fiirsado.

Dagaal la buunbuuniyaa wax dan ah uguma jirto reer muqdisho, waxaana leenahay ruuxii wax tabar iyo xoog u hayo dagaal muqdisho dib loogu dumiyo adeer maad kinyaatiga baddeena dhacaya nooga dhicisid ama kuwa dilka iyo qaraxyada nala daba jooga ku wajahdid.

War ragow sidan dan u ma’aha Muqdisho ee damiirka ha shaqeeyo, dal iyo dad dhisan  Ayaan suug ku garaacayaa si aan u gaaro mansab Alley lahee waa wax ka fiirsasho mudan.

W/Q: Osman Dhiblaawe

 

QAABKEE LOO BIXIYAA SAKAATUL FITRIGA?

Haddaan guda galo mowduuca aan maanta soo qaadanayo waxa uu yahay Sakaatul-fitiga.

Sakada fidrada waa mid ka mid ah Sakooyinka ku waajibka ah ruux kastoo Muslim ah oo haysta wax ka badan cuntada Maalinta iyo Habeenka Ciidul-fidrida.

Waa Maxay xukunka Sakaatul-fitriga?
Xukunka Sakada Fidridu waa ku waajib qof kasta oo Muslima oo haysta cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa maalinta Ciida iyo Habeenkeedaba, waxaana u daliila Xadiiskan:

Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu waajibiyey Sakada Fidrida hal galaan ooTimir ah ama Hal galaan oo Qamandi ah, wuxuuna kuwaajibiyey Addoonka, Xorta, Labka, Dhidigga, Caruurta iyo Waayeelka Muslimiinta, wuxuuna faray inay bixiyaan ka hor intaan Dadku u bixin Salaadda.

Fitrada Waa Saddaqo la bixiyo Soonka markii la Furo, Fitrada Waajibnimadeeda waxa Cadeyn u ah:-Ibnu Cabaas RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW wuxuu nagu Waajibiyay Fidrada, wuxuuna yiri waxay Daahirineysaa Qofkii Soomanaa Qaladaadkii ka Dhacay sida Hadalladii Macna la’aanta ahaa iyo Caayda iyo wixii la mid ah.

WAQTIGA AY WAAJIBTO IYO QOFKA AY KU WAAJIBTO.
FitraduWaxayWaajibtaa:- Maalinka ugu Dambeeyo Bisha Soon, Asxaabta Rasuulka CSW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen Maalin ama laba Maalmood ka hor Maalinka Ciidda ah, bixinteeda waxaa ugu dambeysa marka Salaada Ciida la galo.
yay ku waajibtaa Sakaatul-fitriga?
Fitrada waxay ku Waajibtaa Qof kasta oo Muslim ah oo haysta wuxuu Cuno isaga iyo Dadka uu mas’uulka ka yahay, Maalinka Ciida ah iyo Habeenkeeda wax ka dheeraad ah.
CABIRKA LA BIXIYO IYO NOOCYADA LA BIXINAAYO:-
Abii Saciidul Khudri RC, wuxuu yiri:- waxaanu aheyn kuwa Bixiya Xilligii Nabiga CSW, Saac oo Raashin ah. (Saacuwuxuu u Dhigmaa Labo Kiilo iyo Afartan Garaam), Cuntada la Bixinaayo waa Cuntada Dadka badankii Cunaan sida:-Bariiska, Baastada, Burka, Sonkorta, Qamadiga iwm.

Nabiga SCW iyoAsxaabtiisa Allaha ka  raali noqdee kama sugnaanin inay Lacag ku bixiyeen taa Macnaheeda wuxuu yahay Lacag laguma bixin karo, laakiin Lacagtaad ku bixiseen waa in Raashin loogu gadaa Masaakiinta, ee aanan lagu Siin Lacag Cadaan ah.

YAA LA SIIN KARAA FITRADA?
Waxaa la siinayaa Qof kasta oo Miskiin ah iyoTodobada kale ee ay Aayadda Sheegtay, waxaan ajar badan, oo waliba Afdal ah inaad siiso Masaakiinta Magaalada kula joogo, Miskiinka waa Qof kasta oo wixiisa aysan ku filnayn.
SIDEE LOO BIXINAYAA?

Qof kasta oo bixinaya Sakaatul fitriga waa inuu Raadiyo Miskiinka Ehelkiisa ah, haddii la waayo Maskiinka Deriskiisa ah, haddii la waayana Qof kasta oo Muslima ah.

W.D:- C/laahi Ruush

 

 

 

ROOBABKA GU’GA OO KA BILLOWDAY GUUD AHAAN DALKA

Iyadoo bilihii la soo dhaafay uu jiray kulayl aad u fara badan gaar ahaah bilihii Febraayo iyo Maarso ayaa lagu soomay toddobaadkii hore ee Ramadaanta waxayna si weyn u filayeen dhammaan ummadda muslimka ah in Ilaahay ka dulqaado kuleylaha miyi iyo magaalaba saameeyey.

Toddobaadkan gudihiisa ayaa Waxaa bilowday roobabka guga wuxuuna si xoog leh uga bilowday gobolada woqooyi galbeed, howdka dhinaca Itoobiya , gobolada koofureed qeybo ka mid ahna si teel teel ah ayuu uga da’ay Waxaa kaloo si aad ah u dareemay gobolka Banadir oo aad u qabowsaday .

Sanad kasta marka la gaaro bilahan ayaa aad loo fishaa roobabku in ay ada’aan waxaase sanadka soo daahay roobka waxaana bilowgaas aadka u wanaagsan ku faraxay noolaha ifka saran wuxuuna saameyn xoog leh ku yeeshaa dhammaan dalagga beeraha iyo daaqsinta xoolaha iyadoo kuwa badda ku noolna ay aad iyo aad u dheefsadaan.

Balliyada iyo baraagaha ayaa xareedi buuxisaa iyadoo ay jiraan harooyin waaweyn oo lagu keydsado biyaha .

Marka ay da’aan roobab lixaad leh ayaa Waxaa dhaca xoolo tabar yar oo uu dilo, guryo duma iyo daadad saameyn ku yeesha degaanka oo dhan .

Nimco waliba nusqaan ayey leedahay marka aad fiiriso magaalada caasimadda ah Waxaa iskood u go’ay dhulkii biyo mareenka ahaa oo dhan marka ay dhaceen burbur iyo colaado sokeeye hoos laama fiirin nolosha degaanka taas oo keeni karta in biyuhu keenaan qashin aad u fara badan oo aan markii hore la dhigin meel munaasib ah markii laga gooyey wadadii ay biyuhu mari jireen waxay jabsadeen waddooyin hor leh waxay aad u keenaan qashin aad u fara badan iyo carro ay ka soo riixeen meelihii biyuhu ka yimaadeen waxayna keentaa in laamiyada ay carro buuxiso .\Waxaa iyana la daboolay biyo mareenadii iyo shabaqyadii biyuhu ka bixi jireen taas oo keentay in laamigu noqdo meel biyuhu fariistaan.

Waxay arrintan u baahan tahay xal iyo maareyn waayo sanad kasta marka roobabku da’aan waddooyinka oo dhan waxay noqdaan meel carro tuur ah xaafadaha qaarna waxay dadku waayaan meel ay u maraan guryahooda baabuurtuna waxay naf ka doonaan jid caddeyaasha .

Waxaa intaa dheer bullcadaha ay biyuhu jabiyaan iyo nadaafad darada ka dhalata taas oo iyana ah mid aan maareyn Karin.

Bulshada haddii ay la kulmaan arrimahan waxay u baahan yihiin in dowladda hoose hoggaamniso lagana helo talo iyo gaadiidka nadaafadda , wacyi galin ku saabsan xagga nadaafadda si looga baaqsado halista nadaafad darada iyo waddooyinka oo go’a.

Talo haddii la helo dhaqaale lama waayo waxaase looga baahan yahay gobolka banaddir in degmooyinka iyo xaafadaha dadka lagu guubaabiyo xal u helista nadaafad darrada .

Dadku waxay u baahan yihiin abaabul iyo hoggaan si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinkaas.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

QIRASHADA QALADKAAGA

Qof kasta oo nool wuxuu galayaa qalad inta uu nool yahay mana jiro qof aan qaldamin hase yeeshee waxa lagu kala duwan yahay ayaa ah qirashada gefkaaga iyo in aad oggolaato in wixii kaa tagay ay ahaayeen gef aad geysatay u geyso shaqsi ama dad dhan oo jira.

Dadka soomaaliada ah waxay ku adag yihiin in ay yiraahdaan “waa ka xumahay waan gafay” waxaadna moodda in qaamuuska afka soomaaliga uusan ku jirin eraygaas oo dunida oo dhan wax weyn ka ah.

Mararka qaar waxaad arkeysaa siyaasi shalay gafay oo ummadda dhib iyo dhibaato u geystay oo hadana aad mooddo in uu illoobay ama aaney isaga ugu muuqan in uu gef agalay oo isu arkaya qof dalkan wax weyn u soo taray oo ku manno sheeganaya .

Haddii aad ogtahay in maalin uu aad dhibaato geysatay ma aha in aad hadana soo taagnaato oo aad hortimaado shacabkii aad ogeyd wixii gef ahaa ee aad ka gashay.

Soomaalida kuma keli aha arrintan oo inta badan qaaradda Afrika waxaa jira siyaasiyiin kuwaas oo aan daacad u aheyn dalalka au dhasheen oo gefefkii ay galeen iyagoo ay qoyan yihiin hadana isku tilmaamaya geesiyiin waxtaray dalalkooda.

Xukunka iyo awoodda waa isbedel iyo marba in qof la tijaabiyo taas oo ku imaaneysa hannaan dimoqraadi ah iyo codeyn qofku leeyahay ra’yigiisa iyo in uu xusho hoggaamiyaha uu doonayo laakiin maaha in ala siku dayo in qalalaase wax lagu raadiyo .

Ummadan wey daalan tahay inta yare e iftiinka ah ee ay heshayna ma aha in la isku dayo in mar kale mugdigii ay soo martay lagu celiyo taas oo aan marna dhaceynin.

Qofka wanaagsan waa kan is og waxa uu yahay oo aan u been sheegin naftiisa iyo dadkiisa waana in qofku awoodaa in uu dadka horyimaado oo qirto gefefkii iyo qaladaadkii uu galay taasi waxay qeyb ka tahay awoodda qofka  iyo in ay sababto in mar kale laga cafin karo wixii uu ka dhacay.

W/Q: Maxamed Ibraahim Cabdi

 

MUWAADIN SIYAASADAHA IS DIIDDAN HA KU DAN SEEGIN!

Xilliyada ay doorashadu soo dhawaato ama ay xasrado kale jiraan waxaynu aragnaa dad shacab ah oo dhinacyo is diiddan ama iska soo horjeeda la kala safan oo dantoodii iyo howlohoodii maalin laha ahaa ku ilaawaya.

Dadka qaarkiis ayaa loo adeegsadaa sii hurinta xiisadaha iyo cadaadinta dhinacyada loolamaya ee ay is hayaan kolba ciddii wax abaabulaysa, si loo abuuro qalqal iyo xallisooni darro aan cid caano ka maaleysaa jirin.

shacabka sida dhuxasha iyo lulasha dabka xasradda loogu ololshanayo, dantooda maalin lahaana bilaashka lagu dhaafinayo dhibka ugu badanina uu ayaga ku dhacayo ayaa laga doonayaa inay fahmaan inaanay cid caano ku miraysaahi jirin, siyaasiyiintuna aanay diiftooda iyo diihaalkooda dan iyo daarad toona ka lahayn ee ay maslaxadooda gaarkaa wataan.

waxaa is waydiin mudan shacabka maskaxdooda lagu cayaarayee ay dadka huteellada iyo xaafiisyada ku qabowsanayaahi dibad-baxyada kobaha kaga dhammaynayaani miyaanay garan karin in dhibaatada ka dhalata rabshadaha ay khasaaraha ugu badan ayagu kala kulmayaan.

muwaaddin waqtigaaga iyo caafimaadkaaga aakhiro waa lagugu la xisaabatamayaa, xallisooni darrada iyo rabshadda aad ka qeyb-qaadatona danbigooda wax baad ku yeelanaysaa, ee ka foojignow inaad dab adiga ku gubi doona wax ka ololiso, dantaada iyo xannaanaynta qoyskaaga iyo carruurtaadana ku dayacdo durbaan aanay dan adduun iyo mid aakhiro toona kuugu jirin.

Muwaaddin ogow in siyaasi waliba uu  lafihiisa wax u doonayo ee aanu adiga dan iyo daarad kuu hayn, markuu xaafiiska tagona dadka ugu horeeya ee uu iloobi doonno aad safka hore uga jirto wax kastoo uu hadda kuu ballan qaadona uu maalintaa kaaga bixi doonno.

Muwaaddin waxaan hubaa inaanay jirin dhibaato adiga kuu gaara ihi, balse dhib iyo dheefba wixii dalka yaal ay asagaa kula wadaagaan, cidda adiga si gaara kuu beegsanaysa ama kuu luggoynaysaahina aanay jirin ee wixii cabashaa lagu la qabo.

Muwaaddin ka taxadar inaad muwaaddin kale wax yeelo gaarsiido adigoo siyaasi gaara u durbaan tumaya, kana fogow inaad caydo ama ku xad-gudubto siyaasi adigoo mid kale u sacabinaya dawanka xasradda abuurka iyo cadaadiskana u yeerinaya.

Muwaaddin xaq baad u leedahay inaad ciddaad doonto diiddo ciddaad doontona taageerto, balse inaad muwaaddin kale caydo ama aad sumcaddiisa  waxyeelayso xeer kuu ogolaanayaahi ma jiro mid islaam iyo mid gaalba.

Muwaaddin maanka ku hay inaanay jirin shacab is diidani, balse ay jira siyaasiyiin is haysta oo dano ayaga u gaara is ku maan-dhaafsani adiga lagaa doonayo inaanay taasi noloshaada iyo shaqadaada  maalin lahaa saameyn, danta siyaasiga iyo midda guudna aad kala garato.

Muwaaddin aniga iyo adiguba waan is ku raacsanahay inay dalka doorasho ka dhacdo, huggaanka si nabad ah laysugu dhiibo, balse waa inaanu taa waddo saxan iyo hannaan xallisoon ku wajahnaa, cid kastoo talada haysana aynu wadajir ula shaqeyno, markuu waqti ka dhammaado aynu si wanaagsan u sagootinno.

Muwaaddin dagaal iyo rabshado laguma helayo wax nabad lagu waayay, sidaa darteed waa inaynu wixii tabashaa ama wixii inaga maqan si sharciya u raadsanaa kana dhowrsanaa inaynu xiisad ama xaalad cakiran kaga sii darnaa.

Muwaaddin maskaxdaada cid kulamalaha ee ka xorow aragtida siyaasiyiinta iyo figradaha aan dantaada u adeegayn ee lagugu shubanayo, waxaan dareen laabtaada ka soo go’inna ha u durbaan tumin, ugu dambeyn xusuusnow meeriskii jiiftada ahaa ee uu tiriyay Ibraahin Gadle AUN”maankaagu yuu noqan maqal lagula leeyahay”.

W/Q; Abwaan Liibaan Xirsi