Ra’iisul wasaare Rooble oo farxadda iyo damashaadka Ciidda la qaatay kumannaan dadweyne ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta booqday Xeebta Liido iyo Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho halkaas oo uu farxadda iyo damashaadka Ciidda kula qaatay kumannaan dadweyne ah oo u tamashle tagay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa bulshadii uu la kulmay u rajeeyey nabad iyo farxad waarta, isaggoo kula dardaarmay inay kaalin ka qaataan horumarka iyo dib u dhiska dalkeenna.

“Waxaan maanta waqti la qaatay shacabka Soomaaliyeed ee farxadda Ciidda ku qaadanaya qaar ka mid ah goobaha lagu damaashaado ee caasimadda, Waxaan dalkeenna u rajeynayaa nabad iyo farxad waarta ciiddan iyo ciido badan oo xiga” ayuu yiri R/W Rooble