MUWAADIN SIYAASADAHA IS DIIDDAN HA KU DAN SEEGIN!

Xilliyada ay doorashadu soo dhawaato ama ay xasrado kale jiraan waxaynu aragnaa dad shacab ah oo dhinacyo is diiddan ama iska soo horjeeda la kala safan oo dantoodii iyo howlohoodii maalin laha ahaa ku ilaawaya.

Dadka qaarkiis ayaa loo adeegsadaa sii hurinta xiisadaha iyo cadaadinta dhinacyada loolamaya ee ay is hayaan kolba ciddii wax abaabulaysa, si loo abuuro qalqal iyo xallisooni darro aan cid caano ka maaleysaa jirin.

shacabka sida dhuxasha iyo lulasha dabka xasradda loogu ololshanayo, dantooda maalin lahaana bilaashka lagu dhaafinayo dhibka ugu badanina uu ayaga ku dhacayo ayaa laga doonayaa inay fahmaan inaanay cid caano ku miraysaahi jirin, siyaasiyiintuna aanay diiftooda iyo diihaalkooda dan iyo daarad toona ka lahayn ee ay maslaxadooda gaarkaa wataan.

waxaa is waydiin mudan shacabka maskaxdooda lagu cayaarayee ay dadka huteellada iyo xaafiisyada ku qabowsanayaahi dibad-baxyada kobaha kaga dhammaynayaani miyaanay garan karin in dhibaatada ka dhalata rabshadaha ay khasaaraha ugu badan ayagu kala kulmayaan.

muwaaddin waqtigaaga iyo caafimaadkaaga aakhiro waa lagugu la xisaabatamayaa, xallisooni darrada iyo rabshadda aad ka qeyb-qaadatona danbigooda wax baad ku yeelanaysaa, ee ka foojignow inaad dab adiga ku gubi doona wax ka ololiso, dantaada iyo xannaanaynta qoyskaaga iyo carruurtaadana ku dayacdo durbaan aanay dan adduun iyo mid aakhiro toona kuugu jirin.

Muwaaddin ogow in siyaasi waliba uu  lafihiisa wax u doonayo ee aanu adiga dan iyo daarad kuu hayn, markuu xaafiiska tagona dadka ugu horeeya ee uu iloobi doonno aad safka hore uga jirto wax kastoo uu hadda kuu ballan qaadona uu maalintaa kaaga bixi doonno.

Muwaaddin waxaan hubaa inaanay jirin dhibaato adiga kuu gaara ihi, balse dhib iyo dheefba wixii dalka yaal ay asagaa kula wadaagaan, cidda adiga si gaara kuu beegsanaysa ama kuu luggoynaysaahina aanay jirin ee wixii cabashaa lagu la qabo.

Muwaaddin ka taxadar inaad muwaaddin kale wax yeelo gaarsiido adigoo siyaasi gaara u durbaan tumaya, kana fogow inaad caydo ama ku xad-gudubto siyaasi adigoo mid kale u sacabinaya dawanka xasradda abuurka iyo cadaadiskana u yeerinaya.

Muwaaddin xaq baad u leedahay inaad ciddaad doonto diiddo ciddaad doontona taageerto, balse inaad muwaaddin kale caydo ama aad sumcaddiisa  waxyeelayso xeer kuu ogolaanayaahi ma jiro mid islaam iyo mid gaalba.

Muwaaddin maanka ku hay inaanay jirin shacab is diidani, balse ay jira siyaasiyiin is haysta oo dano ayaga u gaara is ku maan-dhaafsani adiga lagaa doonayo inaanay taasi noloshaada iyo shaqadaada  maalin lahaa saameyn, danta siyaasiga iyo midda guudna aad kala garato.

Muwaaddin aniga iyo adiguba waan is ku raacsanahay inay dalka doorasho ka dhacdo, huggaanka si nabad ah laysugu dhiibo, balse waa inaanu taa waddo saxan iyo hannaan xallisoon ku wajahnaa, cid kastoo talada haysana aynu wadajir ula shaqeyno, markuu waqti ka dhammaado aynu si wanaagsan u sagootinno.

Muwaaddin dagaal iyo rabshado laguma helayo wax nabad lagu waayay, sidaa darteed waa inaynu wixii tabashaa ama wixii inaga maqan si sharciya u raadsanaa kana dhowrsanaa inaynu xiisad ama xaalad cakiran kaga sii darnaa.

Muwaaddin maskaxdaada cid kulamalaha ee ka xorow aragtida siyaasiyiinta iyo figradaha aan dantaada u adeegayn ee lagugu shubanayo, waxaan dareen laabtaada ka soo go’inna ha u durbaan tumin, ugu dambeyn xusuusnow meeriskii jiiftada ahaa ee uu tiriyay Ibraahin Gadle AUN”maankaagu yuu noqan maqal lagula leeyahay”.

W/Q; Abwaan Liibaan Xirsi