ROOBABKA GU’GA OO KA BILLOWDAY GUUD AHAAN DALKA

Iyadoo bilihii la soo dhaafay uu jiray kulayl aad u fara badan gaar ahaah bilihii Febraayo iyo Maarso ayaa lagu soomay toddobaadkii hore ee Ramadaanta waxayna si weyn u filayeen dhammaan ummadda muslimka ah in Ilaahay ka dulqaado kuleylaha miyi iyo magaalaba saameeyey.

Toddobaadkan gudihiisa ayaa Waxaa bilowday roobabka guga wuxuuna si xoog leh uga bilowday gobolada woqooyi galbeed, howdka dhinaca Itoobiya , gobolada koofureed qeybo ka mid ahna si teel teel ah ayuu uga da’ay Waxaa kaloo si aad ah u dareemay gobolka Banadir oo aad u qabowsaday .

Sanad kasta marka la gaaro bilahan ayaa aad loo fishaa roobabku in ay ada’aan waxaase sanadka soo daahay roobka waxaana bilowgaas aadka u wanaagsan ku faraxay noolaha ifka saran wuxuuna saameyn xoog leh ku yeeshaa dhammaan dalagga beeraha iyo daaqsinta xoolaha iyadoo kuwa badda ku noolna ay aad iyo aad u dheefsadaan.

Balliyada iyo baraagaha ayaa xareedi buuxisaa iyadoo ay jiraan harooyin waaweyn oo lagu keydsado biyaha .

Marka ay da’aan roobab lixaad leh ayaa Waxaa dhaca xoolo tabar yar oo uu dilo, guryo duma iyo daadad saameyn ku yeesha degaanka oo dhan .

Nimco waliba nusqaan ayey leedahay marka aad fiiriso magaalada caasimadda ah Waxaa iskood u go’ay dhulkii biyo mareenka ahaa oo dhan marka ay dhaceen burbur iyo colaado sokeeye hoos laama fiirin nolosha degaanka taas oo keeni karta in biyuhu keenaan qashin aad u fara badan oo aan markii hore la dhigin meel munaasib ah markii laga gooyey wadadii ay biyuhu mari jireen waxay jabsadeen waddooyin hor leh waxay aad u keenaan qashin aad u fara badan iyo carro ay ka soo riixeen meelihii biyuhu ka yimaadeen waxayna keentaa in laamiyada ay carro buuxiso .\Waxaa iyana la daboolay biyo mareenadii iyo shabaqyadii biyuhu ka bixi jireen taas oo keentay in laamigu noqdo meel biyuhu fariistaan.

Waxay arrintan u baahan tahay xal iyo maareyn waayo sanad kasta marka roobabku da’aan waddooyinka oo dhan waxay noqdaan meel carro tuur ah xaafadaha qaarna waxay dadku waayaan meel ay u maraan guryahooda baabuurtuna waxay naf ka doonaan jid caddeyaasha .

Waxaa intaa dheer bullcadaha ay biyuhu jabiyaan iyo nadaafad darada ka dhalata taas oo iyana ah mid aan maareyn Karin.

Bulshada haddii ay la kulmaan arrimahan waxay u baahan yihiin in dowladda hoose hoggaamniso lagana helo talo iyo gaadiidka nadaafadda , wacyi galin ku saabsan xagga nadaafadda si looga baaqsado halista nadaafad darada iyo waddooyinka oo go’a.

Talo haddii la helo dhaqaale lama waayo waxaase looga baahan yahay gobolka banaddir in degmooyinka iyo xaafadaha dadka lagu guubaabiyo xal u helista nadaafad darrada .

Dadku waxay u baahan yihiin abaabul iyo hoggaan si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinkaas.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre