QAABKEE LOO BIXIYAA SAKAATUL FITRIGA?

Haddaan guda galo mowduuca aan maanta soo qaadanayo waxa uu yahay Sakaatul-fitiga.

Sakada fidrada waa mid ka mid ah Sakooyinka ku waajibka ah ruux kastoo Muslim ah oo haysta wax ka badan cuntada Maalinta iyo Habeenka Ciidul-fidrida.

Waa Maxay xukunka Sakaatul-fitriga?
Xukunka Sakada Fidridu waa ku waajib qof kasta oo Muslima oo haysta cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa maalinta Ciida iyo Habeenkeedaba, waxaana u daliila Xadiiskan:

Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu waajibiyey Sakada Fidrida hal galaan ooTimir ah ama Hal galaan oo Qamandi ah, wuxuuna kuwaajibiyey Addoonka, Xorta, Labka, Dhidigga, Caruurta iyo Waayeelka Muslimiinta, wuxuuna faray inay bixiyaan ka hor intaan Dadku u bixin Salaadda.

Fitrada Waa Saddaqo la bixiyo Soonka markii la Furo, Fitrada Waajibnimadeeda waxa Cadeyn u ah:-Ibnu Cabaas RC, wuxuu yiri: Nabiga CSW wuxuu nagu Waajibiyay Fidrada, wuxuuna yiri waxay Daahirineysaa Qofkii Soomanaa Qaladaadkii ka Dhacay sida Hadalladii Macna la’aanta ahaa iyo Caayda iyo wixii la mid ah.

WAQTIGA AY WAAJIBTO IYO QOFKA AY KU WAAJIBTO.
FitraduWaxayWaajibtaa:- Maalinka ugu Dambeeyo Bisha Soon, Asxaabta Rasuulka CSW waxaa ka sugnaatay inay bixiyeen Maalin ama laba Maalmood ka hor Maalinka Ciidda ah, bixinteeda waxaa ugu dambeysa marka Salaada Ciida la galo.
yay ku waajibtaa Sakaatul-fitriga?
Fitrada waxay ku Waajibtaa Qof kasta oo Muslim ah oo haysta wuxuu Cuno isaga iyo Dadka uu mas’uulka ka yahay, Maalinka Ciida ah iyo Habeenkeeda wax ka dheeraad ah.
CABIRKA LA BIXIYO IYO NOOCYADA LA BIXINAAYO:-
Abii Saciidul Khudri RC, wuxuu yiri:- waxaanu aheyn kuwa Bixiya Xilligii Nabiga CSW, Saac oo Raashin ah. (Saacuwuxuu u Dhigmaa Labo Kiilo iyo Afartan Garaam), Cuntada la Bixinaayo waa Cuntada Dadka badankii Cunaan sida:-Bariiska, Baastada, Burka, Sonkorta, Qamadiga iwm.

Nabiga SCW iyoAsxaabtiisa Allaha ka  raali noqdee kama sugnaanin inay Lacag ku bixiyeen taa Macnaheeda wuxuu yahay Lacag laguma bixin karo, laakiin Lacagtaad ku bixiseen waa in Raashin loogu gadaa Masaakiinta, ee aanan lagu Siin Lacag Cadaan ah.

YAA LA SIIN KARAA FITRADA?
Waxaa la siinayaa Qof kasta oo Miskiin ah iyoTodobada kale ee ay Aayadda Sheegtay, waxaan ajar badan, oo waliba Afdal ah inaad siiso Masaakiinta Magaalada kula joogo, Miskiinka waa Qof kasta oo wixiisa aysan ku filnayn.
SIDEE LOO BIXINAYAA?

Qof kasta oo bixinaya Sakaatul fitriga waa inuu Raadiyo Miskiinka Ehelkiisa ah, haddii la waayo Maskiinka Deriskiisa ah, haddii la waayana Qof kasta oo Muslima ah.

W.D:- C/laahi Ruush