Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Cadaado

Cadaado. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed cabdi kaariye ‘Qoor qor’ iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa manta safar dhulka ah ku tagay Magaalada Cadaado ee Gobolka Gaalgaduud.

Wafdigaasi waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay maamulka degmada odoyaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bushada.

Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug halkaasi oo uu malmaha soo socda joogi doono.

Ciidamada Hirshabeelle oo howlgallo ka wada duleedka Baladweyne

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka Degmada B/weyne ee ayaa howlgallo ka wada Deeganno qiyaas ahaan  dhanka galbeed 25-km kaga Beegan Degmadaasi oo la tilmaamay in ay si dhuumaaleysi ah u tagaan kooxda Al-shabaab.

.Howlgalkaan oo uu Horkacayo Taliyaha NISA ee Degmada B/weyne Ibraahim Maxamed Abuukar,waxa ay ka socdaan deegaanada Hara Cadey. Biitale . Jaaburow  iyo  Ceelka Baar .

Howlgaladaan ayaa qeyb ka ah xasilinta amniga guud ee Gobalka Hiiraan iyo ciribtirka kooxda nabadiidka ee Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay Bulshada ka qaadaan baad isugu jirta Xoolo Nool iyo lacago ay ku shegaan sakawaad.

Taliyaha NISA ayaa warbahinta Qaranka  u Xaqiijiyay in Al-shabab isaga Carareen Deeganadi lagu shegay, ayna yihiin kuwo si dhumaleysi ku yimaada,Balse hada ay halkaasi gacanta ku hayaan ciidanka.

Ciidamada NISA iyo kuwo Xooga Dalka Soomaliya maalmihi dambi  waxa ay isku ballarinayeen Koofurta iyo Galbeedka B/weeyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Israa’iil oo maalintii shanaad duqeymo ka wada Qaza

Ciidamada Israel ayaa maanta oo Jimco ah sii wada duqeymo ay  ka geysaneyso marinka Qaza ,iyagoo adeegsaneysa diyaaradaha dagaalka iyo taangiyo la dulkeenay meel u dhow deegaanada Falastiiniyiinta ee go’doonsan.

Ugu yaraan 119 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 31 carruur ah, ayaa la dilay ,in ka badan 830-na waa la dhaawacay tan iyo markii ay dagaallada qarxeen Isniintii.

Boqolaal qoys oo reer Falastiin ah ayaa gabbaad ka dhigtay dugsiya ay maamusho Qaramada Midoobay ee waqooyiga Gaza si ay uga badbaadaan madaafiicda Israel.

Dhanka kale, kooxo Israa’iil ah iyo Carab ayaa ku dagaallamaya gudaha Israa’iil, taasoo keentay in madaxda Israaiil ay  ka digaan dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga si loo xakameeyo qalalaasaha ka jira gudaha oo illaa hadda loo  xiray in ka badan 400 oo qof

AMISOM oo kordhineysa howlgalkooda Soomaaliya

Ciidamada AMISOM) ee Howlgalka Midowga Afrika ayaa kordhin doona howlgalkooda dhinaca Soomaaliya illaa 31-ka Diseembar, 2021-ka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo rasmi ah.

Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika ayaa ku warramay in go’aanka lagu kordhinayo howlgalkooda lagu qaatay is afgarad guud oo ka yimid Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay .

Go’aanka lagu kordhiyay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo loo diyaar garoobayo qabashada doorashooyinka madaxtinimo ee Soomaaliya.

 

FADLAN KA TOOS MUWAADIN OO KU BARAARUG KHATARTA COVID- 19 INTAAN LAGU SEEXIN HALKAAN.

Ilaahey baa Mahad leh naga dhigay Ummad Islaam ah, waxaana Allaah ka baryeynaa in uu naga badbaadiyo shartiisa Cudurkan Caalamiga ah.

Haddaba, waa dilaa aan waxba u turin, waa dilaa aan maanta weli loo hayn daawo looga kaaftoomay Covid 19.

Sidoo kale, cudurkani waa xanuun ka qeylasiiyay dunida kuna laayay ummad fara badan waxayba ka badan yihiin dadka u dhintay xanuunkan Soomaali intey tahay wax ka badan adduunkoo dhan.

Haddaba, maadaama waxa aan ka hadleyno uu yahay cudurkan isaga gudbay Qaarad ilaa ka Qaarad, sow ma habboona inaan isaga digno Soomaaliyeey dabcan haa weeye jawaabtu.

Wasaaraddeenna Caafimaadku waxay noo sheegtay in aad looga taxaddiro cudurkan oo ku sii faafaya dalka, sida keliya ee looga hortegi karana ay tahay in qof waliba oo Soomaali ah ku ekaado gurigiisa, qaatana tilmaamaha ay bixinayaan khubarrada caafimaadka.

Hadda ka hor Hay’adda ICRC, waxay noo sheegtay in Cudurka saf-marka ah ee ‘COVID-19’  sidoo kale loo yaqaan coronavirus ayaa ka xoog badiyay nidaamyada daryeelka caafimaad horumarsan ee adduunka oo dhan.

laakiin haddii aan tallaabo dhakhso ah la qaadin si loo xakameeyo fayruska wuxuu yeelan karaa saameyn baa’an gaar ahaan meelaha ay saameyeen iska-horimaadyada iyo rabshadaha.

Dowladaha si dhaqso ah tallabo ayeey qaadeen oo ah  mamnuucidda safarada, is-karantiilka iyo tallaabooyin kale oo ka hortag ah.

Kuwani waa tallaabooyin muhiim ah oo la qaaday si loo xakameeyo faafinta COVID-19, laakiin haddii uu ka dillaaco degaanno dad fara badan ku nool yihiin, oo aan laga heli karin biyo nadiif ah ama leh nidaamyo daryeel caafimaad oo daciif ah, waxaa laga yaabaa inay la kulmaan dhibaato bani’aadamnimo oo cusub ah oo welibana khatar gelin kara naftooda.

Haddaba, Muwaadin qaado talooyinka, qaado talaalka adigoo aan marnaba ka fikirin hadallada qiyaaliga ah ee lays dhex wado.

Xiro afkaada iyo sankaada adigoo ku asturaya Face Maska, gacmahaagana dhaq oo geli waxa loo yaqaanno Gloves ama gacno gashi, ha ku qufacin, hana ku hindhisin meelaha dadku ku badan yahay.

Allaah heynaga xafido dhammaanteen, Talana waa qaadasho iyo ku dhaqan hab tilmaameedyada taqaatiirta Soomaaliyeed ee habeen iyo maalin heeganka ugu jiro inay la dagaalaan Alle heynaga najeeyee cudurkan aanfada ku noqday dunida oo dhan Aamiin.

W/Q: Osman Dhiblaawe

DHALLINYAROOY HA DHIMANINA GEERIDA HORTEED!

Garashadu waxay na leedahay ”Sooyaalka iyo dhacdooyinka la soo maray waa kuwa mudan in la milicsado, markasta oo ay soo  baxaan ififaalooyin dhacdooyinkii la soo maray shabbaha”.

Inkastoo aan la tirakoobin dadka Soomaaliyeed, haddana malaha loo badan yahay ayaa ah, in da’yartu ay dalka ku badan tahay. Dad badan ayaa weliba ku dhiirada in ay yiraahdaan 70 % dadka Soomaalidu waa kuwa da’ ahaan kayar 30 sano. Si kastaba ha ahaatee waxaan muran ka taagnayn oo aanay labo Cali isweydiinayn, in dhallinyaradu ku badan dalkeenna.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee tiradaas leh waxaad mooddaa in ay u dhega-nugul-yihiin  maaweelooyinka Siyaasiyiintu ku beer-laxawsato oo ah, in dhallinyaradu ay tahay mustaqbalka dalka, hoggaamiyayaasha mustaqbalka iyo milkiilayaasha dalka.

Inkastoo aan anigu hadda ka sii baxayo qaanadda dhallinyarada, haddana waxaan sannado kooban hortood u soo joogay welina ii muuqda dhallinyaro sida hawtul-hamagga ugu daata dabka loo shido dano qabiil ama siyaasadeed, dhallinyaradaas oo kuwii dhintay aan ehelkooda iyo haddii uu awlaad ka tegeenba la daryeelin, kuwii dhaawacmayna ay dhaxlaan dhutin iyo naafannimo aanay cidi ugu garaabin.

Marka aad guud ahaan Soomaaliya dhan kasta ka eegto, waxaad arkaysaa dhallinyaro iyo carruur Soomaaliyeed oo horin-horin uga qalin-beddalanaya goobaha waxbarashada Diiniga ah iyo kuwa madaniga ah, taas oo ka dhigan in waalidiniintu dareemeen faa’iidada waxbarashada, nafaqaynta iyo korinta carruurta ka sokowna ay u darbadeen soo saaridda dhallinyaro waxbaratay.

Inkastoo aanay dhammaan carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed helin fursad waxbarasho, haddana waxaa muuqata in tiro badan ay tacliinta gurteen welina guranayaan. Sidaas darteed waxaan isweydiinayaa, sababta aanay dhallinyaradaas saamayn ugu yeelan karin qaab-dhismeedka iyo habsami-socodka mustaqbalkooda? Ma waxay la’yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda? Haddii aan anigu isu jawaabo, waxaan leeyahay ” haa iyo maya”.

Anigoo u daadegaya dulucda dooddayda ku saabsan jawaabaha iska soo horjeeda ee aan hal su’aal ka bixiyay ayaan waxaan ku billabayaa jawaabta ah ”haa” oo u dhiganta indhallinyardu ay la’yihiin dad horseed iyo tusaale u noqda. Marka loo eego baaxadda dalka iyo dhibaatada isku nooca ah ee ay dhallinyaradu qabto, waxaa cad in aanay jirin dhallinyaro ficil ahaan u soo baxday ifinta waajibka dhallinyarada saaran iyo tusidda dhallinyarada muhiimadda ay leedahay in ay qaateen go’aanno ay aayahooda uga talinayaan, ay ku diidayaan colaadaha, ay saamayn ugu yeelanayaan hoggaanka deegaannadoodu, dalkooda, nabadda iyo xasiloonidana ay horseed ugu noqonayaan.

Jawaabtayda kale ee ah ”maya” ayaan markanna u qiil-samaynayaa: Waxaan hubaan in deegaan kasta oo Soomaaliya ku yaal ay joogaan dhallinyaro baraarugsan oo og in qabyaalad iyo colaadi aanay dhib mooyee dheef lahayn, balse dhallinyaradaas ayaa u badan kuwa si kooban oo lagu sifeyn karo ”aashuun ku addin” u soo gudbiya afkaartooda. Sidaas darteed, waxaan dhallinyaradaas leeyahay ”bannaanka keena afkaartiina kuna dara hadalkiina ficil (ficilku ma ahan dagaal ee waa tusaale cad oo lagu muujinayo sida aragtida waxqabad loogu beddeli karo).

Hadda iyo dan: Waxaan tiro shan jeer ka badan daawaday muuqaal warbaahinta bulshada lagu baahiyay oo uu nin dhallinyaro ah kula hadlayay dad dhallinyaro, odayaal, nabaddoonno iyo culumaa’uddiin isugu jiray. Ninka dhallinayarada ah ee muuqaalkaas ka hadlaya waa Cabdiraxmaan Yuusuf (Alcadaala), Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska. Hadalka wasiirkan da’da yar marka aan dhegeystay ayaan go’aansaday in aan maqaalkan qoro.  Marki uu hadalkan jeedinayay wasiirku wuxuu hawlo dhexdhexaadin iyo nabadayn ah u joogay deegaan ay dad walaalo ah ku dagaaleen.

Guntii iyo gunaanadki; Da’yaroow, haddii aad doonayso tusaale ku dhiirigeliya bal ila daawo hadalka wasiirkan dhallinyarada ah: https://www.facebook.com/cabdiraxmaan.yusufcadaala/videos/2261303594004381

Dhallinyarooy ogaada, in geesinimada dhabta ah aanay ahayn qof la dilo iyo dagaal la galo. Geesinimada dhabta ah waa in la qiro khaladki lagu dhacay, laga qoomameeyo khaladkaas kaddibna la iska diido in dib loogu laabto khaladkaas.

In la dhinto dhimashada horteed waxaa loola jeedaa, in qofku qaadan waayo doorkiisa uu dunida ku leeyahay isagoo awooda, sidaas darteed Dhallinyarooy ha dhimanina geeridda horteed!

W/Q: Cabdi Muuse Macalin https://m.facebook.com/may.muuse

Qoraagu waa Suxufi madaxbanaan, Macalliin Saxaafadeed, Turjubaan iyo Nabadjire

 

DEEGAANKU WAA SAFAANA BAHAL GALEEN AH

Dadku sida noolaha kale oo dhan wax uu halgan adag u gu jiraa in uu badbaado oo noociisu sii jiro oo aanu duruufaha ku dabargo’in.

Halgankaa fidrada ah baa dadka tadawuriya jasad ahaan, maskax ahaan iyo nafsiyad ahaanba.

In aynu gacmo dhaadheer yeelannaa wax ay suuragalisay in bahalaha dhirta la ga koro, in laan sare midho laga goosto, in ugaadha la dilo, in wax kaa durugsan la tiigsado, in wax culus lagu qaado iwm.

Lugaheenna dhaadheeri wax ay suura-galiyeen in aynnu aad u orodno oo nacabka innaga adag kaga baxsanno ugaadhana ku gaadhno.

Waa laba tusaale oo ka mid ah fursadihii dadku ku soo badbaaday ee u dabargo’i waayay.

Noolayaal aan tiro lagu koobi karin baa badbaadi kari waayay oo suulay, waxaana ka mid ahaa daynasoorradii oo noolaha jira oo dhan ugu waa weynaa. Jajabnaanta iyo awooddaa jidh ahaaneed dadka waxaa u raacay awood maskaxeed iyo garaad u suuragaliyay in uuna nolosha xoogin uun ee xeeladeeyo.

Dadka iyo noolaha oo dhami halganka badbaadadiisa wax uu ku dhisaa bey’ada ama degaanka uu ku dhaqan yahay iyo sida uu u la qabsado, u barto ee u ga faa’iidaysto.

Degaankuna wuu is beddelaa ee noolaha badbaadaa waa ka is la beddela ama ka hayaama, haddii kale wuu madhaa.

Waxaan oo dhan wax aan u la dan lee yahay, bulshada Soomaalidu wax ay lahayd degaan iyo duruufo dabiici ah oo ay hab-nololeedkeeda waafajisay.

Dhulku waa biya-yarood ee waxaa la hindisay xeelado biyo lagu helo ama laga ga maarmo sida ceelasha birqodka ah, dhacarta, moqorraysiga, quwaaxsiga iyo markii dambe berkadaha.

Dhulku waa dhul daaqsimeed ee waxaa la dhaqday meesiyo badan oo xoolo ah oo siyaalo badan loo dheefsado.

Deegaanku waa safaana bahalgaleen ah ee waxaa la yeeshay farsamo, dhiirrani iyo dagaalyahannimo bahalaha la iskaga caabbiyo.

Halganka sidaa u adag baa lagu soo badbaaday oo nolosha casriga ah lagu soo gaadhay.

Ta aan u socdaa haddaba waa tane, nolosha casriga ahi wax ay innooga baahan tahay fikrado, aqoono, farsamooyin iyo xeelado cusub oo aynnu ku badbaadno.

Laakiin boqollaal kun iyo malyuumaad qof oo noloshii hore ka barakacay baa isugu soo ururay tuulooyin waa weyn oo magaalooyin loo bixiyay, kuwaas oo ka madhan dhammaan duruufihii magaalannimo, dawlad ka shaqaysa aan lahayn, wax lagu noolaado iyo ilo dhaqaalana aan lahayn.

Keliya waxaa la is la hor iyo dabo wareegayaa dillaal iyo mallaal, tuugnimo iyo musuq, shisheeye marna la baryo marna danihiisa xun loo fuliyo, is dhiigmiirasho iyo nabaad-guurin degaan.

Wax ay ahayd in la barto culuunta iyo tiknoolojiyada casriga ah si wax loo soo saaro dunidana looga mid noqdo, waxaa se la dhisay boqol jaamacadood oo aan wax macno leh lagu baran, qofka ka soo baxaana rabo in uu ka mid noqdo dillaaliinta iyo mallaaliinta.

Dheelli aad iyo aad u weyn oo halis ah baa ku jira hab-nololeedka cusub ee Soomaalida, run ahaantiina lagu ma sii noolaan karo. La gu ma socdo tubtii halganka badbaadada ee dabeecaddu waajibinaysay.

W/Q: Ibraahin Yuusuf Axmed aka Ibraahin-Hawd

 

DADKA MUQDISHO OO KA CABANAYA QIIMAHA KHUDAARTA OO KOR U KACAY

Xilligan aynu ku jirno oo ah bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa dadka ku nool Muqdisho iyo ganacasatada suuqyada khudaarta ayaa sheegaya in uu kor u kacay qiimaha khudaarta .

Arrintan ayaa loo sababeynayaa in ay xilligan jiraan abaaro iyadoo xilli roobaadkuna haatan uun uu bilow yahay taas oo keentay in ay yaraato khudaarta soo gaareysa magaalada Muqdisho

Sidoo kalena xilliyadan ayaa ah xilliga soonka oo dadku aad u isticmaalaan khudaarta siiba muuska, cambaha , shamaamka , qaraha , yaamyada  basasha iyo wixii la mid ah.

Hooyooyin ku ganacsada suuqyada Muqdisho oo iibiya khudaarta ayaa sheegay in mar walba oo la gaaro xilliga soonka uu isbedel ku yi,aado qiimaha khudaarta ayna kor u kacdo ayna muddo kooban ka helaan daqli fiican oo ay ku noolaan karaam .

Waxay khudaarleydu sheegayaan in ay xilli roobaadka oo kaabiga soo haya awgeed ay ka walwal qabaan in dhulalka qaar ee ku yaalla Sh/hoose ,Afgooye iyo Sh/dhexe ay suurtagal tahay in waddooyinka qaar ay noqdaan kuwo aam la mari Karin oo ay go’aan .

Beeraleyda goboladaas ayaa sheegay in xilliga keliya ee ay khudaarta wax badan ka soo saaraan ay tahay xilliyada la gaaro soonka halkaas oo ay sheegeen in ay ka helaan macaamiil aad u fara badan.

Dadka reer Muqdisho ayaa sheegay in xilligan ay laba jibbaar kor u kaceenn qiimaha khudaarta aadna xilligan loogu baahan yahay khudaar fara badan oo la soo galiyo magaalada.

Siyaabaha kale ee uu ku imaan karo kor u kaca qiimaha khudaarta ayaa ah colaadaha ka jira meelaha qaar ee dhul beereedka Sh/hoose oo ay ka jiraan xaalado degemaamsho la’aan oo beeraleyda qaar ku kallifay in ay ka soo barokacaan degaanadoodii wax soo saarka .

Inkastoo qiima- kacaas uu ku yimid khudaarta Muqdisho hadana weli aad ayaa khudaarta looga helayaa caasimadda oo suuqyada waaweyn ee khudaarat ee Bakaaraha iyo X/weyne waa mashquul dadkuna aad ayey u iibsanayaan khudaarta.

W/Q: Mohamed Hassan

 

SOOMAALIYA DIB U DHIS MA KU SAMEYN KARTAA WARSHADAHEEDA BURBURAY

Ka hor intii aaney qarxin dagaaladii sokeeye sanadkii 1991 , waxaa jiray ilaa 53 wershadood oo isugu jiara kuwa heerka dhexe , kuwo yar yar iyo kuwo waa weyn .

waxaa wershadahaa ay ku baaba’een dagaaladii sokeeye. Si kasta oo ay tahayna , iyadoo ay sal u tahay maalgelin waxtar leh oo gudaha ah oo ay sameeyeen qurba joogga Soomaalida , ayaa in badan oo wershadihii yaryaraa dib loo furay iyadoo kuwo cusubna la sameeyey.

Wershadahan waxaa ku jira kuwa qasacadeeya kalluunka iyo wershadaha hilibka habeeya oo ku yaalla woqooyiga dalka , sidoo kale in ka badan 25 wershadood oo ku yaalla Muqdisho kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwa farsameeya baastada, biyaha sifeysan, wershadaha balaastikada, kuwa hargaha iyo saamaha, dharka, macmacaanka , oomada , aluumiiniyamka iyo kuwa jaajuurka.

Sanadkii 2001 maalgelinta wershadaha fudud ayaa ku faaftay magaalada Boosaaso, Hrgeysa iyo Muqdisho , taas oo caddeyneysa kororka kalsoonida ganacsiga ee dhaqaalaha dalka . Dhammaadkii 2004 8.3 milyan oo Doollar wershadii lagu maalgeliyey ee Kooka koolada ayaa laga furay magaalada Muqdisho taas oo soo jiidatay dad badan oo Soomaaliyeed . Sidoo aan hore u soo sheegnay inta badan wershadihii Soomaaliya waxay ku baaba’een dagaaladii sokeeyey ee 1991 laakiin Soomaaliya waxay lahaan jirtay wershadihii dharka, lamayeeriga , sigaarka , daqiiqda ama burka , hilibka . sokorta iyo Shamiintada.

Marka loo eego maalgelinta qurba joogga , kaalmada maalgeliyeyaasha caalamiga ah , Soomaaliya waxay awood u leedahay in ay dib u dhisto wershadaheedii , maalgelinta wershadaha waxay ku xiran tahay ammaanka  iyo sida maalgeliyeyaasha gudaha iyo dibedda ay ugu  helaan amaan maalgelintooda.

Haatan dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa in ay dib u soo celiso nabaddii iyo ammaankii dalka si loo xoojiyo dhaqaalaha loona soo jiito maalgeliyeyaal dibedda iyo gudaha ah.

Qeybaha uu saameyey burburkii dalka ka dhacay waxaa ka mid ah wershadihii dalku lahaa oo burburay, la bililiqeystay  ama hoy laga dhigtay.. waxaa jiray wershado dalku lahaa oo wax soo saarkoodu ku filnaa dalka laguna wershadeyn jiray waxyaabaha laga soo saaro beeraha iyo xoo;aha dalka…

Sanadahan dambe waxaa dalka ka hirgalay wershado yar yar oo intooda badan ay hirgeliyeen dadka qurbajoogga ah ,,taas oo rajo galisay wershadihii dalka….Maxaa hortaagan in dalku dib u dhisto wershadihii uu lahaa ,,,,iyadoo su’aashu tahay : Soomaaliya dib u dhis ma ku sameyn kartaa wershadaheediii burburay ?

Xilligan aan ku jirno arrintan waxay u muuqataa mid rajo wanaagsan leh haddii maalqabeeenka iyo ganacsatada soomaaliyeed iska kaashadaan in ay sameeyaan wershado waaweyn oo la mid ah kuwii dalku hore u lahaa oo kaalinta ku lahaa nolosha dadka una ahaa shaqo abuur sida wershado dhowr ah oo ay ku jiraan wershadihii kalluunka , kuwii sokorta , galleyda, baastada iyo kuwii hilibka ee kisamaayo ka dhisnaa .

Marka laga hadlayo dib u soo celinta wershadahan waxaa lala kaashan karaa dalal dhowr ah oo xilligan soomaalida taageera ilaa haatanna gacan ka siiyey arrimo badan oo waxtar u leh dalka sida Turkiga iyo kuwo kale.

W/Q: Mohamed Shiil

 

Madaxwaynaha JFS Iyo Amiirka Dowladda Qatar oo Khadka telefoonka kuwada hadlay Galabta

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar Mudane Tamim Bin Hamad ayaa galabta khadka telefoonka isku dhaafsaday Hambalyadda Munaasibada Ciida.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa amiirka Dowladda Qarat Iyo Shacabkiisa urajeeyey in Rabbi sanadkan sanadkiisu ku Gaadhsiiyo Barwaaqo iyo Horumar.