Ciidamada Hirshabeelle oo howlgallo ka wada duleedka Baladweyne

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka Degmada B/weyne ee ayaa howlgallo ka wada Deeganno qiyaas ahaan  dhanka galbeed 25-km kaga Beegan Degmadaasi oo la tilmaamay in ay si dhuumaaleysi ah u tagaan kooxda Al-shabaab.

.Howlgalkaan oo uu Horkacayo Taliyaha NISA ee Degmada B/weyne Ibraahim Maxamed Abuukar,waxa ay ka socdaan deegaanada Hara Cadey. Biitale . Jaaburow  iyo  Ceelka Baar .

Howlgaladaan ayaa qeyb ka ah xasilinta amniga guud ee Gobalka Hiiraan iyo ciribtirka kooxda nabadiidka ee Al-shabaab oo lagu eedeeyay in ay Bulshada ka qaadaan baad isugu jirta Xoolo Nool iyo lacago ay ku shegaan sakawaad.

Taliyaha NISA ayaa warbahinta Qaranka  u Xaqiijiyay in Al-shabab isaga Carareen Deeganadi lagu shegay, ayna yihiin kuwo si dhumaleysi ku yimaada,Balse hada ay halkaasi gacanta ku hayaan ciidanka.

Ciidamada NISA iyo kuwo Xooga Dalka Soomaliya maalmihi dambi  waxa ay isku ballarinayeen Koofurta iyo Galbeedka B/weeyne oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.