Israa’iil oo maalintii shanaad duqeymo ka wada Qaza

Ciidamada Israel ayaa maanta oo Jimco ah sii wada duqeymo ay  ka geysaneyso marinka Qaza ,iyagoo adeegsaneysa diyaaradaha dagaalka iyo taangiyo la dulkeenay meel u dhow deegaanada Falastiiniyiinta ee go’doonsan.

Ugu yaraan 119 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 31 carruur ah, ayaa la dilay ,in ka badan 830-na waa la dhaawacay tan iyo markii ay dagaallada qarxeen Isniintii.

Boqolaal qoys oo reer Falastiin ah ayaa gabbaad ka dhigtay dugsiya ay maamusho Qaramada Midoobay ee waqooyiga Gaza si ay uga badbaadaan madaafiicda Israel.

Dhanka kale, kooxo Israa’iil ah iyo Carab ayaa ku dagaallamaya gudaha Israa’iil, taasoo keentay in madaxda Israaiil ay  ka digaan dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amniga si loo xakameeyo qalalaasaha ka jira gudaha oo illaa hadda loo  xiray in ka badan 400 oo qof