Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay Qado Sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha D/Jabuuti Madaxda ka soo qeyb gashay caleemo saarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad qado Sharaf ah oo madaxweeynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyay madaxdii iyo wufuuddii ka soo qeyb gashay caleemo saarkiisa.

RW Rooble iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dalka Jabuuti u joogay ka qayb galka xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021, waxaa sidoo kale caleemo saarka ka qeyb galay badi madaxda Afrika iyo qaar ka mida Dawladdaha xiriirka dhow la leh Dalka jabuuti.

Madaxweynaha M/Gobolleedka Jubbaland oo la kulmay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya oo kulamo la qaatay Wasiirro ka tirsan dowladda Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Jamaal Maxmed Xasan oo uu wehliyo Danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaliya ee Dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa Kulamo muhiim ah la qaatay  Wasiirada arrimaha Dibadda, Gaadidka iyo Ganacsiga ee Dalka Uganda.

Wasiir Jamaal ayaa ugu horeeyn kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Uganda Mudane Saam kuteesa, asigoo kaga mahadceliyay  Dawladda Uganda kaalinteeda kaga aadaan hawlgalka nabad ilaalinta iyo xaslinta Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM. Sidoo kale kulankan inta uu  socday ayaa looga hadlay xiriika laba-geesoodka ah ee ka dhaxeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale Wasiir Jamaal ayaa kulan la qaatay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka ee Dawladda Uganda Mudane Edward Katumba Wamala, kulankan ayaa loga hadlay arrimo la xariiro socdaalka, dhaq-dhaqaaqa dadka iyo Ganacsiga ee labada wadan si kor loogu qaado ama loo xoojiyo xiriirka ganacsi ee labada dal.

Ugu dambeyn Wasiir Jamaal ayaa la kulmay Wasiirka Gancsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha ee dalka Uganda Marwo Amiiliya jaambadee iyagoo kawada hadlay horumarinta ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalaha labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda. Kulakan oo qaatay saacdo dheer ayaa sido kale looga hadlay xoojinta iyo kor u qaadista xiriirka ganacsi ee labada dal.

Wasiirada ayaa isla gartay in muddo bil gudaheed ah Kampala lagu qabto kulan ay isku imaanayaan Ganacsatada Soomaaliya iyo Uganda si ay uga wada xaajoodaan xariirka ganacsi ee labada dal.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah safar shaqo oo uu Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee XFS Mudane Jamaal Maxmed Xasan uu maalmahan ku joogay dalka Uganda.

Ra’iisul wasaaraha XFS oo ka qayb galay xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qayb galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021.

Madaxweyne Geelle ayaa markii shannaad loo caleemo saarayaa taladda isagoo helay tirada codadkii dadweynuhu dhiibteen inta ugu badan oo ah 98.41% waxa sidoo kale caleemo saarka qayb ka ah badi madaxda Afrika iyo qaar ka mida Dawladdaha xidhidhka dhow la leh Dalka jabuuti.

Ra’iisul wasaare rooble oo hambalyo u diray xuska maalinta Dhalinyaradda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku began 15-ka bisha May.

Raysalwasaaraha ayaa xusay doorkii xornimodoonka dhalinyaradda Sooomaaliyeed ka geysteen iyo inay dhalinyaraddu tahay laf-dhabarta bulshadeena markastana yihiin kuwo door weyn ka qaata hawlaha loogu adeegayo qaranka.

Ugu dambayn Raysalwasaaraha ayaa xusay in xukuummadiisu door weyn siinayso dhalinyaradda Soomaaliyeed” Xukuumadda Soomaaliyeed iyadoo garowsan muhiimadda dhalinyaradda Soomaaliyeed, waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta dhalinyaradda Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa ka qayb galkooda dhinacayadda kala duwan ee nolosha si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.”

weerarada Israa’il ku hayso marinka Qasa oo sii kordhaya

Duqaymaha dhinaca cir ee Israa’il ku hayso Marinka Qasa ayaa sii socda maalintii shannad oo xiriir ah, iyadoo duqaymaha goobaha ay Israa’il la eegatay ka mid yihiin xero qaxooti halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, oo sideed ka mid ahi caruur yihiin.

Wararka yaa intaa ku daraya in Ugu yaraan 139 Falastiiniyiin ah, oo 40 carruur ka mid ahi caruur yihiin lagu dilay Marinka Qasa tan iyo Isniintii, halka 950 qof oo kale lagu dhaawacay Daanta Galbeed ee la haysto.

Saacadihii hore ee subaxnimadan Sabtida ah, shaqaalaha gurmadka ayaa weli isku dayaya inay meydadka ka soo saaraan dhismeyaasha burburay hoosooda iyadoo dad badan la rumeysan yahay inay dhinteen. Kooxda Xamaas oo jawaab ka bixisay weerarkii ugu dambeeyay ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyinka koonfurta Israel ee Askhelon iyo Ashdood. Inkastoo wax khasaare ah la sheegin.Khasaare.

Xigasho: Aljazeera.

XUSKA MAALINTA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED EE 15-KA MAY (WARBIXIN)

Dal kasta waxa uu ku faano ama saacida horumarkiisa  waa  dhallinyarada oo aan looga maarmin difaaca ama ilaalinta dadka iyo dalka,kuwaas oo haddii la waayo waxqabadkooda keeni karta gaabis ama dib u dhac kale oo  ku yimaada dhanka ilbaxnimada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Inkastoo dagaallo gumeysi diid ah ay dhaceen qarnigii 15-aad iyo horraantii qarnigii 19-aad,haddana,waxaa mudadii uu socday dagaalkii 2-aad ee dunida gudaha Dalka Soomaaliya ka bilowday iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la doonaayey in meesha looga saaro wadamadii shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano dhaqaale,iyagoo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii.

Sanadkii 1943-dii waa markii ugu horeysay ee gudaha Dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay horkacayaan sadex iyo toban Dhallinyaro (13) oo wax bartay,kuna mideysan Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed,kuwaas oo u howlgalay raadinta wadajirka umaadda iyo baadigoobka  xornimo dhameystiran  oo wada gaarta Shacabka Soomaaliyeed.

Aasaasayaashii Ururka SYL

Cabdulqadir Sheekh Sakhaawadiin. Guddoomiye

Yaasiin Xaaji Cisman Sharmaarke

Maxamed Xirsi Nuur (Sayidiin)

Xaaji Maxamed Xussen Mahad

Cismaan Geedi Raage

Dheere Xaaji Dheere

Daahir Xaaji Cisman (Dhaga-weyne)

Cali Xaasan Maslax

Maxamed Cali Nuur,

Maxamed Faarax Hilowle

  1. Maxamed cabdullahi Xayeesi

Huudoow Macalin Cabdullahi Saalax

Maxamed Cisman Baarbe Bardh

Dhinaca kale, Gobolada Woqooyi,waxaa xilliyadasi ka jiray dhaqdhaqaaq siyaasadeed  oo ay horkacayeen Ururka SNL(Somali National League),kuwaas oo u howlgalay dadaallo lagu raadinaayey midnimada Soomaaliyeed oo ay aasaaskeeda lahaayeen Ururka SYL.

Sanadkii 1947-dii waa markii labaad ee lagu dhawaaqay dhismaha Ururka Xoreynta Dhallinyarada Soomaaliyeed) SYL oo baddalay magacii Naadiga Dhallinyarada,wuxuuna  kulmiyay dadkii Soomaaliyeed ee doonayey in la helo xoriyad.

Sanadkii 1948-ddii Ururka SYL,waxa uu awood u yeeshay in dhaqdhaqaaqyo gobanima-doon ah lagu  baaahiyo  guud ahaa gobolada dalka iyo deegaanada kale ee ay dagaan dadka Soomaalida,sida  Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Sanadkii 1949-kii maamulkii Ururka SYL waxa ay  ku guuleysteen in qoraal ku saabsan xaaladda gumeysiga iyo sida ay u doomayaan xoriyad loo gudbiyo Xaruta Qaramada Midoobay,waxaana 1-dii April sanadkii 1950-kii Soomaaliya loo ogolaaday 10-sano oo xornimo gaarsiin ah oo dadka lagu barayo nidaamka dowladnimo ee loo soo halgamay.

Sanadkii 1956-60-kii dii,Ururka SYL ,waxaa ay hoggaamiyeen Dowladdii Daakhiliga ama ku meel gaarka aheyd,iyagoo gacan ka helaya culuma’udiinka ,odayaasha dhaqanka,haweenka, shaqaalaha muruq-maalka ah iyo aqoonyahanno kale,waxaana xiiligaasi suurtagashay inUrurka SNL ee gobolada Woqooyi ay qeyb ka noqdaanRaadinta midnimo Soomaaliyeed oo aaan ku xirneyn wax shuruud ah.

Waxaa dhab ah in dad badan oo ka mid ah qeybaha Bulshada in ay naftooda ku waayey taageeridda dhaqdhaqaaqyadii Ururka SYL iyo ka qeybgalka  kacdoonkii xoriyad doonka ee Soomaaliya,halka dhinaca kale la tilmaamay in ay jireen dad yar oo diidanaa in laga hoo-sbaxo gumeysiga oo la qaato  xoriyad,kuwaasina waxay ahaayeen kuwo taabacsanaa maamulkii gumeysiga ee soo maray Dalka.

15-a May waa maalin qaran oo dalka Soomaaliya laga xuso aasaaskii Ururka gobanimo-doonka SYL, kaasoo ahaa ururkii  ugu horeeyay ee dalka laga hirgaliyo,lana yimid halgan adag oo loo soo galay hanashada xoriyadda Dadka iyo Dalka.

Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay qaataan doorka ay ku leeyihiin geeddi socodka barnaamijyada horumarineed ee Dadka iyo Dalka, iyadoo sidoo kale  ay waajib tahay in ay ka qeybqaataan  badbaadinta Umadda iyo raadinta qaran dhameystiran oo wax la qeybsada shucuubta caalamka.

Dhallinta ama jiilka cusub ee Soomaaliya waxaa looga fadhiyaa in ay la yimaadaan doorkii looga bartay Ururka Dhallinyarada SYL ,isla markaana ay la socdaan tabaha iyo xeelad kasta oo ay la iman karaan kuwa doonaya in dadku aysan ku tallaabsan barwaaqo iyo horumar.

Maadaama lagu jiro xilli adag ,cidda kaliya ee dalka gaarsin karta nabad iyo horumar waa Dhallinyarada oo u naahan in la siiyo tallooyin ka qeyb qaadan kara difaaca dalka iyo soo celinta xasiloonida.

Haddaba,anagoo ka faa’ideysaneyna fursadda sanadguurada 78-aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed,aawadeed,waxaan halkaan ka direynaa dhambaal hambalyo ah oo ku socda Dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo xaalad kasta oo ay ku nool yihiin.

Ugu dambeyntii Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo mustaqbal wanaagsan oo ifaya noloshooda.

W/Q: Shire Xasan Kulmiye  

Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diirran loogu soo dhaweeyey Djibouti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Cutub ka tirsan Booliska oo tababar ku soo qaatay Jabuuti oo dalka dib ugu soo laabtay

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka lagu soo dhaweeyay.

Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Booliiska Soomaaliyeed oo muddo saddex bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka .

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqodaan, howlgallada sugidda Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada Al-Shabaab.

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo war ka soo saartay mashruuca xakameynta fatahaadaha ee Hirshabeelle.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid maamulka Hirshabeelle oo ay sheegeen in ay xayireen lacago loogu talagalay in wax looga qabto Fatahaada wabiga Shabeelle.

War kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidaan u qornaa:

Wasaaradda Maaliyadda ee DFS, markay aragtay war saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Maamulka Hirshabelle ee maaraynta musiibooyinka, waxay caddaynasaa sida ay u socdaan hawlaha ka hortagga fatahaadaha ee Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ka waddo Dawlad Goboleedka Hirshabelle.

  1. Mashruuca waxa uu bilaabay qiimeynta baahida ka hortagga fatahaadaha webiyada Shabelle iyo Jubba 27 Marso 2021. Qorshaynta hawlaha waxaa si wadajir ah u fuliyay Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) iyo dawlad Goboleedka aan kor ku xusnay.
  2. Waxaa la sahmiyay 71 goobood oo laga fulinayo ka hortagga fatahaadaha.
  3. Waxaa la diyaariyay naqshadaynta loo raacaayo biyo xirista 5 April 2021.
  4. Waxaa la furay u tartanka fulinta hawlaha ka hortagga fatahaadda.
  5. Waxaa soo tartamay 44 qandarasleyaal oo maamulka Hirshabelle soo xulay (Jowhar 19 iyo Beletwayne – 25)
  6. Laba shirkadood ayaa hadda hawlo biyo xirid ah ka wada 7 goobood (sites) gobolka Hiiraan.
  7. Waxaa diyaar ah 10 qandaraaslayaal (contractors ) oo hawlgeli doona usbuuca soo socda: 6 shirkadood oo ka howlgali doonna Beletwayne iyo 4 ka howlgali doonna Jowhar iyo nawaaxigeeda. Wasaaradda Maaliyadda ee DFS waxay dhibaatada fatahaadaha la qaybsanaysaa Dowlad Goboleedka iyo shacbiga reer Hirshabelle.

Waxaa dadaal aan ugu jinaa dardargelinta hawlaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) uga qorshaysan degmooyinka Hirshabelle.

Waxaan cadeynaynaa in Wasaarada Maaliyadda DFS aanay jirin wax dhaqaale ah oo ay ka xayirtay Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayna sida ku cad qorshaha Mashruuca Ka soo kabashada Masiibooyinka (SCRP) ay howluhu u socdaan sidii loogu talagalay.

Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Guddiga Ka hortagga Fatahaadda ee Hirshabelle ka codsanaysa inay caddaymo ka bixiso lacagaha ay ku eedeyeen in dawladda dhexe ka xayitray wax ka qabashada fatahaadda degaanada Hirshabelle.