Madaxweynaha M/Gobolleedka Jubbaland oo la kulmay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Jeneraal Stephen Townsend, oo booqasho ku yimid Jubaland.

Kulanka waxaa lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa ladagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.