Cutub ka tirsan Booliska oo tababar ku soo qaatay Jabuuti oo dalka dib ugu soo laabtay

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, oo tababar ku soo qaatay dalka Jabuuti ayaa maanta dalka lagu soo dhaweeyay.

Cutub ka tirsan Ciidanka Darawishta Booliiska Soomaaliyeed oo muddo saddex bilood ah tababar heerkiisu sareeyo ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka .

Tababarka Ciidankaan la siiyay ayaa waxaa bixinayay Macalimiin quburo ah oo ka socday Ciidanka Carabinieri-ga Taliyaaniga oo had iyo jeer gacan siiyo dhismaha Daraawiishta Booliiska Soomaaliyeed.

Ciidankaan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqodaan, howlgallada sugidda Nabadgelyada iyo sifeynta Argagixisada Al-Shabaab.