weerarada Israa’il ku hayso marinka Qasa oo sii kordhaya

Duqaymaha dhinaca cir ee Israa’il ku hayso Marinka Qasa ayaa sii socda maalintii shannad oo xiriir ah, iyadoo duqaymaha goobaha ay Israa’il la eegatay ka mid yihiin xero qaxooti halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah, oo sideed ka mid ahi caruur yihiin.

Wararka yaa intaa ku daraya in Ugu yaraan 139 Falastiiniyiin ah, oo 40 carruur ka mid ahi caruur yihiin lagu dilay Marinka Qasa tan iyo Isniintii, halka 950 qof oo kale lagu dhaawacay Daanta Galbeed ee la haysto.

Saacadihii hore ee subaxnimadan Sabtida ah, shaqaalaha gurmadka ayaa weli isku dayaya inay meydadka ka soo saaraan dhismeyaasha burburay hoosooda iyadoo dad badan la rumeysan yahay inay dhinteen. Kooxda Xamaas oo jawaab ka bixisay weerarkii ugu dambeeyay ayaa gantaalo ku garaacay magaalooyinka koonfurta Israel ee Askhelon iyo Ashdood. Inkastoo wax khasaare ah la sheegin.Khasaare.

Xigasho: Aljazeera.