Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay Qado Sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha D/Jabuuti Madaxda ka soo qeyb gashay caleemo saarkiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad qado Sharaf ah oo madaxweeynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle u sameeyay madaxdii iyo wufuuddii ka soo qeyb gashay caleemo saarkiisa.

RW Rooble iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dalka Jabuuti u joogay ka qayb galka xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021, waxaa sidoo kale caleemo saarka ka qeyb galay badi madaxda Afrika iyo qaar ka mida Dawladdaha xiriirka dhow la leh Dalka jabuuti.