Ra’iisul Wasaare Rooble oo si diirran loogu soo dhaweeyey Djibouti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Djibouti, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen dhiggiisa Jabuuti Maxamed Cabdulqaadir Kaamil, Wasiirro iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.