Khaasaraha ka dhashay Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza oo sii kordhaya

Duqeynta Israa’iil ee Marinka Gaza ayaa gashay maalintii toddobaad oo isku xigta, iyada oo duqeyn xagga cirka ah saacadihii hore ee Axadda lagu dilay ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah, laguna dhaawacay tobanaan kale, halka sidoo kale dhulka lala simay ugu yaraan laba dhisme oo dad ay deganaayeen.

Guriga madaxa Gaza ee Hamas, Yehya al-Sinwar, ayaa sidoo kale la bartilmaameedsaday, sida laga soo xigtay TV-ga kooxda.

Magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, dadku waxay gambaad ka dhigteen dhismooyinka waa weyn, iyadoo dadka loo digay si aan waxyeelo uga soo gaareen Hubka culus ee Bambooyinka ay ku jiraan.

Rabshadaha cusub ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta ayaa salka ku haya cabashooyin muddo dheer soo taagnaa oo labada dhinac u dhaxeeya xaal waarana aan loo helin ayaa markale colaad horleh hurisay.

Dagaalyahanada Xamaas ayaa tiro gantaallo ah ku riday magaalooyinka Israa’iil, waxaana ku dhintay weerarkaas nin ku sugnaa deegaan dhaca bariga magaalada Tel Aviv.

Meelo badan oo ka mid ah dunida, waxaa ka socda banaanbaxyo looga soo horjeedo duqeymaha ka socda dhulka Falastiin,waxaana dadkan ka mid ahaa muslimiin badan oo ku nool dalka Britain.

Banaanbaxayaasha ayaa socod ku tagay fagaaraha kasoo horjeeda safaaradda ay Israel ku leedahay magaalada London.

Diyaaradaha Caalamiga oo hakiyay duulimaadyadii ay ku tegi jireen Israa’il

Diyaaradaha caalamiga ayaa hakiyay duulimaadyadoodii ay ku tegi lahaayeen garoonka diyaaradaha Israa’il ee Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv.

Gantaalaha kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta ayaa awood u yeeshay inay gaaraan garoonka diyaaradaha Isaraa’il iyo magaalooyinka kale ee ay Israa’il xoogga ku haysato.

Shirkadaha Delta Airlines, United Airlines, Lufthansa iyo Austrian ayaa isbeddel ku sameeyay jadwalkoodi duulimaad ee ay ku tegi jireen Israa’il.

Sidoo kale Etihad Airways iyo Fly dubai oo laga leeyahay dalka Imaaraatka ay si rasmi u joojiyay  duulimaadyadii ay ku aadi lahaayen Israa’il.

Israa’il ayaa duqeyn aan kala sooc lahayn  ka fulisay  marinka Gaza, waxeyna ku dishay in ka badan 180 qof oo ay ku jiraan 50 carruur ah.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobe  ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan ka yeesho xaaladda Falastiin iyo Israa’il si xal deg deg ah looga gaaro dagaalka socda.

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada amniga

Baydhabo.– Madaxweynaha Dowlada Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen ayaa maanta ka qeyb galay tababar loo soo xirey cutubkii afaraad ee ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyadoo ay tababarka bixinayeen saraakiisha AMISOM gaar ahaan qeybta Saddexaad (Secter Three).

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa munaasabadda ku soo bandhigay xirfado kala duwan oo ay ku qaateen tababarka, waxayna ciidankan qeyb ka noqon doonaan xoojinta amniga deegaanada Koonfur galbeed.

Madaxweyyne Lafta-gareen ayaa ciidamada tababarka qaatay ugu hambalyeeyay nasiibka ay u yeesheen in ay ka mid noqdaan ciidamada amniga K/galbeed, wuxuuna sidoo kale u mahad celiyay madaxweynaha Saraakiisha AMISOM ee tababarka bixinayay.

Dabeylo ku dhuftay xeebaha Hobyo

Hobyo– Guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo Maxamuud Maxamed Cawaale oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in ay jiraan Dabeylo ku dhuftay Xeebaha hoos yimaada Hobyo, kuwaas oo saameyn ku yeeshay Kalluumeysatada Galmudug.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ay Hobyo Horumar ballaaran sameyneyso sanadihii ugu dambeeyay, isagoona ku amaanay Ganacsatada Galmudug.

Inta badan xilligaan oo kale Dabaylo xooggan ayaa ku dhufta Xeebaha, waxayna saamayn ku yeeshaan dadka ku nool Xeebaha Dalka.

Muqdisho oo laga daah-furay Adeega caafimaadka shaqaalaha iyo bad-qabka goobaha shaqada

Waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay Adeega caafimaadka, shaqaalaha iyo bad-qabka goobaha shaqada,iyadoo shirka lagu casuumay xubno ka socdo wasaaraddaha dalka,Ganacsato,Culimaa’udiin,xarumaha dalxiiska,rugta ganacsiga iyo Bangiyada dalka.

Ujeedka shirkan ayaa ah in bad-qab laga helo goobaha caafimaadka.

Sii hayaha wasiirka shaqada ahna wasiirka Gaadiidka Duraan Axmed Faarax oo furay shirka ayaa adkeeyay muhiimadda badqabka goobaha shaqada iyo in laga helo adeegyo caafimaad oo dhammeystiran.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo daah-furay diiwaan gelinta doorasho qof iyo cod ah

Qardho.- Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Axmed Cilmi Karaash ayaa maanta magaalada Qardho ka daah-furay Diwaangelinta Doorasho qof iyo cod oo si hordhac ah uga dhacaysa sannadkan degmooyinka Qardho ee gobolka Karkaar ah, Eyl-Nugaal iyo Ufeyn, Bari, kuwaas oo markii uu horaysay si toos ah u dooran doona golayaasha deegaanka degmooyinkooda.

Madasha Daah-furka waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamadda sare, xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Baarkamaanka Puntland, Xubno ka socda urur siyaasadeedyadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada rayidka Puntland.

Doorashadan oo ah mid heer deegaan ah waxay noqoneysaa tii ugu horraysay oo dadku codeeyaan tan iyo markii la aas-aasay Puntland.

Guddiga madaxa banaana ee Doorashooyinka Puntland ayaa muddooyinkii dambe waday olole balaaran oo ay ku hirgelinayaan qabsoomida Doorasho qof iyo cod ah tan iyo markii lagu dhawaaqay xubnaha Guddigan.

Goobaha loo dalxiis tago ee degmada Xuddur

Goobo aad u qurux badan oo loo dalxiis tago ayaa laga hirgeliyay degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo ay maalmaha fasaxa u damaashaad tagaan dad deegaanka.

Dadka qeybahooda kala duwan ee goobahaas u dalxiis taga ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay arrintaan qeyb ka tahay nabada iyo horumarka degmada oo horseed u ah maamulka K/galbeed.

Magaalada Xudur muddo badan ayay go’doon ugu jirtay maleeshiyada Al-Shabaab,balse Bulshada isma dhiibin oo waxay ku guuleysteen in ay iska wareejiyaan kooxda argagixisada ah.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO MUNAASABADDA XUSKA SYL KU MAAMUUSAY DHALLINYARADA SOOMAALIYEED

May 16, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Munaasabadda Xuska halgameyaashii SYL awgeed xaflad maamuus ah la qaatay dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in caqabadaha dib dhigay dalkeenna lagaga gudbi karo in dhallinyaradeennu ay raacaan dhabbihii Halyeeyadii SYL ee mideeyey cududda iyo caqliga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay hagardaamooyinkii gumaystuhu uu u gaystay Ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in halgankii, waddaniyaddii iyo wadajirkii aas-aaseyaashii iyo hawl-wadeennadii Ururkii Gobanimo Doonkii SYL ay kala tallaabeen caqabado iyo jallaafooyin waawayn oo gumaystuhu ku wiiqayey halgankooda, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen kala qaybinta shacabka Soomaaliyeed si ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.

“Dadka Soomaaliyeed marnaba ma illaawayaan maamuuska Halgameyaashii SYL iyo in ay iftiinsadaan dhaxalkii waddaniyadeed ee ay uga tageen. Dhallinyaradii SYL waxa ay ku guulaysteen in dadka Soomaaliyeed ay ka dulqaadaan heeryada gumeystaha, hormuudna u noqdaan dhaqdhaaaqyadii xoraynta dalalka Afrika.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay dowladdu siisay awoodsiinta dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo kor loo qaaday doorkooda hoggoominta dalka iyo shaqo-u-abuurka, waxaana xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti oo ay ku dhibaataysnaayeen laga soo daayey boqollaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey doorka wanaagsan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dowlad dhiska dalka, adkaynta amniga, xoojinta midnimada iyo wacyi gelinta bulshada, isagoo ku boorriyey in ay dadaalladooda sii labo jibbaaraan si loo taabba-geliyo dowladnimada Soomaaliyeed oo la jaanqaadi karta dowladaha kale ee caalamka.

DHAMMAAD 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka tacsiyeeyey geerida Taliye xigeenkii qeybta guud ee Booliiska G/Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray, qoyska, caruurta, ehallada, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Taliye Xigeenkii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Gaanshaanle Sare Axmed Cabdi Wehliye.

Ugu dambayn, Wasiir Mukhtaar ayaa Alla uga baryay in Marxuum Axmed uu Jannadii Fardowso  ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu Alle ka siiyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.

Alle ha u naxariiste taliye Ku Xigeenkii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Col Axmad Waawayne ayaa ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer dhaawac ka soo gaaray Weerar Argagixisanimo oo 09.05.2021 lagu qaaday Saldhiga Waabari.

Weerarkaasi oo ahaa Ismiidaamin waxaa horay ugu dhintay 2 Sarkaal, iyadoo Sarkaalkana uu noqonayo kii 3aad ee ugu darajadda sareeyay.
Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay geeridda Sarkaalkan.

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taallada SYL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weynaynaya doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Halgamayaasha SYL oo bud-dhig u ah halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 78 guuradii Aas-aaska Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, isaga oo muujiyey qiimaha weyn ee maalintan ay u leedahay Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyada oo Ciidammada Baambayda ay ku maamuusayeen Heesta Calanka iyo Astaanta Qaranka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ku guubaabiyey in ay ilaashaadaan taariikhdoodii gobanimo doonka oo astaan u ah geesinimada, go’aan adaygga iyo kartida Ummadda Soomaaliyeed.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taalada SYL waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida iyo dhallinyaro ka kala socotey 17-ka degmo ee gobolka Banaadir.