Muqdisho oo laga daah-furay Adeega caafimaadka shaqaalaha iyo bad-qabka goobaha shaqada

Waxaa magaalada Muqdisho laga daah-furay Adeega caafimaadka, shaqaalaha iyo bad-qabka goobaha shaqada,iyadoo shirka lagu casuumay xubno ka socdo wasaaraddaha dalka,Ganacsato,Culimaa’udiin,xarumaha dalxiiska,rugta ganacsiga iyo Bangiyada dalka.

Ujeedka shirkan ayaa ah in bad-qab laga helo goobaha caafimaadka.

Sii hayaha wasiirka shaqada ahna wasiirka Gaadiidka Duraan Axmed Faarax oo furay shirka ayaa adkeeyay muhiimadda badqabka goobaha shaqada iyo in laga helo adeegyo caafimaad oo dhammeystiran.