DHIBAATO INTEE LE’EG AYUU LEEYAHAY GANACSIGA ISKU DAYASHADA KU DHISAN EE LA ISKA AG FURTO

Mararka qaar fajac ayey kugu noqoneysaa in aad aragto afar farmashiye oo iska barbar furan iyadoon hal waaddo dhaxeyn, sidoo kalena waxaa la yaab kugu noqonaya labo maqaayad oo cunto isku mid ah kariya oo iska soo horjeeda.

Muqdisho oo keliya ma aha laakiin magaalooyinka soomaalida inta badan caadadan waa leeyihiin waxaana kugu soo dhacaya ganacsi isku wada mid ah ooh al nooc ah in uu jiro.

C/laahi Xasan Salaad wuxuu ku nool yahay Muqdisho wuxuu sheegay in degaanka Dharkenley uu ka furay maqaayadaha loo yaqaano borostooyinka ee lagu dubo digaaga laakiin maalmihii ku xigayba ay ganacsato kale jidkii maqaayadda uu ka furay ay iyagana ka fureen dhowr maqaayadood ooduba hilibka digaaga.

“Aniga maalmihii hore maqaayadeydu suuq bay laheyd oo macaamiishu waa ku badnaayeen laakiin hadda maya..maqaayadihii la iga daba furayna iyaga laftooda suuq la’aan baa ku dhacday..waan wada shiiidnay “ ayuu yiri C/laahi.

Arrintaan waxay muujineysaa in uu yar yar hal abuur lala yimaado laakiin la sugo hal qof oo wax cusub oo ganacsi gal ah keeena ka dibna fikradiisii la wada qaato oo ganacsigii lagu dabaqo taas oo aaan anheyn horumar balse ah caajisnimo iyo in aan maskaxda laga shaqeysiineyn.

Maxamed Cilmi oo ah aqoon yahan u fiirsaday ganacasigaas isku dayashada ah ee aan ku dhisneyn wax cusub curinta wuxuu sheegay in dad badan oo ganacasato ah oo qaarkood fikrado la yimid halkii ganacasigoodu badan lahaa ay curyaamiyeen ganacasato kale oo minguurin ama koobi fikradadaha ganacasiga joogto ka dhigatay.

“Waxaad arkeysaa mar walba Muqdisho iyo meelo kale ganacsi hal nooc ah oo soo badanaya,,mar waxaa magaalada ku badnaa MMiNI-MARKET, mar kale wxaa soo batay isbitaalada gaarka loo leeeyahay..mar waxaa badnaa rugaha qurxinta dumarka, muddoyinkan dambena goobaha dalxiiska..taas waxay ku tusinyesaa in ganacsiga Soomaalida aanu ku imaanin fikrad la shiilay oo muddo dheer laga fekerayey laakiin uu noqday wixii loo bato adna sameyso.

Ganacsiyada horumaray waxay ku dhisan yihiin wax aad ganacsiyada kale ee suuqa ku jiray dheeraaan karto ee ma aha in aan fikrad qof la yimid adna aad sameyso oo ganacsi ka dhigato.

Ganacasiga noocaaan ah waa duminta ganacsiyo hore u jiray oo kaa horreeyey hirgalayna maadaama aad isla isagii la soo shirtageyso taas oo ah wax aaan wanaagsaneyn.

Sidoo kale tani waxay ka mid tahay caqabadaha hortaagan in ganacsiyo waaweyn ay Soomaalid u sameyn karto maadaama ay tahay curinta asalka ah ee qofka raba in uu ganacsi iyo adeeg dadka u soo kordhiyo.

“In aan firad cusub lala imaan oo minguurin amma koobi mid qof leeyahay la wado waa tan maanta mar keliya wax aan sanad dhammeyn ay u soo baxaaen in ka badan 65 shirkadood oo FOREX ah oo la og yahy wixii lagala kulmay “ ayuu yiri Sadiik abdi Afrax oo aad uga soo horjeeda fikrada ganacsi ee isku dayshada ah .

Taas waxaana iyana sii raaca shirkado soomaali ah oo dharka ka soo sameeya dalal ay Shiinuhu ka mid yihiin oo qaata naqshado ay shirkado kale hore u lahaayeen, wax ka soo bedela , waxna dhima tayadii hore balse u ekeysiiya tii asalka aheyd.

Inta aan la heynin fikir curin hal abuur leh oo aan wadno ku dayashao wax qof ka fekearay oo fikirkiisu leeyahay sidii aan annagana u dayan laheyd marna ma dhaceyso horumar loaga tallaabsado dhinaca ganacsiga iyo la tartanka dadka kale eek u nool caalamka.

WQ: Mohamed Shiil

 

 

MAXAY NAGA HALLEEYEEN OON KU DIIDNAA MA GABAL DAYE AYAAN NAHAY?

Waa xaqiiq mar haddii uu jiro xifaalatan siyaasadeed iyo kursi kala riixasho in la soo faag faago wax aan jirin iyo been abuur aan sal iyo raad toona lahayn iyadoo siyaasiyiinta qaar aysan eegin maslaxadda dalka iyo tan shacabka Soomaaliyeed ee u ooman  dowladnimada.

Waxaa habboon in aan rarka laga badin ratiga waayo waxaa iman kara inuu dhinac u dheelliyo ka dibna ujeeddadii Qarankanu lahaa ay meeshaba ka baxdo.

Haatan sida aan ognahay waxaa dalka ka jira dowlad sida badan dadweynuhu u arkaan inay tahay mid gudatay waajibaadkeedii loo idmaday intii ugu badneyd, waxaa wax qaldan ah in laga hagrado waxqabdkeedii cadcaddaa ee ay ku tillaabsatay intii ay dalka ka soo talineysay, waxayna kasbatay inta badan quluubta shacabka soomaaliyeed.

Xagaa lagu shiray, iyo xaggaa lagu shiraa xabba nooma gashee xalka iyo  xaajada hoos haloo dhaqo.

Ruux wax qabtay haddaad tiraahdo wax maqaban dadkuna ogyihiin taasi sow maahan ihaano iyo dhaliillo aan meelna heysan?.

Tartanku waa wax loo baahan yahay ruuxii Alle calaf ugu daraba, balse yaanan lagu doonin si aan lagu dooni jirin ama dani ugu jirin shacabkan soo daalay, mana aha inay dhacaan wixii koldhaweyd dhacay oo kale, iyadoo wax la dhoodhoobayo haddana yaan wax la sii dumin.

Run ahaantii Adduunyadu maanta way nasoo wada eegayaan, bal sida aan wax ka yeelno, sidoo kale marastii, waayeelkii caruurtii iyo haweenkii intaba waxay ka dhursugayaan inaad dhanka wanaagsan u wada dhaqaaqdaan, waayo waran waran ku taag dambe dalka uma baahna umana dulqaadan karo.

Sida aan wada ognahay dalkeenna waxaa ku hareereysan dalal ay naga dhaxeysay cadowtinimo guun ah, waayo dal og inuu dhulkaada heysto marnaba ka sugimeysid inuu kuu galliimo ama kuu hagar baxo, waa sidaasoo weliba ay doonayaan inay dharaar cad qoraxda nagu dubtaan.

Iyadoo aan ognahay haatan meeshu dalku marayo siyaasad ahaan maahan in lagu abuuro tashuush aan waxba ka jirin, lana fool-xumeeyo suuradda dowlad dadkeeda wax badan u qabatay, siyaasaddu micnaheedu maahan in laga been sheego wixii jiray.

Dalkan isbeddel wuu ka dhacay, wuxuuna ahaa mid ay shacbi weynaha soomaaliyeed raalli ka ahaayeen kuna muujiyeen rabitaankooda, welina sidii bay raalli uga yihiin.

Sidoo kale, ujeeddadu waa inaan helnaa doorasho xalaal ah, oo qof waliba oo soomaali ah raalli ka yahay, maahan in siyaasadda dalka iyo xukunkaba ay cid gaar ah is laheysiiso, afar sano oo kasta dalka wuxuu diyaar u yahay in uu galo doorasho xaq iyo xalaal ah, iyadoo mucaaradnimaduna aysan ahayn mid wax lagu duminayo, tartan caddaalad iyo sinnaan ku saleysan ka dibna loogu hambalyeeyo walaalka markaasi ku guuleysta kursiga dowladnimada.

Shacabka Soomaaliyeed waxay soo dhaweynayaan doorasho ka dhacda dalka iyadoo raalli laysaga yahay, waxaana leenahay dowladdani way soo shaqeysay, iyadoo dowladihii horena ninba meel soo gaarsiiyay, nin xun ma jiro, haddana kii dalka u soo baxa haddaan nahay ummadda soomaaliyeed waan la shaqeyneynaa, balse waxaan si buuxda uga soo horjeednaa wixii qas iyo qalaanqal la doonayo dalka iyo dadka marna shacabku raalli kama naqanayaan mana soo dhaweynayaan.

Nabaddu waa furaha nolosha, ruux walbeyna dan u tahay howshu haddeysan noqnon xagga qabo xaggaan qaban, wallee waa naloo yaabaa, bal wax badan ka fikira ummad yahay soomaaliyeed in dalkaan loo celiyo meeshii uu ka yimid oo ruux walba oo waxgarad soomaaliyeed ah uu garanayo, waxaa halis ah xitaa in la dhageysto qofka waxaasi ku geeraaraya.

Shacabka soomaaliyeed wuxuush maahan, mana aha geedka gabaldayaha ah ee gelinba dhinac ujeesta way garanayaan meeshay dantooda ku jirto cidna maanta looma tilmaamayo wuxuu sameyn lahaa, aqoontuna waxay mareysaa heerkii ugu sarreeyay 1991 iyo 2020 cidna isku doorsan meyso.

Waxaanse Allaah ka baryeynaa in uu siyaasiyiinteenna soo hadeeyo, kuna toosiyo dariiqa san ee Allaah Swt iyo Shacabkuba raalli kaga yihiin.

W/Q: Osman Dhiblaawe.

 

 

JAHLIGA IYO SOOMAALIGA

Bari waxaa reero miyiga yiil/daganaa macallin u ahaa nin wadaad ah, oo qur’aanka xafidsanaa balse aanay aqoon kale diini iyo maaddi tooni u wehelin.

Wadaadkaas waxaa loo aqoonsanaa inuu yahay shiikha deegaanka mas’alo kastoo diinta la xadhiidhtana asagaa loola iman jiray, asaguna is muu dhibi jirine waydiinkasta/su’aalkasta oo la weydiiyoba wuxuu war-celinteeda ku soo koobi jirey”Allaahu aclam”.

Dadka aan aqoonta lahayn ee deegaankaa ku dhaqan waxaa la oran jirey” Aamanuu”, wadaadkii oo koox arday ah dhex fadhiya lana subcinaya ayaa dharaar waxaa u yimi wiilal dhallinyaro ah, si wacan ayay u bariidiyeen asna wuu ka qaaday, deedna waxay u sheegeen inay asaga doonayaan,” oo maxaad iga rabtaan ayuu ku yidhi?”, “shiikh aw hebelow su’aal baanu ku weydiin lahayn ayay ku yidhaahdeen”.

intuu cimaadadiisii garwaaxeedsaday, ushii uu watayna dhulka ku jufeeyay buu kolkaa ku yidhi ” su’aasha la kaalaya”,waxay ku yidhaahdeen shiikh aw hebalow waanu kala garan waynaye adigu horta ma aamanuu baa tahay mase kafaruu?”.

Intuu afka yar majoojiyay, oo faraha taagtaagay, indhahana kala rogay buu ku yidhi”illaahayow  aamanuu ha naga dhigin” ,” oo haddaa maxaa tahay ?” bay ku celiyeen, kolkaa buu yidhi”kafaruu baan ahay”. kafaruu inay gaalnimo tahay dhallinyarada qaar baa ogaa, balse wadaadku wuxuu moodayay inay wax feecan tahay. Kkkkkk

W/Q: Abwaan Hareeri

 

ISTICMAALKA QALDAN EE DAWOOYINKA OO KU SOO BADANAYA MUQDISHO

Dad badan ayaa taga goobaha lagu iibiyo dawooyinka mana wataan waraaqaha dawo qorista ee dhaqaaatiirta waxayna qaarkood iska doortaan nooc dawo oo ay doonayaan ayna magac ahaan u hayaan isla markaana aaney aqoon u laheyn waxtarkeeda iyo dhibaatada ay dhinaca kale yeelan karto (Side effect).

“Arrintan waxaa lagu dhaliili karaa dadka leh farmashiiyeyaasha oo oggolaada in ay dawo ka iibiyaan qof aan wadan warqad dhaqtar soo qoray iyagoo u xilanaya lacagta ay ka helayaan” ayuu yiri Dr Axmed Maxamed Odawaa oo ka tirsan dhaqaatiirta Muqdisho oo intaa ku daray in dunida ay mamnuuc tahay in warqad la’aan in qof dawo laga iibiyo.

“ Waxaa noo yimaada dadka qaar oo wata dhalooyin dawooyin hore looga isticmaalay ama qoraalka magaca dawo qof kale uu adeegsaday iyagoo ku leh tan oo kale iga iibi “ ayuu yiri Cabdi Maxamed oo goob dawooyinka lagu iibiyo ku leh Muqdisho oo sheegay in isagu aanu qofna ka iibin dawo haddii qofkaasi aanu wadan warqad dhaqtart.

Dadka caadiga ah ee doonaya in sida qaldan ay u gataan dawooyinka waxaa dheer dhallinyaro ka dalbada goobaha farmashiyeyaasha ah dawooyin aan loo qorin oo qaarkood noqdaan maandooriyeyaal marka si qaldan loo adeegsado sida Tramadolka taas oo muddooyinkan dame ku badan dalka .

Isticmaalkaa qaldan wuxuu keenaa in dhallinta adeegsataa ay ku maandoorsoomaan oo ay ku sirqaamaan taas oo mararka qaar keenta in ay ku kacaan ficilo aan wanaagsaneyn, dagaal iyo carqaladeynta dadka kale.

“ Waxaa kuu imaanaya rag dhallinayaro oo kaa dalbanaya kiniini iyo irbadaha qaar ee loo adeegsado marka qallinka la sameynayo iyagoo u isticmaalaya daroogo ahaan, haddii aad tahay mas’uul waxaad weydiineysaa warqad haddii aadan aheyna si sahlan ayaad uga iibineysaa adigoo dhibka bulshada ka shaqeynaya “ ayuu yiri Cabdi Maxamed oo mar kale sheegay in loo baahan yahay in dadka iibiya farmashiyeyaasha loo baahan yahay in ay mas’uuliyad muujiyaan oo aaney dhallinyaradaa ka iibin kiniinada noocaas ah.

Waxaa kale oo jira dhallinyaro xaddi badan oo kaniinka hurdada ah isticmaala iyagoo ujeedadoodu tahay in ay isdaroogeeyaan oo maandooriye ahaan u isticmaalaan iyagoo aan marna ka fekerin caafimaad ahaan waxyeellada ay kiniinadaa u geysan karaan.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in isticmaalka xaddi badan oo Diqzapem ama taramadol ah ay keeni karaan muqstaqbalka in qofka ay ku dhacaan laleelmo iyo cuduro kale oo halis ah oo ay ku jirto in ay ka gurto xasuusta qofka iyo xaalado kale oo halis ah .

Si arrimahan looga hortago waa in si adag loo dhaqan galiyo shuruucda iibinta dawooyinka ee ah in qofka lagu xiro waraaq dhaqtar isla markaana dadka dhallinyarada ah aad loo xadido ka iibinta laga iibinayo dawooyinka siiiba kuwan aan carrabaabnay ayna wasaaradda caafimaadku aad ula socoto qaabka dawooyinka loogu dhex iibinayo bulshada.

W/Q: Mohamed Shiil

 

CAQLIGA IYO GARASHADU WAA INAY WADA SHAQEEYAAN

Caalamku waxaa uu marayaa qarnigii teknolojiyada iyo horumarka wuxuuna ku tallabsanayaa horumarro kala duwan taas oo ay tahay in Soomaalidu la saanqaado .

Soomaaliya waxay in ka badan 30 sano ku jirtay tiih iyo dhibaato saamweysay dadkeeda kana dhigtay kuwo qaxooti ku ah dunida daafaheeda oo uu ku heysto ciriiri iyo nolol adag oo ay u dhaami lahyd tan dalkooda haddii ay ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka dalkooda .

Dalku wuxuu  u noqday tilmaan dalalka dunida ugu faqrisan uguna ammaan xun isla markaana waxaa soomalida meel walba u maray magaca ah dadkii aan dowladda lahyn (Stateless) taas oo dishay sumacaddii soomaalida.

Marxalado kala duwan iyo dhibaato badan ayaa loo maray sidii dalkan sumcaddiisa loo soo celin lahaa waxaana jiray shirar kala duwan oo ka dhacay dalal kala duwan sida Jabuuti, Itoobiya  Masar , Kenya iyo kuwo kale si mar kale dib loogu yagleelo qarankii Soomaaliyeed ee burburay.

Is jiid jiid badan, khilaaf iyo dagaallo kala duwan oo la soo maray ka dib waxaa lagu guuleystay in nidaamkii fowdada dalka laga saaro oo ay bilowdaan hannaankii Ku meel gaarka oo dalka meel wax laga ambaqaadi karo dalka ku soo simay ilaa ugu dambeyntii uu dalku ueesho nidaam dowladeed buuxa oo aan ku meel gaar aheyn.

Waxay aheyd guul la gaaray oo xoogaa soomaaidu kaga nasatay dhibkii dagaalada sokeeye ee soo maray ayna mar kale uga soo muuqatay fagaareyaasha caalamka ee ay muddada ka maqneyd..

Ilaa dhowr doorasho ayaa dhacday haba ahaadeen kuwo nidaamka odayaasha iyo qaabka awood qeybsiga 4.5 ku imanaayey si loo gaaro nidaam doorasho oo buuxa ayaana rajadu tahay mustaqbalka soo socda ee dhow.

Soomaalida waxaa u soo bidhaamay xoogaa rajo ah oo ka duwan kuwii hore kana wanaagsan waxaana markii ugu horreysay ciidanka iyo shaqaalaha dowladduba heleen mushaar bil walba u soo dhaca.

Nidaamka socodka xafiisyada dowladda ayaa isbedelay oo waxaa la helay maamul dowli ah oo muuqanaya in uu hore u socon karo.

Dal kasta oo dunida ah waa jiraan afkaaro la isku diidi karo caalamkuna wuxuu ku dhaqmaa hannaanka dimoqraadoiga afkaarahana lama diidi karo oo qof kasta waxa uu qabo bannaanka ayuu keeni karaa laakiin caalamka wuxuu inooga duwan yahay qofku afkaartiisa si caqligal ah oo waxtar leh waxna dhiseysa ayuu ku soo gudbin karaa.

Soomaalida ma aha dimoqraadiyadda iyo iska horjeedka in ay u arkaan dagaal laakiin waa in ay u arkaan qaab wax isu sheegis degan oo aan cunfi ku dhisneyn.

Qof walba horumarka iyo nabadda waa jecel yahay laakin waa in qofku hortiisa eegaa oo aan aanu gadaal u noqon..labo tallaabo gadaal hal tallaabo horey ,horusocod maaha.

Qofka horumar iyo horusocod ku fekerayaa waa in uu eegaa inta tallaabo ee hore loo qaaday ee aanu ka fekerain in tallaaboyin hor leh gadaal loo qaado.

Caqlig a iyo garashadu waa in ay shaqeyaan oo aaney caadifaddu noqon midda hoggaamisa maskaxda taas oo keeneysa in aan laga dhaxlin wax wanaag ah

W/Q: Mohamed Shiil.

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha XFS oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay Djibuuti uga qeyb galeen caleemosaarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul waasaraha  dalka ayaa ka tirsanaa Madaxda Wadamada Afrika iyo kuwa Caalamka ee ka qeyb galay Caleema saarkii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay doorashooyinkii ka dhacay dalkaas 23 April 2021.

Madaxweyne Geelle ayaa markii shannaad loo caleemo saaray taladda isagoo helay tirada codadkii dadweynuhu dhiibteen inta ugu badan oo ah 98.41%.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay duulaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan ayaa maanta habka fogaan aragga uga qeybgalay shir gaar ah oo Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiir Arrimo dibadeed uu kaga dooday duulaanka Israa’iil ee dhulka Falastiin, si gaar ah Magaalada barakaysan ee Qudus iyo howlaha rabshadaha leh ee laga geystay hareeraha Masjidka Al-aqsa.

Shirkani oo ku qabsoomay codsi ka yimid Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ah shir-guddoonka kaltankani ee Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ayuu ka jeediyay Wasiiru dowlaha khudbad uu ku caddaynayay mowqifka Dowladda Soomaaliya ee ka dhanka tacaddiyada Isra’iil ay ka geysanayso magaalada barakeysan ee Quddus.

Mudane Balal Maxamed Cusmaan, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka hadlayay arimahaasi ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay in kulankan uusan ku imaan lahayn waqti ka wanaagsan, oo ka baahi badan kan maanta. Kulankaan wuxuu muujinayaa xaqiiqda in qadiyadda Falastiin iyo tan Masjidka Al-Aqsa ay weli tahay mudnaanta koowaad ee Dunida Islaamka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxay sidaas darteed kula midoobeysaa dunida Islaamka inteeda kale baaqyada ah in la joojiyo qabsashada Isra’iil ee dhulka Falastiin iyo in la hubiyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ee aayo-ka-tashi iyo in la dhiso dowlad u gaar ah iyada oo Bariga Qudus ay tahay caasimadeeda oo aan muran ka taagnayn.

Waxaan sidoo kale ka codsaneynaa bulshada caalamka inay qaadaan masuuliyad ku aadan baahida loo qabo in la joojiyo weerarada Isra’iil ay ku heyso dhamaan dhulalka Falastiin, lana ixtiraamo shuruucda iyo qawaaniinta caalamiga ah iyo in la soo celiyo xuquuqda dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan xoriyadaha diinta.” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa imaanaya xili maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Quddus ka dhacayeen duqeymo ay Isra’iil ku beegsanayso deegaanada dadka Falastiiniyiinta ee dagan magaaladaasi.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Muqdisho soo gaaray

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo 4tii bishan May loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda , Xildhibaanno, odayaal dhaqameed iyo saraakiil sare oo ka tirsan Dawladda ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee caasimadda Muqdisho.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada mudane Cabdi Axmed Qaasim oo soo dhaweeyay Wasiirka cusub ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo adeegyo muhiim ah dalka u heysa inay ka faa’iideysan doonto khibrada Wasiirka cusub.

“Wasaaradda iyo xarumaha Dawladda waa iska leh dadka Soomaaliyeed, marxalado kala duwan ayaan ku soo shaqeeyay waxa aan hadda diiradda saari doono ayaa ah in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dareemaan adeegga hay’addan si ay u fahman in iyaga loo shaqeynayo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif, wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirka cusub ayaa sidoo kale uga mahadceliyay magacaabiista Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka  mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo tobbankii sanno ee u dambeysay Baarlamaamka iyo hay’adaha kala ee dawladda  xilal ka hayay ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaaare Ku-xigeen iyo Wasiirka Ganacsiga.

Madaxweynaha Dalka Pakistaan oo xad-gudub iyo arxan darro ku tilaamay waxa ka socda falastiin

Madaxweynaha dalka Pakistaan Caarif Calawi ayaa ku tilmaamay waxa ka socda Falastiin in ay yihiin xadgudub iyo arxan darro ay sameyneyso Israa’il.

Madaxweynaha Pakistaan ayaa sheegay in israa’iil xasuuq ku hayso shacab Falastiin oo ay rabto inay dhulkooda ka barakiciso.

“Waxa ka socda Falastiin ma ahan dagaal u dhaxeeya laba dhinac oo iska soo horjeeda ee waa xadgudub ka socda hal dhinac, ayuu yiri madaweyane Caarif Calawi”.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dhulka Falastiin la xorayn doono.

Tan iyo Isniintii hore , waxay Israa’iil duqayn ku dishay 181 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 52 carruur  iyo 31 haween ah.

Xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in la joojiyo xad-gudubyadda Israa’il ku hayso marinka Qasa

xoghayaha ururka iskaashiga Islaamka oo ku baaqay in loo wada istaago sidii loo joojin lahaa xadgudubyada  israa’iil ku hayso marinka Qasa.

Hadal uu jeediyay xoghayaha ururka iskaashiga  islaamka mudane Yuusuf Al-Cuthaymiin kulanka wasiirada Arrimaha dibadda ee ururkaas ayuu ku canbaareeyay xadgudubyada Israa’iil ka waddo goobaha barakeysan ee dhulka Falastiin.

Xoghayaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay mas’uuliyad iska saarto sidii loo joojin lahaa xadgudubyada iyo gardarada israa’iil  ku hayso shacabka Falastiin.

Xoghayaha ayaa sheegay in ururka islaamku garab taagan yahay shacabka Falastiin kana shaqaynayo sidii uu  ku heli lahaa  dowlad ay caasimad u tahay Qudus.

Xoghayaha ayaa uga mahadceliayay dowladda boqortooyada Sacuudiga oo shirkan isagu yeertay sida ay u garab taagan tahay xuquuqda shacabka Falastiin.