Raii’sul Wasaare Rooble oo fuliyay ballan uu ka qaaday Caruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Wasiiro ka tirsan golaha wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Carruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey xaquul ciid uu ugu talagalay Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, wasiirka waxbarashada Eng Cabdullahi Carab iyo wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta mudane Cumar Cali Rooble ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka wakiilka wasiirka koowad ee XFS Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la qadeeyey kuna wareejiyey Agoonta Booliska Soomaaliyeed lacago xaqul ciid ah oo ugu talagalay Ra’iisul wasaare Rooble oo uu horrey ugu ballan qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Jeneraal Cali Gaab ayaa ka mahadceliyey in Ra’iisul wasaare Rooble uu fuliyey ballan qaadkii uu u sameeyey carruurta iyagoo sido kale ku ammaanay wasiiradda kaalinta ay ka gaysteen qabsoomida howshaan.

Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo kulan qado sharaf ugu sameeyey duleedka Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug

Gaalkacyo Mdaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa ka qeybgalay kulan Qado sharaf ah oo dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ay ugu sameeeyeen duleedka Magaalda Gaalkacyo.

Casuumadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ay ka qeybgaleen ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhallinyarada magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ku dhiigaliyay Bulshada iney ka qeyb qataan nabadda iyo horumarka Gobolka isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Munaasab lagu soo gunaanadayay tartan cilmiyeedkii bisha Ramadan ee Warbaahinta Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee XFS, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Bankiga IBS, Wakiilada Tartameyaasha kaalimaha hore ka galay tartanka, kuwaasi oo kala ah Kismaayo oo sanadkan ku guuleysatay, Yaaqshiid oo kaalinta labaad gashay iyo Warta Nabadda oo sanadkan kaalinta saddexaad gashay iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in Bankiga IBS uu tartanka taabagelisay isla markaana ay guuleystaha kaalinta koowaad ay qaadan doonaan 2,000$ halka tartamayaasha kaalinta labaadna ay heli doonaan 1,000$, waxaana tartamayaasha kaalinta 3-aad la siinayaa 500$.

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa Hambalyo u diray dhamaan ka qeyb galayaasha tartanka, gaar ahaan degmooyinka kaalimaha hore galay.

“Waxaan Hambalyo u jeedinayaa Bankiga IBS oo la’aantiis aan tartanka qabsoomi lahayn, faa’iido weyna ay tahay maalgelin ay ku sameeyeen bulshadooda oo aqoon ku tartameysay, taasi oo dhiiri gelin u ah dhallinyarada tartanka ka qeyb gashay”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.

Wasiirka cusub ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada ee XFS oo xilka loo dhaariyay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen ayaa maanta oo Isniin  ah si rasmi ah loogu dhaariyay xafiiska.

Wasiirka cusub ayaa waxaa lagu dhaariyay kulan uu yeeshay guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka oo uu guddoominayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Shacabka, Mudane  Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuday.

Dhaarinta kadib wasiirka cusub ayaa uga mahadceliyey hoggaanka dalka kalsoonida loogu magacaabay xilka wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada isaga oo ballan qaaday inuu si hagar la’aan ah ugu shaqeyn doono xilka cusub.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa 4-tii bishan u magacaabay xilka wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo horey usoo noqday Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka ganacsiga.

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo joojisay heshiis ay kula jirtay shirkado gaar loo leeyahay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa  joojisay gabi ahaan ba heshiisyadii ay kula jirtay shirkaddaha gaarka loo leeyahay ee ku shaqadda leh in shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu diraan.

Wareegto uu soo saaray Wasiir dowlaha Wasaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxa lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii ay Wasaaraddu horay u la gashay Shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay Shaqaale Soomaaliyeed shaqo siin dibedda ugu dhoofin karaan.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa  gaarsiiyay hay’adaha ay quseyso wareegtadani,isagoo dhinaca kale ka codsaday Heya’adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha in aanay u ogolaan safar dhoof cid kasta oo ay uga shakiyaan in shaqo siin dibadeed darted loo dhoofinayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga qaadista imtixaaanaadka Dugsiyada kaas oo uu goob joog ka ahaa taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaas loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida,Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho.

Shacabka Xuddur oo maanta tukaday Salaad roob doon ah

Magaalada xudur ayaa markale maanta waxa lagu tukaday salaad roob-doon oo alle looga baryayo nimcadiisa, xilligaan oo gu’ga wali si fiican uga da’in xudur iyo deegaanada kale ee hoos yimaada gaar ahaan dhul beereedka oo dadka beeralayda ah aad uga deyrinyaan maadaama roobabkii sanadkaan la filayay aan wali da’in.

Guud ahaan shacabka waxa la faray Alle bari shanta salaadood ciribtooda masaajidada waa lagu qanuudaa, maalmihii lasoo dhaafay waxa jiray Qur’aan si wada jir ah culimada u akhrinayeen, banaambaxaan salaada lagu tukadayna waxana ka soo qeyb galay culimaa’udiin, masuuliyiinta deegaanka iyo bulshada inteeda kale, marka laga baxay salaada culimada waxay soo jeediyeen in Alle loo towbadkeeno.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin ayaa sheegey in dadka reer Xudur intooda badan beeraley yihiin, isla markaana aysan jirin wado kale oo dadka ay beerahooda ku waraabsan karaan hadii roob la waayo.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyeey geerida Wariye Axmed Xuseen Caddow

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cusmaan Abukar Dubbe ayaa ka tacsiyeey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Wariye Axmed Xuseen Caddow.

Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey mid ka mid ah isbitaalada magaalada muqdisho ayadoo oo ay xaaladiisa caafimaad kasii dareysay.

Alle ha u naxariistee Wariye Axmed Xuseen Caddow waxa uu ka howl galayey Warbaahinta dalsan ee Magaalada Muqdisho , marxuumka ayaa sidoo kale horay uga soo shaqeeyay warbaahino kale  duwan oo dalka ka howlgalo.

Ugu danbeyn Wasiirka Warfaafinta ayaa Tacsi u diray Ehelka marxuumka iyo dhamaan bahda Saaxafada isaga oo marxuumka alle uga baryey in uu naxariistii janno ka waraabiyo

 

QORI MADOOW IYO QALBI MADOOW HAATAN XIISO LOOMA QABO

Tan iyo burburkii, dalka waxaa isla joogay qof la dulmiyay iyo qof wax dulmiyay, dhammaan musiibooyinkii na soo marayna wax aan khasaaro iyo tuugsi ka ahayna lagama dhaxlin.

Haddaba, Qof dhega la’ iyo qori maan furan, aragnaye maxaa inoo dan ah?

Daruuf iyo dar xumo lagu riiqday wayna soo daashataye ma diidnaa dullinimo oo ma doonnaa dowladnimo?

Haddaan nahay bulsha weynta soomaaliyeed danteennu waxay ku jirtaa dowladnimo iyo kala dambeyn, dalku wuu degayaa, dadkuna waxbey helayaan waxna way baranayaan, deeqna Rabbi baa hayee u dhaqaaqa si kastaba ha ahaatee dowladnimada, waayo wax ka kheyr roon baan jirin.

Dalkeenna iyo dadkeenna, waxaa lagu xantaa inay yihiin kuwo Madax adag aan isxukumi Karin isla markaana aan rabin nidaam iyo  kala dambeyn, kuwo fowdada qaska iyo qalaanqalka jecel.

Waxaa kaloo lagu xantaa inaan nahay yeey aan waxba garan, is-dila is-dhaca iyo dhammaan inta xun ee adduunyada ka faanto.

Sidoo kale, waxaa nalo yaqaanaa guri Ba’ay, Gurigii faqriga, Gurigii geerida, gurigii burcadda iyo balaayada, intaas oo dhan uma muuqdaan kuwa wax magaratada ah ee weligoodba soo taagan kana soo horjeeda nidaamka iyo dowladnimada.

Waxaa hubaal ah oo la ogyahay in ay jiraan dad aan rabin nidaam iyo dowladnimo, waayo iyagu dabkooda ayaa sidaas ku shidma, bulshadana wuu ka damaa wayna ku baaba’aan, oo waxaa soo baxa rag dibiryadu intaa la ikaatay, oo wax ay ka naxayaan aysan jirin.

Haddaba, Bulshadaan waxaa dan u ah nidaam iyo kala dambeyn, caddaalad iyo sinaan in wax loogu qeybiyo taasina waxaa laga heli karaa dowladnimada oo keliya.

Qori isku dhiibkii nidaamka dowladnimada ee ka soo billowday AUN Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ilaa maanta laga soo gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo, waxaan garanay waxtarka iyo faa’iidada ay leedahay dowladnimada.

Waxay soo ahaataba, dowlad la’aan waxaa dhaanta dowlad xun laakiin kuu ilaalisa qarannimada iyo sharafka jiritaanka qori isku dhiibka dowladnimada.

Waa la arkaa dowlad xun waana la arkaa dowlad fiican, muhiimaddu waa in la adkeeyaa jiritaanka Gobannimada, Calanka, midnimada iyo wada jirka dalka.

Haddii lagaaro xilli kala guur ah sida hadda oo kale, waxaa loo baahan yahay in geedi socodka siyaasadda si miiran loo daadihiyo, aysan noqon anaa mudan iyo anaa kaa mudan.

Waa in garaad, cilmi iyo caqli lagu adeegto, geedigana lagu furo meel bulshadu raalli ka yihiin.

Shirka 3aad ee dhuusamareeb bulshadu waxay ka fileysaa guul, wixii intaas ka baxsanna waxaa lagu qiyaasaa in ay horseedi karaan waxaan haatan loo fadhin umadduna aysan jecleysan doonin.

Wixii la isku soo afgarto waxay doonaanba hanoqdeen ayay maslaxadda dalka ku jirtaa, in halkaas lagu kala dhaqaaqana iyadoo aan wax natiijo ah laga heyn waa dhibaato iyo musiibo ku soo korortay dalka, taasina waxaan ka magan galeynaa Allaah Subxaana Watacaalaa.

Waxaan rajo buuxda ka qabnaa in halkaasi nooga soo yeeraan wax laabta uroon bulshaduna ku faraxdo.

Madaxda halkaasi ku kulansanna waxaan ka codsaneynaa in aysan mar kale noo horseedin in uu dalka galo burbur iyo fowdo, dibna ay usoo noolaadaan ma gafayaasha ku adeegta Qoriga Madoow ee aan waxba reebin waxna aan xeerin.

Towfiiqdana Alle ha waafajiyo Madaxdeenna guud ahaan Mid muxaafid ah iyo mid mucaarad ahba, dalkana guul iyo barwaaqo aan gurin Inshaa Alaah.

WQ: Osman Dhiblaawe.  

SHEEKADII NINKII GABADHA DUMAALAY

Bari baa naag saygeedii oo ay aad u jecleedi ka dhintay, markaa baa waxaa dumaal ahaan u guursaday walaalkiis ka yaraa oo ay hal da’ oo kaliyihi u dhaxaysay, balse ka yar dabacsanaa oo aan sidii oo kale u fircoonayn qurxux la tilmaami karaahi aanay ka muuqan , aad’se u caqli badnaa.

Gabadha la dumaalay oo aan markeedii hore ninka loo guuriyay ka qanacsanayn , balse ay eheladeedu ku dirqiyeen ilmaheedana u turaysay oo islaheed hadaad nin kale guursato ciyaalkaa kaa dayacmaya , ayaa mar walba ninka dumaalay ku oran jirtay ‘ adigu nin maahide walaalkaa baa kaa feecnaa’.

Ninkii oo qudhiisu islahaa nin kaa feecaniba aduunyada kuma noola, ayay weedhaasi uurku taal ku abuurtay oo u dulqaadan waayay maadaama ay naagtu halku-dhag ka dhigatay oo ay habeen iyo dharaar iyo ceel iyo carshinba dhagihiisa biil maalinlaa uga dhigtay, fagaarayaal badanoo ay aqayaari buuxdona ku ceebaysay.

waxaa maankiisa karkarinayay aragtiyo kala duwan , wuxuuna ku haminayay inuu mar un halku dhagga cayskaasa ka taqaluso , oo uu naagta is ogolaysiiyo asagoo caqligiisa iyo maskaxdiisa dihan kaashanaya.

Wuxuu aragtiyo kala duwan hadba dhinac u rogoba waxaa u soo baxay qorshe cajiib ah , oo haddii uu ku dhaqaaqo aan naagta mar danbe la maqli doonin ‘walaakaa baa kaa feecnaa ‘ iyo wixii la hal maala , asagana ka saaraya sumcad xumida ay weedhaasi u keentay , oo uu fagaarayaasha uga quustay.

Wuxuu go’aan ku gaaray in walaalkii oo asagu naagta ka dhintay aadna ay u jecleed qabrigiisii ay siyaartaan ,xoolana ku qalaan, oo ay u duceeyaan qur’aanna ku soo akhriyaan, qorshahaas ayuu islaantii u sheegay ayaduna aad bay ugu faraxday arrintaa.

Xilligii lagu ballamay in siyaarada la sameeyo ayuu islaantii ku yiri “ariga ayaan raacayaaye neef noo qal oo qabriga culumada joogtee qur’aanka ku akhrinaysa hilba u gay anigu hadhow unbaan imaanayaaye”, aqbal iyo gudoon bay tiri markaa howshii guda shay oo neefkii birta ku xagtay ayadoo madaxa luxaysa, hees howleedna ku ganuunacaysa oo aad moodo inay aad u faraxsantahay.

Asagii intuu labo geed shishay ka maray , oo arigii labo cunug raaciyay , dhar madmadow oo dhiiqo lagu maluuqay xirtay, wajigana dhuxul ku madoobaystay buu qabrigii agtiisa isku lamaaniyay. cabbaar ka dib bay ayadoo hilbihii oo bisil iyo caanoba isku wada, oo isleh culumada ugay ayay qabrigii isisoo dul taagtay . markay hilbihii dhulka dhigtay buu asagoo sidii jinniga u madow meel xagaa ka soo booday, oo ul waynoo uu gacanta ku haystay islaantii si bilaa raxmad ah ula dhacay , oo laftay taagoba jabiyay hawdkiisiina isaga laabtay.

Ayadoo dalambaabis ah socadkuna uu dhibayo, balse dhibaato kale ka baqaysa ayay goobtii ka hadaaftay.

Markuu hubsaday inay tagtay ayuu hawdkii ka soo baxay, oo hilbihii meesha yaallay ka noolaaday dabadeedna is ka tagay, oo wiilashii uu ariga raaciyay dhankoodii abaaray.

Si aan loo fahmin ayuu galabtii reerka dhinac kale ka soo galay, markuu yimid ayuu arkay xaaskii oo maro ku duuduuban , sidii ruux sakaraadana barbar u jiifta markaa buu ku yiri ” naa heblo maxaa kugu dhacay galabta ma xanuunsanaysaa, culumadiise maanta hilbihii ma ugaysay anigu arrin kalaan ku mashquulaye” , ayadoo sidii ruux caloosha ka qalan dhinaca ku dhulka ku dhajinaysa, ayay maradii ku qamaamudneed intay madaxa aayar ka qaaday cod gaaban ku tiri ” war igama hayside iga aamus” , ” maxaa kugu dhacay ma kaa caddahay” ayuu ku yiri, waxayna ugu jawaabtay ” war wax kale iguma dhicine inkaar qabihii kula dhashaa intuu qabrigii ka soo baxay idilay oo laftaan taagoba i jabiyay” , intuu sidii wax naxay indhaha ka Walac walacsiiyay, oo madaxa luxay ayuu ku yiri ” inaalilaahi waa inaa ilayhi raajacuun war soo anigu kuma dhihin ninkaa dhintay warkiisa iska daa yaanu ku jiidane “.

Maalintaas wixii ka dambeeyay naagtii lagama maqal weedhii hal-qabsiga ay ka dhigatay ee ahayd ” adigu nin maahide walaalkaa baa kaa feecnaa”.

W/Q: Abwaan Hareeri.