Ku simaha Wasiirka Warfaafinta oo abaalmarino guddoonsiiyay tartamayaashii kaalimaha hore ka galay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Munaasab lagu soo gunaanadayay tartan cilmiyeedkii bisha Ramadan ee Warbaahinta Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee XFS, agaasimaha guud ee wasaaradda, agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha Bankiga IBS, Wakiilada Tartameyaasha kaalimaha hore ka galay tartanka, kuwaasi oo kala ah Kismaayo oo sanadkan ku guuleysatay, Yaaqshiid oo kaalinta labaad gashay iyo Warta Nabadda oo sanadkan kaalinta saddexaad gashay iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka mudane Yaxye Cali Faarax ayaa sheegay in Bankiga IBS uu tartanka taabagelisay isla markaana ay guuleystaha kaalinta koowaad ay qaadan doonaan 2,000$ halka tartamayaasha kaalinta labaadna ay heli doonaan 1,000$, waxaana tartamayaasha kaalinta 3-aad la siinayaa 500$.

Ku-simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa Hambalyo u diray dhamaan ka qeyb galayaasha tartanka, gaar ahaan degmooyinka kaalimaha hore galay.

“Waxaan Hambalyo u jeedinayaa Bankiga IBS oo la’aantiis aan tartanka qabsoomi lahayn, faa’iido weyna ay tahay maalgelin ay ku sameeyeen bulshadooda oo aqoon ku tartameysay, taasi oo dhiiri gelin u ah dhallinyarada tartanka ka qeyb gashay”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala.