Dhallinyarada magaalada Gaalkacyo oo kulan qado sharaf ugu sameeyey duleedka Gaalkacyo Madaxweynaha Galmudug

Gaalkacyo Mdaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa ka qeybgalay kulan Qado sharaf ah oo dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ay ugu sameeeyeen duleedka Magaalda Gaalkacyo.

Casuumadda Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ay ka qeybgaleen ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dhallinyarada magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ku dhiigaliyay Bulshada iney ka qeyb qataan nabadda iyo horumarka Gobolka isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha amniga.