Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga Caasimadda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga qaadista imtixaaanaadka Dugsiyada kaas oo uu goob joog ka ahaa taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa loogu hadlay Amniga guud ee Caasimada, iyadoo halkaas loogu hambalyeeyay isla markaana lagu boogaadiyay howlaha sugida Amniga oo ay qabteen Saraakiisha iyo Askarta qeybahooda kala gedisan intii lagu jiray Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyo Maalmihii Ciida,Waxaana lagu balamay in lasii xoojiyo wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa loogu hadlay u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Magaalada Muqdisho.