Raii’sul Wasaare Rooble oo fuliyay ballan uu ka qaaday Caruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed

Wasiiro ka tirsan golaha wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Carruurta Agoonta Booliska Soomaaliyeed ku wareejiyey xaquul ciid uu ugu talagalay Ra’iisul wasaare Rooble.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, wasiirka waxbarashada Eng Cabdullahi Carab iyo wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta mudane Cumar Cali Rooble ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka wakiilka wasiirka koowad ee XFS Eng Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la qadeeyey kuna wareejiyey Agoonta Booliska Soomaaliyeed lacago xaqul ciid ah oo ugu talagalay Ra’iisul wasaare Rooble oo uu horrey ugu ballan qaaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo Jeneraal Cali Gaab ayaa ka mahadceliyey in Ra’iisul wasaare Rooble uu fuliyey ballan qaadkii uu u sameeyey carruurta iyagoo sido kale ku ammaanay wasiiradda kaalinta ay ka gaysteen qabsoomida howshaan.