Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Galmudug oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda Qorsheynta Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta maamul goboleedka Galmudug,Gudoomiyaha Caasimadda maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee wasaaradda Qorsheynta Galmudug.

Mashruucan oo uu maalgalinayo banka aduunka, qaybna ka ah Barnaamijka hormarineed ee Biyoole ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiiro katirsan Galmudug, Agaasimaha guud ee madaxtooyada Galmudug, taliyaha qeybta booliska Galmudug, agaasimayaal iyo saraakiil kale.

Gudoomiyaha Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa kaga mahad celiyay madaxwaynaha Galmudug go’aanka uu qaatey ee dhulkan loogu badalayo Xarunta Wasaaradda qorsheynta taasi oo uu xusay in ay qayb ka qaadan doonto bilicda Caasimada.

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta Galmudug, Abdinasir Gelle Elmi oo ugu dambeyn ka waramey marxalada mashruucan uu soo maray ayaa xaqiijiyey in howsha dhismuhu bilaaban doonto isla todobaadkan.

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in ay isu keento beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Kulan xal loogu raadinayo colaad u dhexeysa beelo walaalo ah oo beryahan ka jiray gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa hadda ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana kulanka garwadeyn ka ah wefdi uu hor kacayo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la isugu keenay odayaasha dhinacyada colaadda dhex martay, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Wariyaha warbaahinta qaranka ugu soo warama gobolka Hiiraan, Cabdi Shakuur Cismaan Cali, oo halka kulanka ka dhacayo jooga ayaa soo sheegaya in niyad sami ay ka muuqato dhinacyada isla markaana kulanka laga filayo in go’aan laga soo saaro.

AMISOM oo dayactir ku sameysay garoonka diyaaradaha ee Jowhar

Ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa dhameystirey dayactirka dhabaha diyaaradaha ee garoonka Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar.

Dharer 3km iyo balac 30 mitir ayay dib u habeyn ku sameeyeen kaas iminka ah mid heer caalami ah.

Dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere ayaa suurtagelinaya in diyaaradaha waa weyn ka degi karaan garoonka, waxayna kordhinaysaa dhaqaalaha gobolka iyo isu socodka.

Diyaaradaha nooca Antonov C-130 oo qaada xamuul gaaraya 20 ton ayaa isticmaali kara hadda garoonka magaalada Jowhar, sida ay sheegeen khubadaha garoomaha.

Madaxweyne Lafta-gareen oo Muqdisho soo gaaray

Maxadaweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliye Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho si uu uga qeyb galo shirka wadatashiga Qaran ee looga arrinsanayo doorashooyinka dalka ee la filayo in ay dhawaan ka qabsoomaan Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, waxaana mas’uuliyiinta soo dhaweysay ka mid ahaa xubno ka kala tirsan Golayaasha Dowladda kuwaasoo uu horkacaayey wasiirka Amniga Gudaha Xasan Xundubay Jimcaale.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa horey u iclaamiyay shirkan, shalay gelinkii dambe, waxaa Muqdisho sidan oo kale soo gaaray madaxweynaha Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Waxaa kaloo maanta la filayaa madaxda kale in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si shirka ugu qeybgalaan.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA MADAXWEYNE KU XIGEENKII HORE EE PUNTLAND

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Cabdisamed Cali Shire uu kaalin mug leh ka soo qaatay geeddi socodkii dowladnimada Soomaaliya iyo kan dhismaha Dowlad Goboleedka Puntland. Marxuumka ayaa ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Xilligii Dowladdii dhexe, isaga oo noqday Taliyaha Ciidanka Daraawiishta ee Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenkii saddexaad ee soo mara Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Madaxweyne Ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Bulshada Puntland, gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland oo ku geeriyooday Muqdisho

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdi samad Cali Shire ayaa maanta oo khamiis ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa, ayaa shalayto la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Wuxuuna sidoo kale ahaa Janaraal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga Qaran oo maanta lagu wado in uu ka furmo Muqdisho

Shirka wadatashiga Qaranka ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad-goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.

Waxaaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka  iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga

Xukuumadda FS ayaa sheegtay in aysan jirin wax  isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.

Saaka ayaa la filayaa in madaxweynayaasha Dowladgoboleedyada ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho,halka Madaxweyne Qoor-qoor uu horay u soo gaaray Caasimadda.

AMISOM oo raashin iyo agab kale ku wareejisay Wasaarada gargaarka Soomaaliya

Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq isugu jirta raashin iyo agab kale ku wareejisay madaxda Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Qaranka, kaasi oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa uu saameeyay fatahaadda ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa deeqda ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Marwo, Khadiijo Maxamed Diiriye kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika AMISOM ee Xalane.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa xusay in dad gaaraya 5.9 Milayn oo Soomaali ah ay xilligan u baahanyihiin gar gaar beni’aadannimo, taasi oo ka badan tirada dadka sanadkii hore 2020 oo ahayd 5.2 Milyan.

Wasiirka Garkaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadcelisay kaalmada ay ciidamada AMISOM soo gaarsiiyeen, waxaana ay intaa ku dartay in deeqda la gaarsiin doono dadka u nugul ee u baahan xilligan in loo gurmado.

Madaxa arrimaha beni’aadannimada AMISOM Abdul Diabagate, ayaa sheegay in agabka ay maanta ku wareejiyeen Wasaaradda loogu talagalay in la gaarsiiyo 42,000 oo qof, isagoo intaa ku daray agabka ay ka koobanyihiin, Bariis, Saliid, Sokor, baco, mara kaneecooyin iyo buskut.

Madaxwaynaha DG Jubaland oo magacaabay Golihiisa Wasiirada

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Jubaland mudane Ahmed Mohamed Islaam, ayaa Magaacabay xubnaha Cusub ee Golaha Wasiirada Jubaland.

Madaxwaynaha DG Jubaland ayaa ay wakhti badan ku qaadatay soo xulista Golihiisa Wasiirada Tani iyo intii dib loosoo doortay.

MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO KULAN CASHO SHARAF AH KU MAAMUUSTAY GUDDOOMIYEYAASHA HEER DEGMO EE HAWEENKA GOBOLKA BANAADIR

Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallim oo kulan casho sharaf ah la qaadatay Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa kala hadashay xoojinta doorka ay ku leeyihiin dowladnimada, dardar-gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee hooyada iyo dhallaanka, dib u heshiisiinta iyo xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed.

Marwada koowaad ee Dalka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku leeyihiin dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, iyaga oo mar walba hormuud u ah ka shaqaynta danta guud, is-xilqaanka, wacyigelinta bulshada iyo tabantaabada danyarta Soomaaliyeed

Marwo Saynab Cabdi Macallim oo ku ammaantay Haweenka Soomaaliyeed doorkooda wanaagsan ee ay ka qaataan u adeegidda Qaranka ayaa Haweenka Soomaaliyeed ku boorrisay in ay ka qayb galaan siyaasadda iyo hoggaaminta Dalka.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ah Haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo uga mahad celiyey Marwada Koowaad casuumadda ay u fidisay, iyaga oo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.