Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in ay isu keento beelo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Kulan xal loogu raadinayo colaad u dhexeysa beelo walaalo ah oo beryahan ka jiray gobolka Hiiraan ee dowlad goboleedka HirShabeelle ayaa hadda ka socda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana kulanka garwadeyn ka ah wefdi uu hor kacayo wasiir ku xigeenka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdifitaax Qaasim.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa la isugu keenay odayaasha dhinacyada colaadda dhex martay, iyadoo ay goobjoog ka yihiin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Wariyaha warbaahinta qaranka ugu soo warama gobolka Hiiraan, Cabdi Shakuur Cismaan Cali, oo halka kulanka ka dhacayo jooga ayaa soo sheegaya in niyad sami ay ka muuqato dhinacyada isla markaana kulanka laga filayo in go’aan laga soo saaro.