Saraakiil ka tirsan maxkamadda ciidamada oo gaaray Gedo

Sasraakiil ka socda maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa safar shaqo ku tagay degmada Doolow ee gobalka gedo .

Sarakiishaan oo uu horkacayo gudomiyaha maxkamada G/lle .Maxamed Amiin Cabdule aadan waxa uu safarkoodu la xiriiraa maxkamadeynta askar lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen degmada Dooloow , Balad xaawo  iyo Luuq .

Sasraakiisha ka socota maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ,waxaa inta ay joogaan degmoyinka gobalka  gedo ay  booqan donaan  furumaha ciidanka si lodhiiri galiyo ciidamada qalabka sida .

AMISOM oo soo gabagabeysay tababar ku saabsan ilaalinta rayidka

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa tababar aqoon-kororsi ah oo ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah u soo gabagabeeyay askar Booliis ah ka tirsan mamulkaasi.

Tababarkaan oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Labaatan iyo shan sarkaal oo boolis ah oo ka socda Qeybta Booliska ee Siraaliyoon ayaa ka qaybgalay tababarkaan .

Tababarkaan waxa mudadii uu socdy lagu bartay sidii ciddamada loo fahamsiin lahaa tilmaamaha quseeya ilaalinta dadka rayidka ah ,gaar ahaan xilliyada ay socdaan gudashada waajibaadyada ciidan ee ay u xilsaaran yihiin.

Xabbad joojin ka dhaqangashay Israa’iil iyo Falastiin

Kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Marinka Qaza iyo guud ahaan dhulka Falastiin ee la haysto si ay ugu dabbaal dagaan xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo kooxaha hubeysan ee Falastiin.

Xabad joojintaan oo dhaqangashay saacadihii hore ee maanta,isla markaana si caalami ah loo soo dhoweeyay, waxaa garwadeen ka ah Xukuumadda Dalka Masar.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihaad ayeey ku xaqiijiyeen xabad joojinta, iyagoo sheegay inuu dhaqan galayo 2-da subaxnimo ee Jimcaha oo maanta ah.

Dad badan oo reer Falastiin ah ayaa ku soo laabtay guryahoda,xilli inta badn la burburiyay dhismayaal muhiim ah iyo deegaanno kale.

11-maalmood oo ay socdeen duqeyn aan kala joogsi lahayn waxaa Qaza ku dhintay 232 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 65 carruur ah,halka, dhinaca Israa’iil, ay ka dhinteen 12 qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo lagu wareejiyay qalab la xiriira baarista dukumiintiyada

Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden,gaar ahaan Safaaradda Sweden ee Neyroobi.ayaa Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahaha ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku wareejiyay qalabka loo adeegsado baarista dukumiintiyada .

Qalabkaan ayaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  ka caawini doona baarista dukumeentiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraaya lahaanshaha Dukumeentiga.

Xafladdaasi lagu bixinaayey qalabka,waxaa barbar socday tababar ku saabsan baarista dukumeentiga safarka,kaas oo loo qabtay xubno ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Ciidamada Boliiska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan oo ay iska kaashadeen Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Neyroobi ,waxaa macalimiin ka ahaa Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 60 qof oo cusub ay ka bogsoodeen cudurka Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 60 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,639.

Marwo Fowziya Abiika, oo soo ka hadleysay warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (11) Puntland (5) Hirshabeelle (2), iyo  Jubbaland (1) iyo taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,594.

Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag 8-na waa dumar, 5 bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 767 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xulka kula wareegayay Wasiirka  cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Wasiir ku-xigeenno, Wasiiru Dowlayaal, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka, howlwadeennnada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha Wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu Wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay ka qabaneyso Wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan” ayuu yiri Wasiirkii hore Duraan Faarax  oo inta ku daray “Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadkeeda qaranku u idmaday. ”

Wasiirka cusub ee Wasaaradda shaqada ee maanta xilka la wareegay Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen  ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay Wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn Wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed, waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha Wasaaradda.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif  oo sidoo kale u mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynaha Dalka.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku ammaanay Wasiirka xilka wareejiyey shaqooyinka adag ee uu dalka u soo qabtey, isagoo ka rajeeyey Wasiirka cusub inuu si daacadnimo iyo wadaniyad ku jirto ugu adeeggo shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiil ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo tababar loo soo xiray

Tababar ku saabsan baarista dukumiintiga safarka (Baasaboor iyo Fiisaha) iyo hubinta qofka ku safraayo lahaanshihiisa dukumiintiga safarka ayaa maanta loogu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho Saraakiisha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Booliska Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Interpol.

Tababarkaan ayaa waxaa bixintiisa iska kaashaday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Safaaradda Sweden ee Nairobi, iyadoo uu goobjoog ahaa Xoghaya Koowaad ee Safaaradda Sweden ee Nairobi. Tababarka oo heerkiisu sareeyay ayaa waxaa bixinaayay Saraakiil ka socotay Dowladda Sweden iyo Hey’adda Xuduudaha Midowga Yurub (Frontex).

Ujeedadada Tababarkaan ayaa aheyd in lagu barto ka hortagga dukumiintiga ay ku safraan dadka isu eg, isla markaana rabaan in ay uga gudbaan xuduudaha Dalka Baasabooro ama dukumiintiga safar oo aysan iyagu laheyn. Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay dukumiintiga Yurub ee lagu safro sida Baasaboorka Sweden, Aqoonsiga iyo Degenaanshaha Sweden, Sidoo kale Saraakiisha ayaa tababarka ku qaadanayay qalabka lagu baaro Baasaboorada, iyadoo ay ku kala saaraayeen Baasaboorka saxda ah iyo kan been abuurka ah.

Lataliyaha sare ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane, Mahad Axmed Cabdi oo dowr muhiim ku lahaa qabsoomidda tababarka iyo Agaasimaha Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Fahmo Xasan Maxamud oo goobjoog ahaa ayaa Saraakiisha kula dardaarmay in ay ka faaideystaan fursadaha tababarada ah ee hay’adda mar kasta la garab taagan tahay, gaar ahaan Saraakiisha ka howlgala Xuduudaha Dalka. Waaxda Maamulka Xuduudaha Dalka ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa mudooyinkii dambe waday horumarinta Saraakiisha safka hore ee ka howlgala Xuduudaha Dalka ( Dhulka,  Badda iyo Garoomada diyaaradaha).

Saraakiisha dhameysatay tababarka ayaa la guddoonsiiyay Shahaadooyin cadeynaya aqoonta ay u leeyihiin baarista dukumeentiyada safarka, iyadoo Sidoo kale qalabka lagu baaro dukumeentiyada lagu wareejiyay Waaxda Maareynta iyo Kontoroolka Xuduudahah ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo ka caawin doonto hadda kadib baarista dukumeentiga safarka.

Dhanka kale Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa Tababarayaasha guddoonsiisay hadiyado ka turjumaya dhaqanka Soomaaliya. Ugu dambeyn Tababarkaan ayay aheyd in uu ka dhaco dalka Sweden, balse xayiraadaha Corona-Virus ee kala xiray adduunka ayaa keentay in Dalka gudihiisa lagu qabto, si loo joogteeyo tababarada Saraakiisha safka hore ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Taliska Booliska oo baaraya Kiiska Marxuumad Rumaan Cabduqaadir Maxamuud

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan kiiska Marxuumad Rumaan Cabduqaadir Maxamuud oo ahayd 14 jir, kuna dhalatay magaalada Muqdisho, taasi oo ay ku dhacday rasaas bastooladeed.

Ehelada marxuumadda ayaa u sheegay Hoggaanka Baarista Dembiyada in aysan jirin wax rasaas ah oo ay isku fakisay gabadhooda, balse lagu fakiyay, Waxaana saraakiisha Hoggaanka Baarista Dembiyada ay xuseen inay baarayaan arrinta iyo sida ay u dhacday, isla markaana natiijada ka soo baxda baarista kiiska ay la wadaagi doonaan Ummadda iyo ehelkeeda.

Falkaan ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay xaafadda Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, waxaana durba meydka Marxuum Rumaan Cabduqaadir la geeyay hoggaanka dambi baarista CID.

Arrintaan ayaa meesha ka saaraysa warar lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegay inay isku fakisay Bastoolad Marxuumadda, iyadoo iska duubaysa Muuqaal.

Guddiga Qaranka ee tacliinta sare oo soo bandhigay liiska Jaamacadaha ka gudbay qiimeynta 1aad

Guddiga Qaranka ee Tacliinta sare ayaa waxay soo bandhigeen magacayada jaamacadaha dalka ee ka gudbay wajiga 1aad ee qiimeeyntii uu guddiga ku sameeyey jaamacadaha dalka ee ka diwaangashan Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare.

Guddiga Qaranka ayaa jaamacadaha aan ku jirin liiskaan waxuu siiyey fursad labaad oo ay ku soo buuxiyaan dhaliilahooda, iyaggoo sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiri doono jaamacad walba oo martay qiimeeyntaas Guddiga Qaranka.

Hadaba halkaan kala soco lifaaqa

   

Qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada K/Galbeed,Galmudug iyo Jubbaland Lafta-gareen ,Qoor-qoor,iyo Axmed Madoobe ayaa manta soo gaaray Magaalada Muqdisho,si ay uga qeybgalaan Shirka Wadatashiga ee la xiriira arimaha doorashooyinka.

Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Qabanqaabo ku aadan munaasabadda furitaanka iyo socodsiinta howlaha shirka wadatashiga.

Xukuumadda DFS ayaa sheegtay in aysan jirin wax isbaddal ah oo ku yimid hannaankii loogu talagalay qabashada shirka wadatashiga.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Hirshabeelle,ayaa la filayaa in ay soo gaaraan Caasimadda Dalka.