AMISOM oo soo gabagabeysay tababar ku saabsan ilaalinta rayidka

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa tababar aqoon-kororsi ah oo ku saabsan ilaalinta dadka rayidka ah u soo gabagabeeyay askar Booliis ah ka tirsan mamulkaasi.

Tababarkaan oo socday muddo saddex maalmood ah waxaa lagu qabtay magaalada Kismaayo, ee Dowlad Goboleedka Jubaland.

Labaatan iyo shan sarkaal oo boolis ah oo ka socda Qeybta Booliska ee Siraaliyoon ayaa ka qaybgalay tababarkaan .

Tababarkaan waxa mudadii uu socdy lagu bartay sidii ciddamada loo fahamsiin lahaa tilmaamaha quseeya ilaalinta dadka rayidka ah ,gaar ahaan xilliyada ay socdaan gudashada waajibaadyada ciidan ee ay u xilsaaran yihiin.