Wasaaradda Caafimaadka oo xaqiijisay in 60 qof oo cusub ay ka bogsoodeen cudurka Karoona

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 60 qof oo cusub, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,639.

Marwo Fowziya Abiika, oo soo ka hadleysay warbixinta maalinlaha ah ee COVID-19 ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 19 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (11) Puntland (5) Hirshabeelle (2), iyo  Jubbaland (1) iyo taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,594.

Bukaannada cusub 11 ka mid ah waa rag 8-na waa dumar, 5 bukaan ayaa u geeriyootay COVID-19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 767 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.