Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii Labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay shalay  markii  uu kulanku soo dhamaaday waxa wuu yiri “Waxaa  si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahad celinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Sidoo kale Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa beeniyay warar sheegayay in kulankii furitaanka lagu gaaray heshiis hor dhaca.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah” ayuu yidhi Afhayeenka XFS, Mucalimow.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa bogaadiyay hannaanka uu ku bilowday shirka, isagoo xusay inay dhankooda ay garab istaagayaan.

“Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaranyahay inaan u howlgalno taabagelinta iyo najaxinta shirka, si dalka uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro arrimaha la xiriira fulinta heshiiskii 17 September, isla markaana isafgarad uu ku soo dhamaado shirka.

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisa furmay, waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiska doorasho ee 17 September”. Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku tilmaamay shirka Arrimaha doorashooyinka mid yadiilo iyo wanaagsan u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka”. Ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Haddaba Kulankan ayaa laga rajaynayaa in laga gaaro heshiis midho dhal ah maalmaha soo socda hadii allah idmo.

Musharrax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo Soo dhaweeyay shirka wada tashiga Qaran ee Muqdisho ka furmay.

Musharrax madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo soo dhaweeyay shirka wada tashiga qaran ee Muqdisho ka furmay ayaa yiri:

“Shirka oo in mudo ah la sugayay in u qabsoomo waxaan rajaynayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah  kuwaas  oo farxad geliya dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay welwel xoogan ka qabay xaalada dalka ku sugan yahay.

Waxaa ii muuqata yadadiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda  ka qaybgalaysa  shirka, taas oo astaan fiican u ah in ay jirto kalsooni, is aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi socodka arimaha doorashooyinka.

Dalku waxaa uu ku jiraa xaalad adag  oo kala guur ah taas oo u baahan tanaasulaad iyo Jihaynta Mustaqbalka dalka iyo dadka. Sidoo kale waxaa lama huraan ah in aanan la lumin dadaaladii lagu bixiyay dib u yagleelida dowladnimada Soomaaliya.

Waxa aan markale ku adkeynayaa  madaxda maanta ka qaybgalaysa Shirka Wadatashiga Qaran  in ay qaataan go’aano geesinimo leh si xal loogu helo caqabadaha hor taagan geeddi socodka doorashooyinka.” ayuu yiri Musharax Jibriil.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka hadlay shirka wadatashiga ee Doorashooyinka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa yiri:-

“Waxaa maanta si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahadcelinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka.”

Saacado ka hor ayuu soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah.

 

Biden: Mareykanku wuxuu caawin doonaa Falastiiniyiinta ku sugan Qaza.

WILMINGTON, DELAWARE - JULY 14: Democratic presidential candidate former Vice President Joe Biden speaks at the Chase Center July 14, 2020 in Wilmington, Delaware. Biden delivered remarks on his campaign's 'Build Back Better' clean energy economic plan. (Photo by Chip Somodevilla/Getty Images)

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa U sheegay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in Falastiiniyiinta ku sugan Qudus ay tahay in la ixtiraamo, isla markaana la fududeeyo in gargaarka bani’aadamnimo la gaarsiiyo Gaza, taas oo qeyb ka ah heshiiskii xabad joojinta ee lala galay Xamaas.

“ Waa lagama maarmaan in Falastiiniyiinta ku nool daanta Galbeed ay helaan amni iyo xasillooni,” ayuu Biden u sheegay Netanyahu mar ay wada hadleen 20-kii May.

Sidoo kale, madaxweynaha Mareynkanka ayaa kala hadlay Ra’iisal wasaaraha Israa’iil in la soo afjaro dagaalka Gaza.

Hadalka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid xilli uu Aqal cadkula kulmay Madaxweynaha Koofurta Kuuriya Moon Jae-in, kaas oo ay labadooduba ku balan qaadeen in ay iska kaashan doonaan xal ka gaarista dagaalka Gaza.

 

Waxaa soo gabogaboobay maalinkii koowaad ee Shirkii Golaha Wada tashiga.

Waxaa soo gabagaboobay maalinkii koowaad ee Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee ka furmay Muqdisho uuna shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble. Shirka oo ku soo idlaalay jawi is faham ayaa la isugu soo laaban doonaa berri oo Axad ah.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay maleeshiyaad ka tirsan argagixisada

Ciidamada Xoogga dalka ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Dagmada Buulo-burte iyo deegaano hoos-yimaado ayaa waxay ku bur-buriyeen fariisimo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Labo xidigle Xuseen Xasan Joodax (Xuseen Horow) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay deegaanka Afcad ku dileen ilaa iyo lix ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dambeeyay ka dib markii, maleeshiyada Al-Shabaab weerar fulaynimo ah ay ku soo qaadeen degmada Buula-burte, halkaasina khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyadii fara ku tiriska ee weerarka soo qaaday.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa goordhow ka furmay Muqdisho.

Shirka oo uu guddoominayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Siciid C/llaahi Deni, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Hirshabeelle Midane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Mudada uu shirka socdo waxaa diirada lagu saarayaa heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho iyo in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale .

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Muqdisho kaga qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Arrimaha doorashooyinka oo lagu wado in maanta oo Sabti ah uu ka furmo Muqdisho.

Madaxweynaha Dalka Niibal oo kala dirtay Baarlamaanka dalkaas kuna baaqday doorashooyin

Madaxweynaha dalka Nepal, Bidya Devi Bhandari, ayaa kala dirtay Baarlamaanka dalkaas, waxayna ku baaqday in doorasho la qabto bisha November ee sanadkaan.
Wajiga koowaad ee doorashada ayaa la qaban doona 12-ka November halka wajiga labaad la qaban doono 19-ka November.
Xiisadda siyaasadeed ee dalka Nepal ayaa kacsanad waayadan, iyadoo xisbiyada mucaraadku ay dalbadeen in la dhiso xukuumad cusub oo dalka ka saarta wareerka siyaasadda iyo dhibaatada karoonaha.
Khubarada dastuurka ayaa sheegaya in dood badan ka dhalan doonto kala dirka Baarlamaanka, waxaana la filaya in maxkamadda sare ka hortimaado go’aankaanka madaxweynaha.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda ka furmo Muqdisho.

Ita badan Madaxda maamul goboleedyada ee shirkan ka qeyb galeysa ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo dhinaca kale la filayo in uu madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen maanta soo gaaro Muqdisho si uu qeyb kaga noqdo shirka.

Shirkan oo ay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba aad isha ugu hayaan ayaa dhaqdhaqaaqiisa aad looga dareemayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay Caasimadda Muqdisho iyo Warbaahinta Soomaalida qeybaheeda kala duwan.