Madaxweynaha Dalka Niibal oo kala dirtay Baarlamaanka dalkaas kuna baaqday doorashooyin

Madaxweynaha dalka Nepal, Bidya Devi Bhandari, ayaa kala dirtay Baarlamaanka dalkaas, waxayna ku baaqday in doorasho la qabto bisha November ee sanadkaan.
Wajiga koowaad ee doorashada ayaa la qaban doona 12-ka November halka wajiga labaad la qaban doono 19-ka November.
Xiisadda siyaasadeed ee dalka Nepal ayaa kacsanad waayadan, iyadoo xisbiyada mucaraadku ay dalbadeen in la dhiso xukuumad cusub oo dalka ka saarta wareerka siyaasadda iyo dhibaatada karoonaha.
Khubarada dastuurka ayaa sheegaya in dood badan ka dhalan doonto kala dirka Baarlamaanka, waxaana la filaya in maxkamadda sare ka hortimaado go’aankaanka madaxweynaha.