Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay Maalintii labaad

Shirka Golaha wada tashiga Arimaha Doorashooyinka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya & Madaxda Maamul goboleedyadda Xubnaha ka ah DFS oo uu saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September lagu gaaray magaalada Muqdisho, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintii Labaad.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay shalay  markii  uu kulanku soo dhamaaday waxa wuu yiri “Waxaa  si wanaagsan noogu furmay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka. Madaxweyneyaasha DG & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan uga mahad celinayaa ka soo qeyb galkooda.Waxaan rajeynayaa in uu Guul noogu dhammaado shirkan muhiimka u ah masiirka dalka”.

Sidoo kale Afhayeenka XFS Maxamed Ibraahim Mucalimow, ayaa beeniyay warar sheegayay in kulankii furitaanka lagu gaaray heshiis hor dhaca.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isul Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn. Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah” ayuu yidhi Afhayeenka XFS, Mucalimow.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Qaar ka mid ah murashixiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa soo dhaweeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, oo shalay uu si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu shir guddoominayay kulanka, kaasi oo diiradda lagu saaray dhameystirka arrimaha doorashooyinka dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah murashixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka ayaa bogaadiyay hannaanka uu ku bilowday shirka, isagoo xusay inay dhankooda ay garab istaagayaan.

“Waxaan bogaadinayaa guulna u rajeynayaa shirka wadatashiga Qaran, waxaana dhamaanteen xil weyn naga saaranyahay inaan u howlgalno taabagelinta iyo najaxinta shirka, si dalka uga qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah”. Ayuu yiri Musharax Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bogaadiyay qabsoomidda shirka, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in xal waara laga gaaro arrimaha la xiriira fulinta heshiiskii 17 September, isla markaana isafgarad uu ku soo dhamaado shirka.

“Waxaan bogaadinayaa shirka wadatashiga Qaran ee maanta horudhiciisa furmay, waxaan rajeynayaa in xal laga gaaro arrimaha la isku hayo ee la xiriira fulinta heshiiska doorasho ee 17 September”. Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Musharax Madaxweyne Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ku tilmaamay shirka Arrimaha doorashooyinka mid yadiilo iyo wanaagsan u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaa ii muuqata Yididiilo iyo dareen cusub oo ay la yimaadeen madaxda ka qeyb galaysa shirka taas oo astaan fiican u ah inay jirto kalsooni iyo is-aaminaad sahli doonta in heshiis laga gaaro geeddi-socodka arrimaha doorashooyinka”. Ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Haddaba Kulankan ayaa laga rajaynayaa in laga gaaro heshiis midho dhal ah maalmaha soo socda hadii allah idmo.